SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

CIIDI WAA TAN AAD DALKAADA HOOYO KU DHEX CIIDO

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, aqristaha sharafta badanoow, inkastoo aan anigoo dalka mudo dheer ka maqnaa,aan Dalka gudihiisasanadkii tagay (2012-kii) kusoo ciidey, hadana ciidaha aan ka maqnaa dalkeeyga hooyo, oo aan Danta/Bannaanka ku ciidey waa dhowr iyo toban sano, kuwaasoo aan ka wada maqnaa waalidka &walaalaha, qaraabada, asxaabtii aan soo wada korney waxna soo wada baraney,iyo guud ahaan ummad weynteena Soomaaliyeed intaba, dabcan akhyaar iga daranoo qurbaha ku gaamurtey baa badan. Mudada dhowr iyo tobanka sano ah badankeed waxaan ku kala ciidayey laba daloo Shisheeye, kalana ah:Dalka Pakistan iyo Malaysia.Waxaan qaabka looga ciido labadan dal, u babardhigidoonaa sida looga ciido dalkeenii hooyo, anigoo xoogga saaridoona waxa aniga iyo in badanoo Soomaali ahi eey tabayaann ama ka maqan.

Aan bal wax yar idiinka taabto, dalkii Pakistan ee mudada 8-da sano aheydee aan kusoo noolaa, gaar ahaan Magaalada ugu dadka badane ganacsi eeKarachi, iyo Qaab-Ciideedkoodu siduu iila qaraaraa.Ugu horeynse, si aadan “argagixisonimo”iigu shaabadeyn bal aan is cadeeyee, dalka Pakistan waxaan u joogey heerarka kala duwan ee waxbarashadeeydii Jaamacadeed, gaar ahaan Bachelor-kii iyo Masters-keeygiiba iyo sanado dhowr ah oo aan shirkad caalami ah,laguna magacaabo“Tradekey pvt ltd” aan uga shaqeeynayey magaaladaa Karachi.

Hadaan toos u galo qormada.Ciidaha dalka Pakisan waxeey iileeyihiin waxyaabo la yaableh oo aan ku xasuusto, oo uuuga duwanaa sida looga ciido dalkeeyga hooyo. Waa tan ugu darane, marka laga reebo gobolkii hore loo oranjirey NWFP (North-West Frontier Province), 2010-kiise loo bixiyey Pakhtoonkhwa ee Pakistan,xuduudana la dheh dalka Afghanistan, oo inta badan isaga la ciida caalamka Islaamka intiisa kale, ayaa hadana guud ahaan dalka Pakistan intiisa kale wuxuu caan ku yahay in uu dalalka caalamka Islaamka aanu marnaba la soomin, lana Ciidin.Waxaa iska caado ah, markastana si joogta ah uga dhacda dalka Pakistan,in ugu yaraan hal maalin eey ka dambeeyaancaalamka Islaamka marka lasoomayo iyo marka la ciidayo intaba.Xitaa iyadoo calafo la taaganyahay, ayaaney shuqulba kulaheyn.Wararka hoose waxeey sheegayaan dalka Pakistan oo eey ka jiraanfirqooyin aad u farabadan oo illaa 39-Firqo gaaraya, dhamaanna wada Muslimiin sheegayana,ayaa waxaa dowladu ku wada qancineeysaa qaabkan.Firqooyinkan waxaa ka mid ah: Shiicada, Qadyaaniga, Ismaaciiliyada, Bahaayda, Agha khaaniyiinta…….IWM.Dadka Pakistan-ta ah qaarkiina waxeey ku leeyihiin Geography ahaan meesha aan ku naallo darteed ayaa keeneeysa dib u dhacaan joogtada ah, oo Gudiga Dhexe ee Araga Bisha (The Central Ruet-e-Hilal Committee), ayaa go’aankaa gaara.Xaqiiqdu sidii eey rabtaba ha ahaatee, wuxuu ahaa qaab aanan jecleeysan intii aan dalkaa ku noolaa.

Waxaan xasuustaa kulan aan isugu nimi Soomali badan oo lagu weydiiyey Sheekh Bashiir Axmed Salaadoo hadaah gudoomiyaha Dallada Culimada Soomaaliyeed, markaana dalka Pakisan inala joogey, bal in aan Sucuudiga Soonka la billaabi karno, lana ciidikarno, maadaama aanan la dhicin qaabkan Pakistan-tu wax u wadaan.Wuxuu Sheekhu kulankaa ka sheegey in “Hadii dhul Gaalo aan ku noolaanlaheyn taa inoo furnaan laheyd, hadase maadaama dal iyo dad Muslimiin ah aan ku dhex noolnahay, aaney bannaaneyn in aan sidaa yeelno”.

