| 
 Puntland oo ka soo Horjeestay Heshiiskii Dhex Maray Dawladda Federaalka iyo 
Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group.
 Eng. 
Siciid Maxamed Raage oo ah Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka 
Burcad Badeedka ee Maamulka Puntland ayaa xafiiskiisa ka soo saaray 
Warsaxaafadeed si aad uga hadlaya Heshiis dhex maray 30kii Bishii ina soo 
dhaaftay ee Luuliyo dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan 
Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud fiqi iyo Shirkad laga 
leeyahay dalka Holland oo lagu magacaabo Atlantic Marine And Offshore Group. 
Warsaxaafadeedkan ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda 
iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka la magac Puntland ayaa lagu 
sheegay in Puntland ay u Madaxbanaan tahay ilaalinta Xeebaheeda isla markaana 
aanay Mas’uul ka ahayn Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan marka ay 
timaado dhinaca Ilaalinta Xeebaha. 
Warsaxaafadeedka ayaa ku tilmaantay Heshiiskii dhex maray Wasiirka 
Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Atlantic Marine 
And Offshore Group ee laga leeyahay Waddanka Holland inuu yahay mid ka hor 
imaanaya Heshiisyadii hore u dhex maray Xukuumadda Federaalka iyo Maamul 
Goboleedyada ee ku aaddanaaa Ilaalinta Madaxbanaanida Dhulka iyo Biyaha Dalka 
Soomaaliya. 
Warsaxaafadeedka  ayaa lagu soo Gabagabeeyay in Puntland ay sii wadi doonto 
inay ilaalsato Biyaheeda iyo in ay Tababarato Ciidamadeeda ilaaliya Xeebaha isla 
markaana ay ka hor tegi doonto wax walba oo ay u aragto inuu ka horimaanayo 
Madaxbanaanida amniga, Kheyraadka Dalka , iyadoo sidoo kale war Saxaafadeedkan 
lagu sheegay in Puntland aysan ogolaan doonin Heshiis kasta oo ay Dawladda 
Soomaaliya la gasho Dawlad aysan iyadu ogeyn ama Shirkad gaar loo leeyahay. 
Halkan ka akhri Warsaxaafadeedka oo Ingiriisi ah 
W/D AmIin Yuusuf Khasaaro 
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk 
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk   Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2013   |