SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Faahfaahin Dheeraad oo ku saabsan Howgalkii Ciidamada Dowladda ka Geyteen Machadka Al-Sunnah ee Barashada Diinta Islaamka iyo Dhaqanka

 Saalax Maxamed Yuusuf “Dowladda Fedeeraalka waxaan u soo jeedineynaa in ay sii Deyso Ardey weli u Xiran Maadaama Imtixaanaadkii ay soo Dhow yihiin

Ugaas Mahada Ugaas Maxamed “Dowladda iyo Talafishinka Qaranka (SNTV) Waa Inay Cudur-Daar ka Bixiyaan Muuqaalkii kale ee ay Machadka u yeeleen)


Mar aan Saakey Booqdey Machadka Al- Sunnah ee Barashada Culuunta Islaamiga iyo Dhaqanka waxaa si caadi ah uga Socdey Waxbarashadii ka dib markii Jimcihii Ia soo dhaafey ee ay Bisha u ahayd 16-8-2013 ay Galeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Kuwaa oo Halkaas ka geystey Xadgudubyo iyo in Xabsiga loo Taxaabo 13 Ardey Shan ka mid ah ay ahaayeen Wiilal iyo Sideed Gabdhood kuwaa oo ka mid ahaa Ardeyda wax ka Baraneysey Machadkaas oo Qaar ka mid ilaa Iminka ay ku jiraan Xabsiga

Waxaa ii Suurta gashey in aan Wareysto Maamulha Dugsigaas Saalax Maxamed Yuusuf iyo Qaar ka mid aha Ardeyda wax ka Barata Machadkaas wuxuuna Maamulaha sheegey in ilaa iyo hadda aysan garaneyn Sabab loo soo Tiigsaadey ama loo soo Weerarey Xili ay socotey Waxbarashada taasoo uu sheegey in Maalinkaa ay ka baaqdeen Waxbarashadii, waxaa uu sii raaciyey



“ Ardeydii Waa Argagaxeen ka dib markii Dugsiga ay soo Buux Dhaafiyeen Askar fara badan kuwaa oo Hubkoodii Xitaa la soo galey Xilli ay Waxbarashada Socotey waxaa ka sii yaab badnaa in oo mararka qaar Macalimiinta la Weydiinayey halka uu Dugsiga ku Xiran yahay iyo Kutubta Dugsiga laga dhigo” Waxaa uu Maamulaha intaas ku darey “ Marka ugu Horeysa Dugsiga waxaa uu ka Diwaan gashan yahay Wasaarada Adeega Guud Qaybteeda Waxbarashada waxaana ka Haysanaa Shahaado la xiriirta Aqoonsiga Dugsiga “

“Waxyaabaha uu Maamulka uu aad uga Xumaadey waxaa ka mid ahaa in Ciidamada lagu soo Howlgeliyey In Machadka Al-Sunnah uu yahay Mucaskar ama Dugsi lagu Tababarto, Gabdhaha Dugsiga Dhigtana waa kuwa Madaxa u Xiiran yahay waana arrin Masuuliyadaro ah oo aanan ka fileyn Saraakiishii Hogaamineysey Howlgalkaas ,waxayna arrintaan Calaamad u tahay kuwa Doonaya in iska Horkeenaan Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed “ waxaa intaa ku sii darey Maamulaha Dugisga

“Markii uu soo Gabagaboobey Howgalkii Ciidamada ayaa waxaa horey loo si watey 13 Ardey oo Shan ka midi ay ahaayeen Wiilal Sideeda kalena ay yihiin Gabdho waxaa lagu Xiray Xarunta CID,markii Gabdhihii la Baarey oo ay ogaadeen in aysan Madaxa uXiirneyn waxayan Mas’uuliyiinta Xarunta Dambi Baarista arrintaas ka Bixiyeen ay Raali galin sidaana baa lagu soo Daayey Gabdhihii Machadka laga watey ,waxaa weli Xiran Shantii Dhalinyarada ahayd kuwaa oo iyana Masuuliyiinta ay noo sheegeen in aysan ilaa iyo hadda wax dambi ah ku hayn waxaana Dowlada ka Codsanayaa in Ardeydaas la si idaayo si ay u galaan Imtixaanaadkii Sannad Dugsiyeedka oo Dhacaya Maalinta Arbacada ee Fooda nagu soo hayso”

Ugaas Mahad Ugaas Maxamed oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed waxna ka Barta Machadka islaamiga ee Al-Sunnah waxaa uu Fariin u dirayaa Dowladda Federaalka iyo TV-ga Qaran Soomaaliyeed (SNTV) Fariintaas oo ku saabsan warkii laga siidaayey TV-gaas ee ku Aadanaa Howlgalkii Machadka Al-Sunnah waxaana uu yiri isagoo arrinatas aad uga Careysan.



“Waa wax aan aad ula yaabney markii TV-ga Qaranka Soomaaliyeed Howgalkii Ciidamada uu Muuqaal kale u Ekeeysiiyey Machadka oo ah in Dugsiga uu yahay meel Mucaskar ah Dhalinyarada lagu Tababaro , Gabdhaha Dhigta Dugsiga ay yihiin kuwa Madaxa ka Xiiran , marka waxaan leeyahay TV-ga Qaranka in uu Cudurdaar ka Bixiyo Xadgudubkaas waayo marka Maxkamad arintu Caddeyso ayaa la dhibi karaa Warkaas oo kale,waxaan mar kale leeyahay TV-ga Qaranka Soomaaliyeed in uu raali gelin ka bixiyo Xadgudubkaas sidoo kale Dowladda Federaalka waa in iyana Raali gelin ka Bixisaa Dhibaatadii Ciidamada Dowladda ka geysteen Machadkaas”



Ugaas Mahad Ugaas Maxamed waxaa uu u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay Xushmeeyaan Goobaha Waxbarashada , maadaama wax lagu Baro Ubadka Soomaliyeed siiba waxaa loo baahan yahay in si gaar aha loo Xormeeyo Dugsiyada Qur’aanka lagu Barato iyo Machaahida iyana lagu barto Tarbiyada iyo Culuunta islaamiga sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey Ciidamada Dowladda in si aad uga Fiirsadaan marka ay Howlgalada ay sameynayaan oo aysan ku soo Duulaan tagin War aanSal iyo raad lahayn.

Machadka waxaa la Furey Sannadkii 2006 waxaa ka Qalain jabisey ilaa 700 oo Ardey oo qaarkood ay haatan jaamacado ka dhigtaan Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa , waxaa haatan Machadka wax ka bara ilaa 705 Ardey waxaa Machadka waxaa uu ka mid yahay Daladda Raabidada Shareeca , waxaana Daladaas ku jira ilaa 18 Machad , iyadoo Machadka Al-Sunah uu Gobolka Banaadir ku leeyahay ilaa Afar Machad oo lagu Barto Diinta islaamka iyo Dhaqanka Fiiro gaar ah Sawirada qaar waa Xadladii Qalin jabinta Machadka Al-Sunnah ee Dafcadii ugu dambeysey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 19, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;