SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Maxkamadii  la Horkeeney Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan

Qaybaha ka Duwan ee Saxaafadda oo Maanta Filayey in ay Xoriyadooda heleen Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul balse ka Caroodey..

Waxaa Maanta Maxakamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir la Horkeeney Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan ka dib markii Maxakamadda Darajadda Koowaad ay Labadooda ku Xukuntey Min Hal Sanno oo Xarig ah hase yeeshee waxaa Racfaan ka qaatey Qareenada u Doodaya Wariyaha iyo Haweeneyda sheegatey in la Kufsadey , waxaana maanta mar kale la dhegeytey Marqaatiyaashii ay Labada Dhinac ay keeneen waa Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo Qareenada.

Maxkamada ayaa waxay Qarneenda ka Codsatey in ay Keenaan Marqaatiyaashii ay hayeen , waxaana la Keeney Afar nin kuwaas Maxakamada Horteeda ku Marey Kutaabka Quraanka Kariimka waxayna halkaa ka Cadeeyeen in Luul Cali Cismaan la Kufsadey oo Qaarkood Sheegey in rag Tuuto Wato Qoryo ku qabteen markii Howsha Kufsiga socotey , waxay kaloo Qareenada ay halkaa ku soo Bandhigeen Qoraal ka Yimid Telefishinka Al Jazeera oo sheegayay in Wariye Cabdicasiis Koronto uusan u shaqeyn , waxay kaloo Qareenada ay sheegeen in Wariye Cabdicasiis Koronto Wareysigii uu ka qaadey Luul uusan Siideeyn , Hae yeeshee arrinta la yaabka leh waxay tahay in Marqaatiyaashii uu hore Maxakamada uu u horkeeney Xeer Ilaaiyaha aan la dhaarin halka kuwa maanta ay keeneen Qareenada u Doodaya labada Dhibane la dhaariyey.



Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxakamada ka Codsdeyn in Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan in Maxkamada ay marsiiyo Ciqaabta ay leeyihiin mar haddi ay ku Xadgudbeen Sharafta Ciidamada Booliiska hase yeeshee Qareen Cabdikariim Gorod ayaa sheegey in Rag ku labisn Dareyska Ciidamada ay maalin waliba ay dhibaateen dad aan waxba galabsan. Qaarkood la soo qabtey iyaga oo falkaa ku guda jira marka Luul Cali Cismaan waxaa uuu sheegey Qareenka in aysan meel uga dhicin Ciidamada Booliiska ee ay sheegtey in ay Kufsadeen rag ku labisan Dareyska Ciidamada tasoo Muujineysa in aysan Tilmaamin Ciidan Booliis.



Gudoomiyha Maxkamada Racfaanka Xasan Maxamed Cali ayaa markii uu dhageytey Labada Dhinac waa Qareenada u doodaya Dhibanayaasha iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka waxaa uu in sheegey in maanta aysan go’aan ka gaari Karin isagoo dacwada ku Tilmaamey mid Culus waxana uu ku dhawaaqeyn in Maalinta Axadda ah ee ay Bisha tahay 3-da Maarso mar kale la isugu yimaado Maxkamadda taasoo ay si weyn ugu Caroodeen Bahda Saxaafadda, iyo hayadha Xaquuqda Aadanaha hase yeeshee Dib u dhigistaasi waxaa ay Ilmo ka keentey Wariye Cabdicasiis Koronto oo si weyn u Saluugey Qareenada u doodaya , balse Qareenada Wariye Cabdicasiis ugu laab qaboojiyey in uu Dulqaad yeesho.

Markii banaanka la yimid ayaa waxaa Shir jaraaid qabtey Dhowr Qofood waxaa ka mid danjire Maxamed Xuseen Owliyo oo sheegey in aad ugu faraxsan yahay in 22 Sanno ka dib ay Maxakamadaha dadka Shacabka ah ay ka doodi karaan iyagoo qabsanya Qareeno , wuxuuna ku Tilmaamey Guul la gaarey, wuxuu ka Codsadey Dowladda Federaalka in ay il Naxariis ah ku eegto Dacwadaasi ,waxaa kaloo shirkaas Jaraaid ka Hadley Daa’uud Cabdi Daa’uud oo Xubin ka ah ururka Suxufiyiinta ee Deegaanka oo sheegey in Saxaafada ay Cadaalodaro weyn ka tirsanayaan Garsoorka, sidoo kale waxaa shirkaas jaraaid qayb ka ahaa Xoghayaha Maaliyada ee ururka Suxufiyiinta Qaranka Cabdirashid Deyl oo yiri “waxaan maanta fileyney in Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan ay heli doonaan Xoriyadooda , balse Dib u dhigista Xukunkooda waxaan ku tilmaami karnaa mid Siyaasad Huwan.”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;