SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ciidamada Dalka Kenya oo Magaalada Kismaayo ka Masaafuriyay Illaa Seddax Mas’uul oo Sheeganayay Madaxtinimada Maamulka JubbaLand

Warar ku dhow dhow Maamulka Amisom ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in illaa Seddax Mas’uul oo ka tirsanaa Ragga Sheeganayay Madaxweyninimada maamulka Jubbaland in Habeenkii Xalay ahaa Ciidamada kiinyaanku ay ka soo Masaafuriyeen Magaalada Kismaayo isla markaana la soo saaray Diyaaradihii Dhaawaca u soo qaaday Habeenkii xalay ahaa magaalada Muqdisho.

Raggan Magaalada laga soo Msaafuriyay ayaa waxa ay kala yihiin Cabdi Baaleey, Buraale iyo Iftin Baasto oo Sedaxdooduba horey u sheegtauy in loo doortay Madaxtinimada Maamulka Jub land.Raggan Sedaxda ah ayaa sida lagu soo waramay waxaa la qab qabtay intii ay soconayeen Dagaaladii u dhaxeeyay labada Maliishiyo ee kala taageerayay Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Col. Barre oo ka mid ahaa Raggii sheeganayay Madaxweyninimada Maamulka JubbaLand ayaa isaga baxay gudaha Magaalada Kismaayo ka gadaal markii loo awood sheegtay isaga iyo Malliishiyadiisii sidaasna looga saaray Magaalada Kismaayo.



Cabdi Baaleey oo ka mid ahaa raggii laga soo Masaafuriyay Magaalada Kismaayo oo iminka ku sugan Magaalada Muqdisho oo waraysi siiyay warbaahinta qaarkeeda ayaa sheegay in si qasab ah Ciidamada Kenya ay uga soo saareen Magaalada Kismaayo lana soo saaray Diyaarado ku soo jeeday Magaalada Muqdisho

Baaleey ayaa Xukuumadda Kenya Ciidamadeeda ku Sugan Magaalada Kismaayo ku Eedeeyay in ay qayb ka yihiin Dagaalada Kismaayo isla markaana ay la safteen mid ka mid ah Garabyadii ku dagaalamay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Malliishiyada Axmed Madoobe ayaa iminka gacanta ku haysa inta badan Magaalada Kismaayo Maamulkeeda taasoo la sheegayo in Ciidamada Kiinyaanku ay gacan ka gaysteen sidii Malliishiyada Axmed Madoobe ay u qabsan lahaayeen Magaalada kismaayo iyadoo Masaafuruintaan Dowladda Federaalka aysan weli ka hadlin sheegteyna in Dagaalka Kismaayo lagu dhameeyo Wadahadal.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;