SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Wadda Qorshe ay Wax Kaga Qabanayso Ammaanka Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Saxaafadda la hadlay ayaa ka Warbixiyay Kulan Saacdo dheer qaatay oo Golaha Wasiiradu ay ku yeesheen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in kulankii ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya looga dan lahaa sidii wax badan looga qaban lahaa Xaaladaha Amnidarro ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Cabdikariin Xuseen ayaa sheegay in kulankii Goluhu uu ku yeeshay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu muujiyay in Xaaladda ammaanku ay tahay mid wanaagsan isla markaana hawlgaladii ay Ciidamada Ammaanku sameeyeen ay ku guuleystaan in ay wax badan ka qabtaan dib u soo celinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa soo qaatay hawlgaladii u dambeeyay ee Ciidamadu ay sameeyeen, Degmooyinkii ay ka sameeyeen waxyaabihii ay k soo qabteen isagoona hoosta ka xarriiqay in Hawl galadaas laga sameeyay Degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa Kaaraan, Xamar Jab Jab Deyniile, Wadajir iyo meelo kaleba in ay ku soo qabteen dad faran badan

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa hadalkiisa ku afjaray in ay sii wadayaan hawlgalada ay Magaalada Muqdisho kaga Nadiifinayaan Kooxo uu sheegay in Nabadda Liddi ay ku yihiin isla markaana waqtiyada soo socda ay Magaaladu Caadigeeda ku soo laaban doonto.

Kulan aan caadi ahayn Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalku waxa ay ku yeesheen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kulankaas oo qaatay in ka badan Shan Saacadood oo Xiriir ah ayaa hadan waxaa uu ku soo beegmey Xili Suuqa Bakaaraha lagu diley Laba Askari oo Canshuur ururineysey, sidoo kale waxaa Xaley Magaalada ka dhacay Qaraxyo Bambaano oo dad ay ku dhaawacmeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Warsaxaafadeed:

Faah faahin ku saabsan Ra’iisul Wasaaraha oo caawa kulan la qaatay wasiiro iyo saraakiisha amniga

Muqdisho, August 12, 2013-----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa caawa kulan la qaatay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Cabdullaahi Ebyan Nuur, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Axmad Xasan, Wasiir kuxigeeno, Taliyeyaasha Ciidanka iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana kulankan oo soconayay muddo ku dhow 5 saacadood lagu gorfeeyey sugida amniga caasimadda iyo horumaro laga gaaray xaqiijintiisa.

Kulankan ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdikariin waxaana uu sheegay in kulankan gebi ahaanba looga arrinsanayay sugida amaanka dalka, iyo howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ciidanka amnigu sameeyeen kuwaasoo laga gaaray horumaro dhanka la dagaalanka kooxaha nabadiidka iyo weliba unugyo isku xiran oo ku howlanaa qal qal gelinta amniga shacabka.

“Caawa waxaa halkan ka dhacay kulan aad u muhiim ah oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaana si qotadheer looga hadlay waxqabadka hay’addaha amniga ee dalka, gaar ahaana Muqdisho, waxaana si aad ah looga dooday qorshaha sugida amniga iyo xasilinta, dood dheer kadib waxaa la isla qiray in Asbuucii ugu dambeeyey la sugay amniga magaalada, waxaana hay’addaha amniga iyaga oo is kaashanaya ay Asbuucii la soo dhaafay burburiyeen, gacantana ku soo dhigeen 17 unug oo ka mid ahaa kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab” ayuu yiri wasiirka Arrimaha gudaha oo xusay in unugyadan oo ka kooban halkii unugba inta u dhaxeysa 11 illaa 3 xubnood gacanta lagu soo dhigay iyaga oo ku howlan falal ay ku maja xaabinayaan amniga magaalada kuna dhibaateynayaan dadweynaha.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in warbixino cad cad ay hay’addaha amnigu ka soo gudbiyeen kooxahan nabadiidka ah, si loo cirib tiro kuwa weli dhuumaaleysiga ku jira. Waxaana uu sheegay in degmooyinka howlgaladan laga fuliyay ay ka mid yihiin Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley, Xamarweyne, Xamarjajab, Shibis, Bakaaro, Heliwaa, Dayniile iyo Wadajir isaga oo tirada guud ee kooxahan qaswadayaasha ee gacanta lagu dhigay ay dhanyihiin 39 xubnood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa sidoo kale xusay inay jiraan howlo ballaaran oo weli ay ku guda jiraan hay’addaha amniga kuwaasoo ay dhidibada ugu siibayaan unugyada kooxahan nabad diidka ah ee shacabka dhibaateeya.

“Runtii waa guul bilow ah, waxaana rajeynayaa in la xaqiijin doono amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waana waajib na saaran in kooxahaas qaswayaasha ah aanu shacabka ka badbaadino” ayuu yiri Wasiirka oo dhanka kale shacabka ugu baaqay inay gacan ka geystaan ka hortaga iyo la dagaalanka kooxahan qaswadayaasha ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay Wasiirada iyo saraakiisha amniga ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo is daba jooga ah oo uu la qaadanayay todobaadyadii ugu dambeeyey hay’addaha amniga kuwaasoo uu kula xisaabtamayay xaqiijinta amniga iyo xasilinta.

---Dhamaad----



Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;