SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Goormuu Gudoomiye Degmo iyo Sarkaal Ciidan Noqdeen Dhul Bixiye.

Rag Isbiirsadey oo ka Faaideystey Hadalkii Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynha Dowladda Federaalka ee Somaaliya ayaa waxaa uu kal hore ka Dhawaajiyey in Marka ay Dowladu Dhaqaale u hesho Dhismayaasha Dowladda laga saarayo Dadka Degan , balse inta ka horeysa aan Cidi laga saari Karin Dhismayaasha Dowladda hase yeeshee hadalkii Madaxweynaha waxaa si Dadban uga faaideystey Gudoomiyayaashii Degmooyinka iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda kuwaa oo Bilaabey in dadka si sahlan looga Barakiciyo Goobaha Dowlada ay Degen yihiin.

Hadaba maxaa dhacay wixii ka dambeeyey Hadalkii Madaxweynaha , waxay Gudoomiyayashii iyo Saraakiil Ciidanka ay bilaabeen in ay kaga Faaiideystaan Shaarkii Dowlada in Bulshada iyo Dowlada la iska horkeeno iyadoo weliban aysan meesha ka marneyn Ganacsato Jeeb Buuran iyo Dalaaliin kuwaa oo mar waliba Ishaa Falateysanaya Goobaha Dowlada oo ay u arkaan meel looga faaideysan karo Danaha gaarka ah iyadoo aan Dheg Jalaq loo siiin Cabashada Bulshada oo aan Garanayn meel ay Ciirsadaan wilbana lagu Qaaliyeeyey Gurihii ay Degi lahaayeen ama Kireysan lahayeen waxayna qaarkood oo hore u Awoodi jirey in ay Kireystaan Guri ayna ku soo Urureen Guryo Cooshado ka sameysan waxaan aad uga naxay Ninkaa Saxaaibkey ah oo waa Guri noo wada Kireysnaa oo maanta Degen Guri Bac ka sameysan waxaana uu ku Caatabey “Saaxiib waad u jeedaa meesha ay Ilmaheyga jiifaan waana Xaalada maanta Dalka uu marayo wixii nagu filaan jirey oo weliba Guriga Ijaarkiisa aan isaga bixin jirney maanta ma hayno welee Qab-Qabayaashii Dagaalkaa noo roonaa”.

Waxyaabaha uur ku taalada ee ka soo baxaya dadkii Guryaha Dowlada laga saarey ee dhacdooyinka Xanuunka leh Qabsadey waxaa ka mid Hooyo iyo laba Caruur ah oo Degenaa Xaafada Afisyooni taasoo Xoog looga saarey Gurigii ay degeneyd ayey waxay Ciin Bidey in ay Tahriib gasho , waxaana lagu waramey in iyadii iyo labadii Caruurta ee ay Dhashey ay ku Geeriyoodeen Xeebaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yaman,hadaba yaa iska leh Musuuliyada Dadkaas la dayacay oo Saraakiil uga Faaideysteen Shaar Dowladeed, waana dadkii loo baahnaa in Dowlada Gacan qabto waayo Shacabka waxay u baahan yihiin in Dowlada meel Dejiso ama ay Daryeesho si looga badbaadiyo in wixii ku dhacay Hooyadaas iyo Caruurteeda.

Nin Odey ah o ka mid ahaa Dadkii Degenaa Dugsiga Farsamada ayaa yiri “ Waxaa markii hore naloo sheegey in Caruurtiina wax ku baranayaan halkaan si lacag la.aan ah hase yeeshee maanta inta Awooda ayaa Caruurtooda wax loogu baraa ,waxaa ka si yaab badan in labadii Qol ee aan ka degenaa Dugsiga Farsamada aan ugu tagey Qoys Turki ah oo odeyga reerka la ii sheegey in uu Macalin ka yahay Dugsiga , Hadaba waxaan ii soo baxay in Dowlada aysan waxba ka ogeyn Shacabkeeda Dalkana loo yimid in laga ganacsado si Dadban iyo si Toos ah “

