Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka
Socda Midowga Yurub
Muqdisho, 24, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka xafiiskiisa kulan balaaran kula
qaatay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michal Caravan, Safiirka
Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mark Boucher, iyo wakiil ka socda
Safaarada Faransiiska ee Kenya. .
Shir
jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiilka midowga
Yurub u qaabilsan Soomaaliya. ayaa ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay
Ra’iisul Wasaare Saacid.
“Waxaa aad ugu farax sanahay inay maanta nagu soo booqdaan guryaheena wafti ka
socda midowga Yurub, mana ahan markii ugu horaysay oo ay dalka yimaadaan,
waxayna na tuseen sida ay ugu heelan yihiin sidii Soomaaliya wax loola qaban
lahaa loona xoojin lahaa xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo
Midowga Yuruba, waxay sidoo kale noo muujiyeen inay aad ula dhacsan yihiin
siyaasada dowlada oo ah in laga dhabeeyo isbadalka ay dowladu balan qaaday kaas
oo ku salaysan wada tashi.” Ayuu yiri Ra’isal Wasaare Saacid oo dhanka kale
xusay in kulankaan calaamad u yahay sida caalamka uga go’antahay is garab taaga
dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, Wakiilka midoga Yurub oo isna saxaafadda la hadalay ayaa ka war
bixiyey kulankii ay la qaateen Ra’iisal Wasaaraha.
“.Waxaan isla soo qaadnay sidii midowga yurub iyo Soomaaliya xiriirka ka
dhaxeeya loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa Amniga,hormarinta siyaasada
dowladda, iyo Dhagaalaha “ ayuu yiri Wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya isagoo
dhanka kale sheegay in Midowga yurub ay diyaar la yihiin inay mudnaanta koobaad
siiyaan waxyaalaha dowladu u baahan tahay in laga taageero..
Ugu dambeyntii Safiirka Boqrtooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mark
Boucher ayaa u mahadceliyey dowladda sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay
Muqdisho, Isagoona sheegay in ay ka wada hadleen dowladda Soomaaliya sidii looga
taageeri lahaa Amniga, Cadaalada, iyo Maamulka dhaqaalaha. Wuxuuna wada hadalka
ay la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay mid ku dhamaaday is afgarad.
Isagoona sheegay in ay maanta muuqato fursad Soomaaliya wax loogu qaban karo.
--
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2013
|