SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ururka PASWA oo Dood u Qabtey Haween kala socdey Degmooyinka Goboka Banaadir taasoo ku Saabsaneyd Gudniinka Fircooniga iyo Waxbrashada

Waxaa Xarunta Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Dood ku saabsan Doorka Gabdhaha Soomaaliyeed uga qayb qaadan karaan Dhinaca Waxbarashada iyo Dhibaatada Gudniinka Fircooniga, waxaa Doodaan soo qaban qaabiyey Ururka Haweenka ee Positive Action for Somali Women Association oo Magaciisa loo soo Gaabiyo i waxaana ka soo Qayb galey Haween ka kala socdey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Doodaaan ayaa waxaa Furey Gudoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Mayre Makaraan waxaana uu sheegey in Haweenka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Door Muhiim ah ka qaatey Joojinta Dhibaatada Gudniinka Fircooniga iyo ka qayb qaadashada Waxbarashada waxaa uu sii raaciyey “Waxaa Waalidiinta looga baahan yahay in ay si siman Caruurtooda ugu diraan Waxbarashada oo ay joojiyaan in In Gabadha la Gacan Bidixeeyo”

Gudoomiyaha Degmada Waaberi mar uu ka hadlayey dhinaca Gudniinka Fircooniga ayaa waxaa uu sheegey in Gudniinka lagu joojin karo iyadoo la sii Kordhiyo dhinaca Wacyigelinta Bulshada taasoo uu sheegey in wax weyn ay hore uga tartey Joojinta Gudniinka Fircooniga oo u sheegey in dhibaato weyn uu ku yahay Gabadha Soomaaliyeed waxaana uu u soo jeediyey Ururka PASWA in ay sii Kordhiyaan Wacigelinta Gudniinka Fircooniga.

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Hooyo Khadiijo Cilmi Diirshe waxanay sheegety in Haweenka Soomaaliyeed uu Saameyn weyn oo aan Wanaagsaneyn ku yeeshey Dhibaatada Gudniinka Fircooniga gaar ahaan marka ay timaado Caadada , Guurka iyo Dhalmada waxayna u soo jeedisey Haweenka Soomaaliyeed in ay Gabi ahaanba joojiyaan Gudbniinka Firxcooniga oo ay sheegety in u Dhibaato aad weyn uu ku yahay Haweenka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo halkaas ka Hadley Dr Caasha Cabdiraxamaan Dhuxulow oo ah Gabar Soomaaliyeed oo Baratey Cilimiga Caafimaadka waxayna si aad ah ugu dheeraatey Dhibaatada Gudniinka Fircooniha iyadoo sheegtey in arintaa looga hortagi karo iyadoo Qaybaha kala duwan ee Bulshada iska kaashadaan sidii loo Dabargoyn lahaa Caadadaas ay sheegety in ay Dib u dhigtey Haweenka Soomaaliyeed kuwaa oo kala kulmay Dhibaataooyin aan la soo Koobi kari.

Caaliya Muxyadiin iyo Saynab Dhuxulow oo ka mid ah Masuuliyiinta Ururka Haweenka ee PASWA ayaa Haweenkii ka qayb galey Doodaa ku dhiirageliyey in ay u Is taagaan sidii loo Dabar gooyn lahaa Gudniinka Fircooniga sidoo kale waxay u soo jeediyeen Gabadha Soomaaliyeed ay Door Lixaad leh ka qaataan Waxbarashada waayo Hooyo Wax Baratey waxay Dhisi kartaa Qaran Soomaaliyeed oo Aqoon leh, sidoo kale waxay sheegeen in Ururka PASWA oo ka dhisan Dalka Ingiriiska uu door Muhiim ah ka qaadan doono Wacvigelinta Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaana Dooda Xiriirinayey Gabdhaha kala ah Farxiyo iyo Deeqa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;