Nin ka tirsanaa Cidamada Dowladda oo si Gabaad ah u degenaa Xerada Afisyooni ayaa waxaa lagu qasbey isaga iyo Caruurtiisa in ay halkaa ka Guuraan , waxaana dhacay in Hooyadii reer ay degaan Xaafada Yaaqshiid halkaas ayaa Askarii lagu diley oo Caruurtii ku Ogoontoobeen , waxayna Dhacdadaan ku Tusineysaa in ka saarista Guryaha Dowlada ay ku soo beegmateyn iyadoo Dowlada weli si buuxda Nabad ugu soo dabaalin Magaalada Muqdisho, waayo Shacabka marka ay Nabad helaan ayaa wax weliba laga sameysan marka Sahacab aan Nabad heysan sidee Xiligaan loo Barakicin karaa waxaana ku tilmaami karaa waa arrin lagu deg degey.

Nin kale oo isna ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa Gurigii uu ka degenaa Afisyooni markii horena loo sheegey in aan Guriga laga saari doonin maadaama uu yahay Askari Dowladeed waxaa uu noo sheegey in Gurigii la dejiyey Askari kale oo ka dib markii si Qabiil ah looga saarey marka waxaa uu leeyahay Askarigaas miyeysan u Sineyn Gurigaas , waxaa halkaa kaaga Muuqda in si Qaladan looga faaideysanyo Hadallkii Madaxweyne kuwaa oo ay sameynayaan Saraakiil Ciidan iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka, waxayn dadka qaar ay leeyihiin maanta ma jiro General aan Guri lahayn waxay kaloo Bulshadu la yaaban tahay ma la joogaa Xiligi Ciidan Cir la sameyn lahaa waayo ayey leeyihiin Ciidamadii Dhulka ayaa waxay la’ yihiin Daryeel dhinac waliba leh ha noqoto Mushaar iyo Qalab ,Nin ka tirsan Ciidamada ayaa ii sheegey in 500 Ciidan ah oo la sheegey in ay ka tirsan yihiin Ciidamada Cirka lagu qaato Mushaar been been ah iyo Ciidamo aan jirin.

Prof Saciid Ciise Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Xisbiga dadka kana mid ahaa Musharaxiinta Tartankii Doorashada Madaxweynaha Soomaaliaya ayaa Nabadgelyo Xumida ka jirta Muqdisho waxaa uu ku Micneeyey in ay saldhig u tahay Bulshada laga saarayo Guryaha Dowlada marka Shacab la Daryeeli waayey sidee buu uga qayb qaadan karaa Nabadgelyada waayo wax kasta oo Dowlada looga soo horjeedo ayuu Fududdeynayaa weliba waxaa Dhici karta in uu Qariyo hadii aagtiisa lagu Duugo Nuyukleer waxaana Arrinkaas ka dambeeya Gudoomiyayayasha Degamooyinka iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Milatariga iyo Booliiska kuwaa oo doonaya in ay iska horkeen Dowlada ityo Shacabka, Sheekadii ugu yaabka badneyn waxay ahayd markii laga Quustey Dad degenaa Guryo Dowladeed in laga saaro ayaa waxaa habeenkii Dambe Agtooda laga ridey Baasuuke, ayaa markii uu waagu Baryey waxaa Goobtii isku gadaamey Ciidamo ay soo Abaabuleen Ganacsato ,waxaana dadkii lagu yiri” Meeshaan baan Xaley laga soo Abaabuley Baasuukaha marka deg deg ha loo Baneeyo sidii baa dadkii lagu Barakiciyey halkiina Ganasato ayaa Dhisatey marka waa Sheeko ay soo Abaabuleen Gudoomiyaha Degmada , Saraakiil Ciidan iyo Ganacsato.sidoo kale maraka qaar waxaa Dhacda in mararka qaar ay isku dhacaan Gudoomityaha Degmada iyo Saraakiisha Ciidan ka dib marka ay isku qabsadaan Arrimo Dhul

