SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Shirweynihii shuurada caamka ah ee Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah oo maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

July 4, 2013: Shirweynihii 18aad ee golaha shuurada Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab Wassunnah oo halkudheggiisu ahaa "Aan wada xaqiijino horukac dacwadeed " ayaa maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Shirweynahaan waxaa ka soo qaybgalay madaxda Jamaacada, culumadeeda iyo aqoonyahankeeda oo isaga yimid dalka gudihiisa iyo dubadiisa, waxaana lagaga hadlay arrimo badan oo khuseeya diinta iyo danaha ummadda.

xafladdii gabagabadana waxaa ka soo qaybgalay Hay'adda Culumada Soomaaliyeed, Xarakada Al-islaax ee Islaamiga ah, Xarakada Al-tajammuc Al-islaami, siyaasiyiin iyo martisharaf kale.

Bayaanka shirweynaha 18aad ee Jamaacada Al-ictisaam Bilkitaab Wassunnah

Bayaanka oo dhamaystiran ka akhri halkan

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وأصحابه.

Kulankii 18aad ee golaha shuurada guud ee Jamaacada Al-ictisaam Bilkitaab Wassunnah oo halkudhaggiisu ahaa : aan wada xiqiijinno horukac dacwadeed oo ka dhacay magaalada Muqdisho, socdayna intii u dhexeysay 24-26/08/1434 oo waafaqsan 2-4/7/2013, oo lagu falanqeeyay arrimo badan oo khuseeya dacwada islaamka iyo aayaha umadda soomaaliyeed ee muslimka ah dibad iyo gudaba waxaa ka soo baxay bayaankan:

1. Waxaan umadda soomaaliyeed ee muslimka ah ugu baaqeynaa in ay wada qabsadaan shareecada islaamka, kuna dhaqmaan, khilaafaadkoodana ku xilliyaan,waxaana xusuusineynaa in shareecadu tahay waddada kaliya ee ay kaga bixi karaan dhibaatada dheeraatay ee ku habsatay,waxaana soo jeedineynaa in shuruucda iyo xeerarka waddanka la waafajiyo shareecada islaamka.

2. Waxaan umadda soomaaliyeed xusuusineynaa madax iyo shacabba xilka ka saran dacwada islaamka, iyo faafinta aqoonta diinta,iyo in ay isu kaashadaan faafinta wanaagga iyo ka hortagga xumaha . قال الله تعالى: )ولتكن منكم أمة يدعون إلى الخير ويأمرون

) بالمعروف وينهون عن المنكر وأؤلئك هم المفلحون( آل عمران الآية ) 401

3. Waxaan umadda soomaaliyeed uga digaynaa khataraha fara badan ee ku xeeran,ee halista ku ah jiritaankeeda,si gaar ah waxaan u tilmaameynaa faragalinta shisheeye ee isku diraysa si loo burburiyo inta ka hadhay dadkii iyo hantidii soomaaliyeed,sidoo kale waxaan tilmaameynaa khatarta qabyaaladda ee qaybneysa bulshada. Bayaanka oo dhamaystiran ka akhri halkan

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;