Dhinaca Malaysia-se, oo ah dal aad u jecel in waxkasta System la ogyahay oo kacantana koontaroolkiisoo buuxa lagu hayo ku socdaan, ayaa horeba loosii dajiyaa maalmahaa muhiimka ah.Xaqiiqdiina Kaalandarka Sanadkaa ayeyba horaantiisa kusoo baxayaan, ha ahaato maalinta Soonku bilaabandoono, iyo maalinta uu dhamaandoono intaba, oo guud ahaan dalka Malasia oo dhan la wada Ciidi doono.Marka la joogo Malaysia waxaa la yiraahdaan “officially” araga bisha ayaa waxkasta lagu go’aamiyaa,kadibna waxaa ku dhawaaqa, matalayaasha saqaalka Boqor ee dalka, kuwaaso loogu yeero Difaacayaasha Diinta/Iimaanka (The defenders of the faith). In aragtida bisha lagu Soomo, laguna Ciido dabcan waasida saxda ah ee diinteena Haniif-ka ahiba ina wada fareeyso.Mas’uuliyiinta Diinta ee Dalka Malaysiawaxaaaad uga go’an in eey gacanta ku hayyaanwada ciidida Dalka oo dhan, tusaale ahaan,waxaa xarig loo geeystey sagaal qof oo ka mid ah Jamaaco lagu magacaabo “Jamiah Al-Zikri Awwalun” kuwaasoo lagu qabtey iyagoo maalintii Arbacadaba (07/08/2013) kaligood ciid u dabaal dagayey, waloow lasii daayey, kadib markii eey ganaax bixiyeen.Nasiibdarro! Dalkeeyga Soomaaliyase fowdada dowlad dalkoo dhan gacanta ku wada heysa la’aanteed darteed, sida waxbadan fowdo inooga yihiin ayey Ciidduna raacdey,waloow hada laga soo kabanayo.Waa iska caadi in aad maqasho aniga Sucuudiga ayaan la soomey, lana ciidey.Waxaa sidoo kale dhacda Ciid aan Maqribka agahiisa la sheegin, in Cishihii agtiisa Bac lagu keeno, iyadoo la leeyahay meel heblaayo ayaa laga soo sheegey. Waxaanse la yaabi jirey inkastoo billoowga Soonka la isku khilaafo, Soon waaye iyo ma aha darteed, hadana dhamaadkiisa iyo Ciida inta badan la iskuma khilaafo-Malaha waa damac iyo rabitaan bini’aadam.

Maalinta ciidda marka lagaaro dalkii hooyo wuxuu caan ku ahaa wada dhalaal, iyo dadkoo aad wadooyinka isugu soo baxa.Bilicda magaalada oo dhan wey is badaleeysaa, oo wada ifeeysaa. Caruur aad loogu soo wada labisey, oo raxanraxan wadooyinka u dawaafa, iyagoo wata nuucyada kala duwan ee alaabta caruurtu ku ciido.Ciid Mubaarak lacag ah iyo “Wacaleeynaa-Wa-Caloosha” oo ama wada socda ama kali-kali ah, Xalwo, Buskud, Shushumoow, Icun, Qumbe, Nacnac-Qori, Caano-Baraawe, Sanbuus Iyo Bajiye-Baalbaalloow ayaa maalintaa meel walba yaalla.Halka dadka waaweyna qofwalbaahi maalintaa lasoo boxo dharkii sida gaarka ah uu maalintaa ugu soo gatey.Waxaa salaada Ciidda ka bacdi biloowda maalin-joogyadii dadku isugu kala martiinayeen. Idaacadaha waxaa kawada dhawaaqaya Heesihii Ciidda, ee shucuurtaa farxadeed sii dhameystirayey, sida: “Alla maanta ayaanta, iyo Ciidda wanaagsan, Ilaahii nasiiyey, isagaa ku abaal leh”, iyo kuwo kaloo farabadan.Dhalinyarada eey u dhowyihiin Wabiyada iyo Beeraha Aseendooyinkana, waxeey u dalxiis tagaan Beerahaa Aseendooyinka sida kuwa Afgooye, oo jawi-gadis, farxad iyo reynreyn Sawiro la iskala soo daallo lagu soo wada damaashaado.Waxaase muhiim ah in aad iska ogaato sharciga cajiibka ah ee ka jira Aseendooyinkaas, kaasoo dhigaya “In aad cuni karto waxkasta oo bisil oo beertaa ku yaalla, balse hal sheey aadan banaanka ugala bixi karin.Cun wixiiba calooshaadu qaado, adiga oo aan ku dheeleyn, sida:In aan jarto wax aan bislaan ama aad gurto wax farabadan oo aadanba cunikarin”.