Dhismayaashii Dowlada ee hore looga saarey Shacabka qaarkood waxay noqdeen Goobo Qashinka lagu Qubo oo Bahalo galeen ah,qaarkood waxaa la siiyey Shaqsiyaad kuwaa oo Dugsiyo ka dhigtey ka dib markii ay bixin waayeen Lacagihii Guryaha ugu Kireysnaa,waxaana Caruurta Soomaaliyeed Dugsigaas ay Dowladu leedahay looga qaadaa Lacag waxaana Dugsiyadaas bixiyey qaar ka mid aha Gudoomiyayaasha Degmooyinka ka dib markii uu gacan ka heley Saraal Ciidan oo meel ugu xareysan yiihiin Xoogaa Ciidan ah maadaama Gudoomiyaha uusan haysan Ciidan ku filan oo Dadka lagu Barakiciyo , kuwa kale waxaa la siiyey Jaamacado ka dib markii iyana ay bixin waayeen Kiradii Guryihii hore ugu Kireysnaa, waxana ardeyda Soomaaliyeed looga qaadaa Lacag Xad dhaaf ah waxaana Lacagtaas iska bixin kara Dabaqada sare waxaana meesha ka baxay Dabaqadii hoose oo Dowlada looga baahnaa in ay Daryeesho kuwaa oo maanta Dariif adag ku hayso Magaalada Muqdisho iyo Daafaheeda waxaana Bulshada haatan ay noqdeen kuwa sidii Garabka loogu riixayey oo loo Barakicinayey Magaaladii laga saarey .

Markaad booqato Maxkamadaha waxa ugu badan ee la isku haysto waa Dhul ama Guri waxaana la dhihi karaa waa Dhibaatooyinka Xalka loo helin waxaana Xasuustaa Xiligii Maxkamadaha islaamka markii ay ogaadeen in Dhibaatada is qabqabsiga Dhulalka ayey Gabi ahaan joojiyeen oo ay iska Xireen Baabkaas ,waxaa iigu yaab badneyd markii aan Idaacad ka maqaley Xero Dowlo oo uu Shaqsi baafinayo oo uu leeyahay lama Dhisan karo lamana Iibsan karo lamana Degi karo waa Dhul Reer Hebel leeyihiin marka isku soo duuboo Dowlada ayaa looga fadhiyaa sidii arintaan u maareyn lahayd hadii kale shacabka waxaa ka soo dhow in ay Kacdoon sameeyaan waayo Shacabka markaad la sheekeysato waxay ku leeyihiin Diyaar baanu nahay in aan ka baxno Dhismayaasha Dowlada waa hadii si Cadaalad ah loo Maamulayo , waxay dadka qaar ka Daadigi la’ in Dhulkii Banaanaa ee Dowladu lahayd oo ku yaal lambar Afar ay dhisteen Shaqsiyaad marka waxaa is weydiin mudan miyeysan dadkaas Sharciga Qabaneyn mise arrintu waa Miskiinaa leh Msko la Fuulo , waxaa sidoo kale Shacabka ay leeyihiin waxaaba soo dhow oo dhic karta in Reer Gurigoodii ay xaqa u lahaayeen in lagu Habasado ka dib markii sidaa ay amar ku bixyaan Gudoomiye Degmo ama Saraakaal Ciidan. sidoo kale Dhulal ku yaaley DegmmoyinkaGobolka Banaadir oo Dowladu lahayd ama Dan guud ahaa ayaa waxaa bixiyey Gudoomiyaha Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada ee Degmaas u Xilsaaran sidaa darteed hadii aan Dowladu wax ka qaban waxa hadda Socda in arrintu faraha ka bixi doonto,waxaana ku soo Gunaanadayaa oo in la is weydiiyo mudan Goormuu Gudoomiye Degmo iyo Saraakaal Ciidan Noqdeen Dhul Bixiyayaal ama Dadka Guryaha ka saaraan,waxaa Dhul bixin lagu ogaa Dowlada Hoose waxaa Dhab ah hadalkii Madaxweynaha laga Faaideystey ee ahaa in Dhismayaasha Dowladda marka ay Dowlada Dhaqaale u hesho dadka laga saarayo Marka ragaan is biirsadey oo uu isteerinka u hayo Ganacsi ku sheega in ay Dowladu Il gaar ah ku eegto

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;