SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Maamulka Axmed Madoobe oo Col. Barre Hiiraale ku Eedeeyay inuu ku Biiray Xarakada Shabaab.

Afhayeenka Maamulka uu horkacayo Axmed Madoobe Raas-Kaambooni Cabdinaasir Seeraar ayaa ka hadlay Xaaladda guud ee Magaalada Kismaayom,Wuxuuna sheegay in Ammaanka Guud ee Magaalada Kismaayo uu haatan yahay mid la isku halleyn karo isla markaana ay wax badan ka qabteen.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Dagaalkii ay la galeen Col,. Barre Aadan Shire Barre Hiiraale a ay kaga adkaadeen isla markaana ay kaga saareen Magaalada Kismaayo kuwaas oo uu sheegay in ay Caqabad ku ahaayeen Nabadda iyo Degganaanshaha Magaalada Kismaayo.

Cabdinaasir ayaa sheegay in Dawladda federaalka Soomaaliya ay Barre Hiiraale ku ogtahay inuu ku biiray Xarakada Shabaab isaguna uu mar walba sheegto inuu ka tirsan yahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Seeraar ayaa intaa ku daray in Col. Barre Hiiraale iyo Maliishiyadii uu Hoggaaminayay in ay haatan ku biireen Xarakada Shabaab isla markaana ay damacsan yihiin Duulaano ay dib ugu soo qaadan Gudaha Magaalada Kismaayo.

Hadalkan ka soo yeeray Maamulka uu Hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa imaanaya xilli Maalmahan ay soo baxayeen Warar kala duwan oo Maamulkaasi ku sheegayo inay duulaano hor leh ku qaadayaan Degaanada ay Xarakada Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.

Dhawaan ayay ahayd markii Maamulka Af Madow ee Gobolkaas Jubada Hoose ay ku hanjabeen in Duulaano Culus oo ay Gobolka kaga sifeynayaan Xarakada Shabaab ay dhawaan qaadi doonaan isla markaana aysan marnaba aqbalayn in Shabaabku Duulaano ka soo qaado Degaano Gobolkaas ah.

Xiriir lala sameeyay Col. Barre Aadan Shire ayaanay suurta gelin in wax jawaab ah laga helo ee ku aadan eedeynta Maamulka Axmed Madoobe uu ku eedeeyay ku biiritaankiisa Xarakada Shabaab.Sidoo kale waxaan jirin wax hadal ah oo arrimahaa ku saabsan ee ka soo baxay dhinaca Xarakada Shabaab eek u sugan degaano Kulaala Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;