Nasiibdarro! Dalka Pakistan oo aan hore ugu noolaa iyo kan Malaysia oo aan hadda ku noolahayba marka salaadda Ciidda soo dhamaato, ayaa dadka dalka u dhashey intii aan horey u bixinba, wadada cagta wada saarayaan, oo wada aadaantuulooyinkii eey asal ahaan kasoo jeedeen.Gawaaridooda gaarka ah ayey wada qaadanayaan, dhowr boqol oo kiiloomitir ayey saacado yaroo kooban ku tagayaan.Dabcan waxaa taa u wada sahlaya gaar ahaan Malaysia wadooyinka iyo Amniga oo aad u wanaagsan-Bal dalkeenii dib ugu xasuuso arimahan-Si eey bal uga so carro-gadistaan, hawadan wasaqeeysan ee magaalo (The citiesair pollution), iyo Sarahan/Daarahan cadee Indhuhu ka daaleen.Waxeey indhahooda uga soo dhargaan nolosha baadiyo iyo beerihii, xoolihii, hilibkii iyo caanihii saafiga ahaa, iyo waliba jawi Doog iyo geedo dabiici wada ah, oo wada cagaaran.Nasiibdarro! Magaaladase inta badan waxeey noqoneeysaa Fooro/Meelo eber ah.Wadooyinku weey wada haawanayaan.Hadii aad Iskaabulo/Doob/Soolane tahayna Allaha kuu naxariisto,hadii aadan hore ugu sii tashan in maqaayadaha oo dhami, oodabcan “Iskaabuladu” ku tiirsanthay eey wada xirmayaan. Xaqiiqdiina adigoo lacag heysta ayaa laga yaabaa in Gaajo kula daristo, gaar ahaan Pakistan, waloow Malaysia eey furanyihiin maqaayadaha gada cuntada fudud (Fast food)sida MacDonald oo kale.Waxaa Magaalooyinka foorada ah isku wareeysanaya Ajaanibta, Eeyo iyo Bisado/mukulaallo/Yaanyuurro/Yaro, iyo waliba Buswaallan, marka laga reeno shacabka kaleedalka u dhashey ee fara ku tiriska ah ee iyana iska joogey.

Dhinaca kale Ciiddul Adxaha (Ciid Weeyneeyda) iyadu dhinaca tirada dadka wey ka roontahay Ciiddul Fidriga.Labadaa dal ee Pakistan iyo Malaysia-yana weey ku kala duwanyihiin. Dalka Pakistan waxaa xoolaha lagu wada goowracaa bartamaha wadooyinka xaafadaha dhexmara iyadoo laga yaabo in eey laamina tahay, iyo walibabannaanka Appartment-yada, iyada oo aan loo meeldayin/aabayeelin.Meeshaas ayaa dhiigii iyo haraadigii Uustaba wada ceeygaagayaan maalmo.Maalmaha Ciid weyneeyda ka dambeeya, magaaladoo dhan ayaa wada ureeysa. Waa wax adiga kuu yaalla qaabka aad u tilaabsaneyso, iyo sanka sida aad u qabsaneyso.Waxeeyse aad ugu amaanan yihiin dadka Pakistan-ta deeqsinimada ugu yaraan maalmahaa Ciidda, oo dariska oo dhan ayaa hilibkaa isu wada geeynaya, oo hilib ayaa Firinjeerrada ka wada buuxsamaya.Dhinaca Soomaalida Pakistan, gaar ahaan Reer Karachi, waxaan ku xasuustaa 2003-gii anigoo bilo yar uun jooga dalka Pakistan ayaa nin ganacsade weyn ah oo “Multimillionaire” Soomaaliyeed ah -Magaciisana aanan carrabaabeyn-Wuxuugurigiisa ku casuumey guud ahaan Soomaalida ku dhaqan magaalada Karachi, wallow la igu yiri sidaa ayuu sameynjirey Ciid weeyneey kasta, hadana wixii ka dambeey, kulankaa iigu horeeey iiguna dambeeyey ee aan ka qeybgaley, hoowshu “Hoos ayey u dhaadhacdey”, oo xaalku wuu is badaley, sababtu waxeey noqotaba.

