SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Qalab lagu Keydin Karo Raashinka Bisil isagoo Kulul oo lagu soo Bandhigey Jaamacadda Jobkey

Qalabkaan oo lagu Magacaabo Wonder-Bag oo marka Af-Soomaali laga dhigo noqonaya Boorsadii la yaabka lahayd waxaan maanta lagu soo Bandhigey Jaamacada Jobkey ee Magaalada Muqdisho , waxaana ka qayb galey Qaybaha kala duwan ee Bulshada , Hay’adaha Samafalka , Masuuliyiinta Jaamacada Jobkey Haween iyo Marti Sharaf kale .

Waxaa ugu Horeyntii halkaa ka Hadley Shiikh Cabdiraxmaan Raggow oo ah Madaxa Mashruucaan waxaana uu sheegey in Qalabkaan uu yahay mid wax ka taraya Dhuxushii faraha badneyd ee Cuntada lagu Karin jirey iyo Waqtigii dheeraa ee ku bixi jirey Cunta Karinta waxaa uu sii raaciyey

“Qalabkaan waxaa lagu Keydin karaa ama lugu Kariin karaa Nooc kasta oo Cunta ah waxaana Qalabkaan uu kuu fududeynayaa in aad heshid Cunto aad u Kulul,waxaa kale oo Faaidooyinkiisa ka mid ah waxay yareyneysaa waqtigii fara badanaa ee aad ku Karin jirtey Raashinka waxaana Fursad u heleysaa Caruurtaada iyo Shaqadaada” waxaa uu Intaa ku darey Shiikh Cabdiraxmaan

 

“ Waxay Yareyneysaa Isticmaalka Dabka ama Korontada 50%Dhuxusha ama Gaaska 50% waxay kaloo yareyneysaa Lacagta isticmaalka Dhuxusha iyo weliba dadka ku Dhaawacba Dabka ama Korontada”

Xubnihii kale ee halkaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Eng Maxamed Xasan Aayow oo ugu horeyntii u Mahadceliyey Ganacsatadii Qalabakaan keentey Dalka isagoo sheegey in Qalabkaan uu yahay mid wax weyn ka geysanya yareynta Xaalufka lagu hayo Dhirta Soomaaliyeed

Wonder-Bag waa Qalabka u eg Marro Qariirad oo kale oo ka sameysan kaas ayaa Gelineysaa Digsigii ama Weelkii kale aad wax ku Karisey kadina Afka ayaa ka xireysaa waxaana Cuntada iyadoo Kulul uu Haynaa Muddo Sideed Saacadood ah, waxaana qalabkaan Qiimihiisa uu yahay Soddon Doolar. Waxaa Qaybihii kala duwanaa ee ka Qayb galey Munaasbadaas ay Dawadeen Qalabkaas oo Raashin Bisil lagu keydiyey Muddadaas dheer isagoo Kulul laga soo saarey taasoo ay aad ah u layaabeen Daawadayaashii

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;