Ururka Women , Children And Elders Aid Organization (WCEAO) oo Maalmaha
Ciidda London ku Qaban doono Barnaamij Taburucaad ah
Ururka Women , Children And Elders Aid Organisation (WCEAO) oo ka Dhisan Dalka
Gudihiisa iyio Dibadiisa ayaa waxaa uu Qabanayaa Barnaamij uu Ugu Magacdarey
CAAWI ILAAH HA KU CAAWIYE kaasoo Ururku ugu Tala galey in Maalmaha Ciida uu
sameeyo Barnaamijkaas oo lagu Ururin doono Tabarucaad ah oo Ururka uu ugu
talagaley in lagu Caawino dadka Soomaaliyeed ee Dhibaateysan gaar ahaan caruur
Caafimaadaro la Il darn kuwaa oo Dalka wax looga qaban waayey..
“Waxaa dooneynaa in Maalinka Tabarucaad Ururinta Munaasabadda oo ah Maalin ku
weyn Umadaha Islaamka in aan isugu keeno Dad fara badan Munaasbadaas oo lagu soo
Bandhigi doono Maaweelo, Suugaan , Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, Murti iyo
Baraanbur” ayuu yir mid ka mid Qaban Qaabayaasha Munaasabadaas Gundhigeedu yahay
in lagu Aruuriyo Qaaraan waxa ka soo baxa lagu Caawin doono dadka Dhibaateysan
gaar ahaan kuwa ay heysato Caafimaaddarida oo Dalka wax looga qaban waayey
Guddiga qaban qaabada Munaasabadaas ayaa waxay sheegeen in dadka ka soo
Qaybgalaya ay si wanaagsan u Ciidi doonaan iyagoo Xasuusan doona Maalinkaas oo
qalbigooda aysan ka Go’I doonin , sidoo kale waxay sheegeen in Barnaamijka
halkaa ka dhacaya uu yahay mid u furan Ruux kasta oo ku sugan Qaaradda Yurub oo
Awoodi kara in uu ka soo qayb galo
Ururka ayaa waxaa u jeedkiisu yahay in Dhaqaalaha halkaas ka soo Xarooda ay ku
caawini doono Caruur Dhowr oo ah oo Qaba Cuduro kala Duwan oo Dalka wax looga
qaban waayey, waxayna caruurtaan yihiin kuwa uu Ururka hore u Diwaan geliyey
islamarkaana uu u waayey wax Dhaqaale ah.
Dhinaca kale Ururka Ururka Women , Children And Elders Aid Organisation waxaa uu
Magaalada Muqdisho Todobaadka Soo socda ka Furi doonaa Tababar ku Aadan
Xirfadaha kala duwan kaasoo uu Ururka uu sheegey in wax lagu Bari doono Muddo
Laba Bilood ah Haweenka aadka u Nugul iyo Dhalinyarada Fursad La’aata haysto
Wixii Faahfaain ah oo dheeraad ah kala Xiriir
A FUNDRAISING EVENT ON THE
11/08/13 AT 6PM -MIDNIGHT
CONTACT.07931779733
ADDRESS 211 CLAPHAM ROAD
SW9 0QH STOCKWELL
THE HOLL IS OPPOSITE STOCKWELL TUBE STATION NEXT TO LADROKES
TUBE LINE-VICTORIA LINE KASO QAYB GAL WANAGSAN
DADKAADA CAAWI ILAAHEY HAKU CAAWIYEE
DHULKAADA DIB U DHISO INSHA ALLAH
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 6, 2013
|