SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Warbixin hor-dhac ah oo laga soo saaray shilkii diyaaradeed ee ka dhacay garoonka Muqdisho

Muqdisho, August 13, 2013-----Guddigii loo xil saaray inay soo baaraan xog rasmi ahna ka keenaan qaabkii ay ku burburtay diyaarad ka soo degeysay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cabdulle International, waxaana gudigan oo uu madax u ahaa Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire ay soo saareen warbixin horudhac ah, waxayna u qorneyd sidan:-

Dayuuradda oo ahayd Ethiopian Air Force, waxaa nooceedu ahaa Antonov An-12, waxaa ku dhacay shil dabiici ah oo ku qabsaday garoonka Aden Cadde, taariikhdu markay ahayd 09 August 2013.

Dayuuraddani Aircraft Reg: 1513 waxaa ay ka timid Ethiopia , waxaana ay ku socotay Muqdisho. Waxaa saarnaa 6 shaqaalaha dayuuradda ah, ma jirin dad rakaab ah oo dayuuradda saarnaa.

Dayuuraddu waxaa ay isku dayday in ay caga dhigato Runway-ga garoonka, hase yeeshee waxaa dhacday in ay ka baxday wadadii, waxay sii martay qar-qarka wadada kadibna dab ayaa ka kacay dayuuradii.

Si loo badbaadiyo waxaa u gurmaday gaadiidka Dab-damiska, waxaa la bad-baadiyay 2 qof oo shaqaalaha dayuuradda ahaa, kuwaasi oo markiiba loo qaaday cisbitaalka Amisom.

Waxaa shilkaasi ku dhintay 4 qof oo kale oo shaqaalaha dayuuradda ahaa. Waxayna guddigani dhowaan soo bandhigi doonaan macluumaad dhameystiran oo la xariirta burburkan diyaaradeed.

Wixii faah faahin dheeri ah
Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumada
ridwaanhaaji@gmail.com
Mob.+252-616-969105

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;