SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra'iisul Wasaare Shirdoon oo Dacaayad Raqiis ah ku Tilmaamey in uu Khilaaf kala Dhaxeeyo Madaxweyne Xasan


Waxaa Mudooyinkii Dambe la isla Dhex marayay Warar ku saabsan in Khilaaf uu xiligan u dhaxeeya labada Mas'uul ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa markii u horeeyay waxaa arrintaa ka hadlay Ra'iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirddoon. Mar uu la hadlayey qaybo ka mid ah Warbaahinta ayaa arrintaa Tafaasiil dheerad ah ka bixiyay isagoona sheegay in aysan jirin haba yaraatee wax khilaaf ah ee ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Ra'iisul wasaraha ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynuhu ay ka dhaxayso wada shaqayn wanaagsan isla markaana ay si joogta ah u kulmaan isagoona hadalada la isla dhex marayo ee ah in khilaaf uu jiro ku tilmaamey Dicaayad rakhiis ah.

Cabdi Faarax Shirddoon ayaa soo hadal qaaday sidoo kale Sababta uu dibadda ugu bixi waayay tan iyo markii xilkaas loo magacaabay, arrimahaas oo iyaguna ka mid ah hadal haynta la isla dhex marayo, wuxuuna sheegay in ay jiraan Casuumado iyo Martiqaadyo fara badan ee uu ka helay Beesha Caalamka isagoona Farta ku goday inuu doonayo inuu helo wax uu la shir tago.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa Farta ku Fiiqay in Mudadii Sedaxda Bilood ahaa ee u dambeeyay ee uu Xilkaas hayay in wax badan ay iska bedeleen xaaladaha Soomaaliya muddo Labaatan sano kaddibna ay tahay markii ugu wanaagsanaa Nabadda Soomaaliya. Cabdi faarx Shirddoon ayaa ugu dambayntii xusay in Marka Soomaaliya xaaladaheedu hagaagaan inuu u baxayo Safaro dibadda ah si uu u tuso Beesha Caalamka wax qabadka Xukuumaddiisa mudadii ay jirtay iyo waxyaabihii u qabsoomay isagoona ballan qaaday in ay ka dhabaynayaan balan qaadkoodii Boqolka maalmood.

Hadalkan Ra'iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli waayadii dambe si weyn loo hadal hayay in Khilaaf ba'an uu u dhaxeeyo labada Mas'uul taasoo keentay in Ra'iisul wasaaraha wax Safar ah uusan dibadda ugu bixin tan iyo markii loo dhaariyay Jagadaas oo iminka Illaa Seddax Bilood ku sii dhow marka laga reebo Safaro gudaha ah oo uu ku tegay Gobolo Dalka ka mid ah hase yeeshee Tuhunka ah in uu Khilaaf u dhaxeeyo Raiisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa sii adkeeyey ka dib markii Wafuud ka socota Mareykanka uu midba Goonidii u qaabiley .

Waxaa Warar kale ay sheegyaan in Khilaafkaan uu ka dhashey markii Banki-ga dhexe laga waayey lacago Yaaley oo qaarkood ka timid Dibada qaar kalena ay ka soo Xarootey Dekedda hase yeeshee Maqnaanshaha Lacagahaasi ay dib u dhigeen in la dhageysto Cabasho aad u fara badan oo ku aadan in Muddo Afar Bilood ah wax Mushaar ah aysan qaadan Shaqaalaha Dowladda halka Ciidamada iyana qaadan wax Mushaar muddo Saddex Bilood ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;