SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Warar ku saabsan Shirka Dowladda Federaalka Maamulka Raaskambooni uga Socda Aadis –Ababa

Dowladda Norway oo si weyn u daneyneysa Shirka Adis-Ababa

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya waxay sheegayaa in halkaasi uu shir uga socdo Dowladda Federaalka iyo Maalmulka Raas Kambooni ee uu Hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaana Wada hadaladaas la doonaya in lagu Dhameeyo Xaalada ka taagaan Gobolada Jubbooyinka , waxaana kulankaan soo qaban qaabiyey Dowlada itoobiyaha.

Wada hadaladaan ayaa waxaa la sheegey in weli la isku mari la’ yahay inkastoo Dowladda Itoobiya ay sheegtey in wada hadaladii u dhaxeeyey Dowladda Federaalka iyo Maamulka Raas Kambooni lagu heshiiyey Saacadaha soo socdana la qaban doono Xafladii lagu soo gabagabeynayo Kulankaas, Iyadoo Dowladda Federaalka ay wada hadaladaas ay u Matelayaan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax Cabduqaadir , Lataiyaha Dhinaca Siyaasada ee Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishkuur iyo Safiirka Dowladda Federaalka u fadhiya dalka Ingiriiska Mudane San Boloolshe , Dhinaca Raas-Kambooni waxaa u Matelaya Axmed Madoobe , Cumar Cabdirashiid iyo Prof Maxamed Cabdi Gaandi

Wararka waxy intaa ku daryaan in ay Adkaatey in la isku Afgarto Qodobada qaar oo ay ugu horeyso sidii loo qaybsan lahaa Dhaqaalaha ka soo Xarooda Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Kismaaayo iyadoo Qodobada kale ee lagu Heshiisyey ay ka mid yihin sida loo qaybsanyo dhinaca maamulka waxaa la isku Afgartey in Maamulka uu laba Sanno Hogaamiyo Axmed Madoobe islamarkaana loo sameeyo Saddex Madaxweyne ku Xigeen sidoo kale waxaa la isku Afgartey in Maamulka loo bixiyo Jubba oo laga Bedelo Jubbaland.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Adis-Ababa waxay sheegayaan in Dhaqaalaha ku baxaya Shirkaas la sheegey in ay Bixineyso Dowladda Norway oo iyadu daneyneysa in meel ay u dhacdo Xaalada Gobolada Jubbooyinka si uu u Hirgalo Ujeedkeeda ah in ay soo saarto Shidaalka ku jira Badda Soomaaliya waxaana sidoo kale Xubnaha kulankaas ku jira ka mid ah Raiisul Wasaarihii hore ee Dowladii Federaalka Cumar Cabdirashiid oo ka mid ahaa ragii ka dambeeyey in qayb ka mid ah Badda Soomaaliya loo Ogolaado Shirkado Norway ah iyadoo soo mareysa Dhinaca Dowladda Kenya sidoo kale waxaa wada hadaladaas ku jira Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo isna ka mid ahaa Wasiirkii Saxiixey Heshiiskii Badda ee Kenya.

Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada Jubboyinka ayaa si kulul uga Horyimid Shirka ka socda Magaalada Adis-Ababa uga socda Dowladda Fedraalka iyo Maamulka raas-Kambooni waxayna sheegeen in aysan aqoonsan doonin waxa ka soo baxa Shirkaas iyagoo ku Tilmaamey raga halkaas isugu tagey kuwa hal meel ka soo jeeda , waxayna sheegeen in Shirkaas ay ka maqan yihiin dhamaan Beelaha halkaas Dega waxayna Dowladda ka Codsadeen in aysan Saxiixin Shir aan loo Dhameyn.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 29, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;