Shirar uu soo abaabulay Xafiiska R. Wasaaraha oo lagu dhamaystirayo “Human
Rights Road Map”
Muqdisho, 05 Augst, 2013.. Shalay shir ka dhacay xarunta Madaxtooyada oo ay
isugu yimaadeen Xooghayaha Golaha Wasiirada & Baarlamaanka Mudane Calas Maxamuud
Jamac Juge, Agaasimayaasha Guud ee Wasaradaha Dowladda, Guddiga KMG Madaxa
Bannaan ee Xaqiiqa Raadinta Tacadiyada ka Dhanka ah Xuquuqal Insaanka (Human
Rights Task Force) iyo Danjiraha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya u fadhiya
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva, Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari.
Shirkaan ayaa daba socday kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Wasaaradaha
iyo labada mas'uul ee kor ku xusan kaas oo dhacay bishii la soo dhaafay 24-keedi
iyo mid ku xigay oo isna dhacay 30-kii bishaas dhex marayna Guddiga Xuquuqal
Insaanka ee Baarlamaanka (Human Rights Committee of the Parliament) iyo Guddiga
KMG ee Madaxa Bannaan ee Xaqiiqa Raadinta Tacadiyada ka Dhanka ah Xuquuqal
Insaanka.
Shirarkaan iyo kuwo kale oo
la tashiyo ah waxaay daba socdaan shirkii bishii Maarso 2013 ka dhacay Magaalada
Muqdisho oo dhex maray Madaxda sare ee Dowladda iyo Khabiirka Caalamka ee Madaxa
Bannaan oo u qaabilsan u kuur gelida Arrimaha Xuquuqal Insaanka ee Soomaaliya
(Independent Expert on the situation of Human Rights in Somalia) Dr. Shamsul
Bari. Kulamadaas ka dib Madaxda sare waxeey go'aansadeen in Dowladda Federaalka
Soomaaliya diyaariso Khariidada Geedi Socodka lagu hormarinayo laguna ilaalinayo
Xuquuqal Insaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed (Human Rights Road Map for
Somalia).
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva ahna khabiir
ku xeel dheer Xuquuqul Insaanka, aayaa war bixin ka siiyey ka qaybgalayaasha
shir ka dhacay bishii June 2013 Magaalada Geneva, kaas oo looga arrinsaanayey
sidii loo hormarin lahaa loona ilaalin lahaa Xuquuqal Insaanka Muwaadiniinta
Soomaaliyeed.
“Bishii June 2013 kalfadhigii ka dhacay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada
Midoobay, waxaa lagu go’aamiyey in bisha Septembar 2013 la qabto shir looga
hadlayo xaalada Xuquuqal Insaanka ka jirta Soomaaliya. Shirkaasa waxaa warbixin
sannadla ah ee ku aadan Soomaaliya ka jeedin doona Khabiirka Madaxa Bannaan ee u
qaabilsan Soomaaliya Dr. Shamsul Bari, Madaxda sare ee Dowalada Federaalka ah ee
Soomaaliya, Madax ka socota dalalka sida gaarka ah u daneeya Arrimaha Soomaaliya,
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha QM u qabilsan Somaaliya Danjire Nicholas Kay,
Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Saalax Annadif
iyo Madaxda Hay’adaha QM ayaa la filaya inay ka soo qayb galaan shirkaas
muhiimka ah. Madaxda sare ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Golaha u
bandhigi doona tubta ugu wanaagsan ee lagu hormarin karo laguna ilaalin karo
Xuquuqal Insaanka ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Danjire Yusuf
Bari-Bari. Waxaa sidoo kale uu sheegay in Golaha Xuquuqal Insaanka ee Qaramada
Midoobey afartii sanaba dal kasta uu marsiiyo imtixaan ku saleeysan qiimeeynta
xaalada Xuquuqal Insaanka ee dalkaasi ka jirta.
Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey sanadii 2011 la marsiyey imtixaanka
lagu qiimeeynayo xaalada Xuquuqal Insaanka ka jirta Soomaaliya. Wakiilada
dalalka eek u jira Golaha Xuquuqal Insaanka ee QM ayaa u soo bandhigay 155
talooyin. DFKMG ee Soomaaliya wada tashiyo badan ka dib waxeey si buuxda u
aqbashay 151 ka mid ah talooyinkii loo soo jeediyey. Sida uu qorshuhu yahay
sanadka 2015 ayeey mar labaad Soomaaliya mari doontaa imtixaanka Golaha Xuquuqul
Insaanka ee Qaramada Midoobay. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa looga
fadhiyaa in ay Golahaas u gudbiso habka ay u dhaqan gelisay 151 talooyin ay
Soomaaliya aqbashay.
Shirka bisha September 2013 ee ka dhici doonaa magaalada Geneva, Madaxda sare ee
Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya waxay haystaan fursad qaali ah oo ay ku soo
bandhigi karaan qorshe ay u madax banaan yihin oo lagu ilaalinayo laguna
hormarinayo Xuquuqal Insaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaay
fursad u haystaan in ay codsadaan iskaashi labo nooc ah.
1. Iskaashi guud lala yeesho Hay’adaha Calaalmiga ah (Multilateral Cooperation)
2. Iskaashi labo geesood ah eel ala yeesho Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya
(Bilateral Cooperation).
Hay’adaha caalamiga ah iyo Dowladaha ka gaabiya iskaashigaas xaq uma yeelan
doonaan inay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u soo jeediyaan eedaymo ka
dhan ah ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqal Insaanka ee Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in laga soo bilaabo sanadkii 2008 Dowladda Soomaaliya waxay ku
guulaysatay in Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM laga ansixiyo sagaal qarraar, oo
intuba dhigaya in Dowaladda Federaalka ah ee Soomaaliya loo fidiyo iskaashi kor
loogu qaadayo tayeeynta Hay’adaha Dowladda, si ay Dowladdu u hormariso una
ilaaliso Xuquuqal Insaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Markii ay soo idlaadan kulamada wada tashiga ah waxaa u qorshaysan Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
in uu ku marti qaado kulanka khaaska ah ee Golaha Wasiiradda, kaas oo lagu
ansixin doono Khariirada Geedi Socodka ee lagu hormarinayo laguna ilaalinayo
Xuquuqal Insaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed (Human Rights Road Map) inay ka soo
qayb galaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan
Sh. Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,
Danjiraha JFS u fadhiya Xafiiska QM ee Geneva Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil
Bari-Bari, Khabiirka Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Dr. Shamsul
Bari, Xubnaha Bulshada Rayidka ah iyo Wakiilada QM u qaabilsan Xuquuqul Insaanka
ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
---DHAMAAD---
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho- Somalia
media@opm.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 5, 2013
|