Dhinaca kaleedalkan Malaysia oo Balaayiin Dollar eey kasoo gasho dhanka Dalxiiska, ayaa marka laga hadlayo Ciiddul Adxada (Ciid Weyneeyda), dhinacaa uga roon dalka Pakistan, oo meelo gaar ah, oo loogu talagaley ayey ku goowracaan/qalaan/Bireeyaan, si degdeg ahna weey uga nadiifiyaan, laakiin sidii Pakistan-ta oo kale ma arkeeysid, inta badan, daris hilib isu geeynaya, marka laga reebo inta saamiyada isku darsatey ee neef wada goowracdey, ajnabina warkiisaba daa, marka laga reebo kuwa hilibka kasoo qaata, meelaha public-ga ah ee in hilibkaa muslimiinta guud in lagu sadaqeeysto loogu talagalay.

Dhinaca kale dalkeena hooyo Ciiddul Adxaha (Ciidweyneeyda), xoolaha waxaa lagu qalaa bannaanka inta god yar loo qodo, oo wixii aan la cuneyn lagu shubo, ayaa kadibna lagu duugaa.Maalmahaa waa Goowso aad hilib ku daliiqdo ma qabtaa, hadii aad heero Sab/Amuuro/Alla-Bari/Game tahayna weey kuu shidanyihiin maalmahaa.Meelkastaa bariis & Bisbaas-Shinni iyo hilib ayaa yallaa. Hadii aad jamaacaadka Islaamiga ah ee Carabaha deeqaha xoolaha nool ee faraha badan kasoo qaada, aad ka tirsantahay,Allaah kacabsiguna kugu yaryahay warkaadaba lama gali karo, oo xaalkaa wuxuu iska noqonayaa, sida Soomaaliduba tiraahdo, “Dharigi Qabaa, Dheefti Qaba!”.Dhinaca kale, qaabka cuntada loo kariyey, ayaa si gaar ah kuugu dhadhameeysa, ileyn waa qaab Soomaaliyeed aad u barataye, gabadho Soomaaliyeed ama rag aan ka yareysanna eey ku farayareeysteene, waxaadna kula raaxeeysaneeysaa, jawigii dalka, iyo qoosykii, qaraabadii, iyo asxaabtaadii oo laga yaabo in aadba soo wada korteen, waxna soo wada barateen,kumana sii jirto, waqtiyadan dalku uu sookabanayo, oo sharaftii qarannimo iyo udgoonkii nabada eey soo laabanayaan, oo hadii aad caasimada dalka hooyo ku nooshahayna aad Liido, Curubo iyo Jaziira kusoo baashaaleeyso. Waa jawiga farxadeed ee dareenkaadu la qabsadey, oo dalka hooyo meel aan aheyn aadan ka heleyn.Hadiise duruufaha iyo Danahu inoo wada sahlayaan in aan markasta dalkeeena hooyo kusoo wada ciidno, wallee waxkale kuma aan doorsanneenba abid!

CUDURDAAR

Waxaan ka cudurdaaranayaa, hadii aad qurbaha sideeyda oo kale ku nooshahay, oo hiloow iyo hamuun ku Ciidida dalkii hooyo ahaan kugu kiciyey, oo danaha iyo duruufuhuna aaney kuu saamaxeyn in aad dalkaadii hooyo kusoo ciido.Waxaanse rajeeynayaa in qormadan aan dalalkale oo laga yaabo in aadan tagin ama sidan aadan wax uga ogeyn aan daaqad/dariishad yar kaaga furey, anigoo dalkii hooyana xasuustiisa macaan dib kuugu celiyey.

Waxaana ugu dambeyn dhamaan ummadeeyda qaaliga ah ee Soomaaliyeed inoo wada rajeeynayaa in Sanadkan sanadkiisa dalkeena hooyo oo inoo wada nabad ah, inagoo wada caafimadqabna, aan ku wada ciidno, Insha Allaah.

“Writing only for SOOMAALINIMO”

Wabillaahi Towfiiq

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdi Boqor”

Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com

Sawirrada: Google images search

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;