SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Suuqyada Magaalada Muqdisho oo si Weyn Looga Dareemayo u Diyaargarowga Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Iyadoo Waqti yar oo faro ku tiris ah ay naga xigaan Bilashada Bisha Kheyrka badan ee Ramadaan ayaa guud ahaan Magaalooyinka waa weyn ee Dalka Soomaaliya waxaa laga dareemaya Diyaargarow xooggan oo Bishaas loogu Diyaargaroobayo oo halkaa ka soconaya.

Suuqyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa Dadweyne aad u fara badan oo ku hawlan Diyaargarowga Ramadanka iyagoo Badeecooyin kala duwan halkaa ka iibsanaya.Waxyaabaha ay dadku aad u Iibsanayaan ayaa waxaa ka mid ah Raashiinka noocyadiisa kala duwan, Sharaabka iyo Timirta ay ugu tala galeen xiliga afurka ee bisha Barakaysan ee Ramadaanka.

Dhinaca kale Shirkadaha Xawaaladaha ayaa la arkayaa oo Maalmahaan aad u hawlo badan iyadoo halkaas ay ku soo xoomeen Dadka Eheladooda Dibadaha jiraan Shirkadahaasna ay ugu soo Xawilayaan Lacagaha ay ugu tala galeen Bisha Barakaysan ee Ramadaan.Badeecooyinka qaar ayaa Qiimahooda waxaa laga Dareemayaa sare u kac maadaama Bishan oo kale oo Dadku si aad ah u Dukaamaystaan isla markaana isugu diyaariyaan Gudashada Waajibaakaas Diiniga ah.

In kastoo Dadka Dhaqaalaha ladan ay tallaabadaas qaadayaan ayaa hadana dhinaca kale waxaa jira Boqolaal dad ah oo ku sugan Xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo aysan ka muuqan Diyaargarowga ay sameynayaan qaybaha kale ee dadka iyagoona kuu sheegaya inuusan jirin wax ay ku diyaargaroobaan hase yeeshee ay Taladooda Eebe saarteen sidaasna ay Diyaar ugu yihiin in ay Soomaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Si kastaba xiligan oo kale ee sanad walba marka la gaaro ayaa la arkaa Diyaargarow noocaan oo kale ah oo Shacabka Soomaaliyeed ay isugu Diyaarinayaan Bisha Kheyrka badan ee ramadaan, waxaana la Filayaa in Maalinta Talaada ah oo ay Bishu tahay 9-ka Luulyo ay Dhalato Bishii Ramadaan waxaana Ilaah ka Baryeynaa in uu Kheyrkeeda na Waafiyo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;