SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xildhibaan Xiddig oo Dagaalada Kismaayo ku Eedeeyay Dawladda Federaalka Soomaaliya

iyo Maxamed Cabdi Kaliil oo ku Eedeeyey Ciidamada Kenya in ay Dhinac la Safteen Beelaha isku haya Kismaayo.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo mar ahaa Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhigga Xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ayaa si kulul uga jawaabay Eedeyn Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dawladda Kenya ay ku Eedeysey in ay qayb ka noqotay Dagaaladii ka dhacay Magaalada kismaayo ee Gobolka jubada Hoose.Xildhibaanka ayaa Eedda dagaalkaas dusha uga tuuray Dawladda federaalka Soomaaliya oo iyadu uu sheegay in dagaalkaas ay abaabushay, Bilowdey isla markaana ay Maalgalisay.

Xiddig ayaa soo hadal qaaday Wasiirka Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya inuu rasaas iyo Lacagba uu geeyay Magaalada kismaayo isla markaana uu isagu dagaalkaas bilaabay isagoona hoosta ka xarriiqay in laga soo abaabulay Magaalada Muqdisho.

Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa meesha ka saaray Eedeynta loo soo jeedinayo Ciidamada Kenya oo qayb ka ah Dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo isagoona Dagaalkaas dusha u saariyay inay wadday Xukuumadda oo qaar ka mid ah Wasiiradeeda halkaas ay u tageen si ay dagaalkaas u abaabulaan.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan Xiddig ayaa waxa uu imaanayaa xilli Maalintii shalay gelinkeedii dambe Magaalada Muqdisho uu Shir jaraa’id ku qabtay Wasiir ku Xigeenka WarFaafinta Boostada iyo Is gaarsiinta Cabdishakuur Cali Mire kaasoo sheegay in Ciidamada Kenya ay dhinac la safteen isla markaana ay ka qayb qaateen Dagaaladii ka dhacay Magaalada kismaayo .

Dhinaca kale Maxamed Cabdi Kaliil Guddoomiyaha Maamulka Dawladda ee Gobolka Gedo ayaa ka hadlay Doorka Ciidamada Kenya ee Dagaaladii maalmahanba ka dhacayay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Xukuumadda oo dhawaan gaaray Gobolka Jubada Hoose qaybna ka ahaa Ciidamo ay Dawladdu u bedeshay Gobolkaas in Dagaaladaas lagu Xasuuqay arrintaasina ay ka dambeysey Xukuumadda Kenya.

Kaliil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Kenya aysan u kala aaba yeelin Ciidamadaas oo Cir iyo Dhulba ay ka garaacday illaa ay Magaalada ka saarto.Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamada dawladdu marnaba aysan ka filaynin Ciidamda Kenya inay Dagaal kala hor imaanayaan isla markaana dhinac ay la soo safanayaan isagoona Cambaareyn kulul dusha uga tuuray Ciidamada kiinyaanka ee qaybta ka ah hawl galka Amisom ee Gobolka Jubada hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in dagaalkaas ay ku dhinteen illaa Boqol iyo Konton Askari halka dhaawucuna uu ku sheegay illaa laba Boqol oo Askari oo qaarkood sida uu sheegay dhaawacooda la dhamays tiray.

Kaliil ayaa sheegay in Ciidanku ahaa Ciidan Dawladeed isagoona meesha ka saaray in ay jireen Ciidamo uu leeyahay Col. Barre Hiiraale Korneylkuna uu yahay Shakhsi Gobolkaas u dhashay waxase lala dagaalamay ay yihiin Ciidamadii dawladdu Gobolkaas u dirtay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;