SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Hayadda HARO oo Sakaatul Fidri u Qaybisey Dad Indhoolayaal ah iyo kuwa Barakacayaal ah oo ku sugan Gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose.

HARO soo Gabagabeysey Barnaamijkii Afurinta ee Bisha Ramadaan.

Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa Gargaar Raashin Sakaatul Fidri ah ka qaybisey Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Wadajir iyo Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo, waxaana Sakaatul Fidrigaas loo qaybisye Dad Danyar iyo dad Lixaadkoodu Dhiman yahay , waxayna Gargaarkaan oo ay qaybisey Hayada HARO ayaa waxaa uu ka koobnaa Bur , iyo Bariis.

Gargaarkaan ay Hayadu qaybisey oo ahaa Sakaatul Fidri ayaa Hayada HARO ka soo Ururisey Walaalaha Jaaliyada Somaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyagoo ugu tala galey in la siiyo Dadka ku dhibaateysan Gobolada Banaadir iyo Jubada Hoose , iyadoo intii ay socotey Qaybinta Deeqdaas ay Goob joog ka ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska HARO ee Soomaaliya

Muddooyinkaan Hayada HARO gaar ahaan marka la gaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxay ku Howllaneyd Mashruuca ay ugu Magacdartey Afurinta dadka aan heli Karin wax ay ku afuraan , waxayan Hayadu isku garab wadey Raashin Bisil iyo mid Cayriin kuwaa oo sida ay u bilaabantey Bisha Ramadaan ka wadey Gobol;ada Banaadir iyo Jubadas Hoose ,Garoowe iyo Hargeysa .

Dadkii ka faaideystey Sakaatul Fidriga iyo kuwi la Afurinayey Bisha Ramadaan ayaa si aad ah ugu Mahadceliyey Hayadda HARO , waxayna ka Codsadeen in ay Markasta oo la gaaro Bisha Ramadaan ay Hayadda halkaas ka wado Barnaamijyada lagu Afurinayo dadka Masaakiinta ah ee aan waxba haysan sidoo kale halkaas ka sii wadaan Bixinta Sakaatul Fidriga iyadoo Masuuliyiintii ka socdey Hayada HARO ay Balan qaadeen in halkaasi ka sii wadi doonaan Howlaha ay ugu adeegayaan dadka Dhibaateysan iyo kuwa aan waxba Haysan.

Qaar ka mid Dadka Indhoolayaasha oo loo qaybiyey Sakaatul Fidriga ayaa igana u Mahadceliyey Walaalaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika waxayna Ilaah ugu baryeen in waxa ay soo Dhiibeen ugu Bedelo mid ka Khayr badan waxayna sheegeen in Hayadda HARO aysan aheyn markii ugu horeeysey oo ay gargaarka helaan Hayadaas waxayna ka codsadeen in ay Il gaar ah ku eegaan dadka Indhoolayaasha ah kuwaa oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa aad u Nugul

Dhinaca kale waxaa iyana Hayadda HARO Magaalada Kismaayo ka Qaybisey Sakaatul Fidri waxaana la siiyey Dad gaaraya 403 Qoys kuwaa oo ku jirey Saddex Xero oo ay ku jiraan dad Barakacayaal ah oo aad u liita waxayna Qaybintaas sida ay noo soo sheegeen Xubnaha HARO in ay u dhacdey si Nabadgelyo , waxaana Deeqdaan gargaarka soo dhiibey Walaaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 7, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;