SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Wariye Axmed Shariif oo Shaqeynayey Radio Muqdisho oo lagu Diley Magaalada Muqdisho

Kooxo ku Hubeysan Bistoolado ayaa maanta Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ku dilay Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta. Axmed Shariif Xuseen oo ahaa Eng guud ee Farsamada idaacada Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa la dilay xili uu ka soo baxayay Gurigiisa kuna soo jeeday shaqada.

Eng Axmed Shariif Xuseen oo horey uga soo shaqeeyay idaacadii Hornafrika iyo idaacado kale oo ku yaala gudaha dalka ayaa lagu wadaa in lagu aAaso Magaalada Muqdisho , waxaa uu noqonayaa Weriyihii Lixaad ee la dilo Sannadkaan , waxaana weriyahaan maanta la diley ka Horeeye Wariye Maxamed Ibraahim raage oo la diley Bshii Abril 21-deed sidoo kale wariyaha maanta la diley ayaa ku soo beegmey Xilli Saakey Fagaaraha Dugsiga Booliiska lagu diley ninkii lagu eedeeyey in uu Diley Wariye xasan Yuusuf Absuge oo isna la diley Sannadii hore Septembar 21 2012

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta,isgaarsiinta,iyo gaadiidka Cabdi Shakuur Cali Mire ahna ku simaha wasiirka warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida Eng Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta gaar ahaan waaxda warbaahinta oo saaka kooxo Hubeysan ay ku dileen degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

“Waxaan aad iyo aad u Cambaareeyneynaa falkaas Dilka ee loo geystey Wariye Axmed Shariif Xuseen Qof walbana mar ayuu dhimanaa waxaana uu Dhimanaayaa markii Ilaahey u qoray,laakiin tan sharafta leh waxa ay tahay in lagu dhinto iyada oo loo adeegayo ummada iyo qaranka soomaaliyeed”.ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire sidoo kale waxaa Tasi u direy Agaasimha Warbaahinta Qaran Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;