SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ku Simaha Madaxweynaha Oo Shacabka Ugu Hambalyeeyey Bilashada Bisha Ramadaan, Ganacsatadana U Diray Fariin Gaar Ah "Cod"

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan isagoo dhanka kalena fariin gaar ah u diray ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed ee uu Alle hantida siiyey.

"waxaan rabaa ugu horeyn inaan halkaan ugu Bishaareeyo shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed meel kastaba caalamka haka joogaanee waxaan idinkugu hambalyeeynayaa bisha Ramadaan ee inoo bilatay,waa bil cibaado,waa bil dambi dhaaf,waana bil naxariis "RAMADAAN KARIIM"ayuu fariintiisa ku bilaabay Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

"waxaan halkaan codsi uga dirayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta oo aan ka codsanayo in qof kasta uu kaalmeeyo fadliga bishan barakeysan aawgeed qofka walaalkiisa ah ee aan wax heysan, walaalayaal aan u naxariisano dadka masaakiinta ah ee aan wax heysan oo ay ugu horeeyaan dadka barakacayaasha ah,qof walba haku fekero inuusan kaligiis afurin ee uu qofka walaalkiis ah afuriyo, sidoo kale dadka culimada ah ayaan ugu baaqayaa iney bishaan barakeysan u istaagaan sidii ay dadka Soomaaliyeed wanaaga ugu wacyi gelin lahaayeen, wixii cadaw umaddaan ku ahna Alle haka qabto"ayuu gudoomiyaha Baarlamaanka hadalkiisa sii raaciyey.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu fariin gaar ah u diray ganacsatada Soomaaliyeed "waxaan codsi gaar ah u dirayaa ganacsatada Soomaaliyeed, waxaan idiinka codsanayaa tujaartiiyeey ilaaheey hantida uu idiin siiyey waa imtixaan marka umadda ugu roonaada hantidiina Alle ayaa idiin barakeeynaya, marka si gaar ah waxaan idiinkugu boorinayaa ganacsatada inaad bishaan fadligeeda umadda masaakiinta ah ee aan waxba heysan ugu naxariisataan"

"guud ahaan waxaan umadda Soomaaliyeed Alle uga baryayaa in Toowfiiq aduunyo iyo mid aakhiraba uu waafajiyo,in tabaabusheeysiga aan Aakhiro u tabaabusheeysaneyno Alle hanagu garabgalo,Dalkeenna dal Ammaan ah Alle hanooga dhigo, Allena hanaga wada dhigo Muslimiin toosan oo raaca wadada Nabigeenna Muxamad NNKH,Qur'aanka kariimkana ku dhaqmo Alle hanaga dhigo,Ammaan,Bash Bash,Barwaaqo Alle ha inagu waafajiyo inaan bishaan waajibaadkeeda ku gudano, markale waxaan idiin leeyahay RAMADAAN KARIIM RAMADAAN KARIIM RAMADAAN KARIIM"ayuu fariintiisa kusoo gebagebeeyey Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

----DHAMAAD----

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;