Sidee Bulshadda u Arkaan Shirkada Atlantic Marine And Offshore Group ?
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Heshiis la Saxiixatay Shirkad ilaalisa
Xeebaha oo lagu Magacaabo The Atlantic Marine and Offshore Group Taasi oo
Fadhigeedu yahay Dalka Holland, Qodobada Heshiiska ay wada gaareen Dowlada
Soomaaliya iyo The Atlantic Marine and Offshore Group ayaa inta aan u guda gelin
waxa ay Bulshadu ka qabto bal aan eegno Qodobada lagu Heshiiyey
1-In lala socdo iLaha Dhaqaale ee gaarka ah.
2- in lagu Gaaf Wareego lana Kontroolo ama la Ilaaliyo si loo suga Ilaha
Dhaqaale .
3- la socodka Dhaqdhaqaaqa Ganacsi iyo Dekedaha.
4- Difaaca Kheyraadka Dabiiciga ah.
5- Difaaca Kaluumaysiga Sharcidarrada ah ee Maraakiibta Ajaanibta ah iyo
Waxyaabaha Saldhiga u ah.
6- ka Hortaga Sunta lagu Daadinayo Xeebaha Soomaaliya oo Khatar ku ah Dadka iyo
kheyraadka Dabiiciga ah.
7- In la sameeyo Dabagallo ku aadan Badbaadada iyo ka Hortagga Adeegyada
Kontorbaannada ah.
Waxaa kale oo ka mid ah Heshiiskaas in Ciidanka Amaanka ee Xeebaha Soomaaliya
Qaabilsan, ayagoo ka Saacidaya Barnaamijyo Tababar iyo in Xirfadahooda sare loo
qaado, Saraakiisha iyo Ciidamada ilaalada Xeebaha.
Hadaba Waxaa Su’aalo laga keenay oo ka Guuxaya Maanka dad badan Howsha ay
Shirkadaan Qaban karto , meelihii ay hore uga Shaqeysey si loo Ogaado
Waxqabadkeedii iyo in ay Awoodi karto Ilaalinta Xeebta Dheer ee Soomaaliya
leedahay,Waxaana arrintaa ka Hadley,Aqoonayahan Soomaaliyeed oo ka Gaabsadey
Magaciisa oo ku Xeel dheer arrimaha Noocaan oo kale ah waxaana uu yiri “ Dad
badan ayaa Rumeysan in maanta Caalamka uu Gacanta ugu jro Shirkado Awooda
Howshii laga doonayey in ay Dowladi qabato , waxayna dadkaas Tusaale u soo
qaataan Wadamada Dunida uga Awooda badan sida Ingiriiska iyo Mareykanka oo Xitaa
Sugidda Amnaanka iyo Nabagelyada ay Shirkado Gacanta ku hayaan. Waxaa uu sii raaciyey Aqoonyahankaas “ waxay Shirkadahaasi gaarka loo leeyahay
Gacanta ku hayaan Sameynta Hubka , Diyaaradaha Gawaarida Dagaalka iyo Taangiyada
, marka waxaa ila Hoboon in la tixigeliyo Awooda Shirkadaan oo aan lagu Deg
degin wax ka Sheegeeda Tusaale Sannadkii 2004 Shirkaddo gaar loo leeyahay oo ka
soo jeeda Wadamada Carabta gaar ahaan Imaaraadka Carabta waxaa lagu wareejiyey
Dekedo waaweyn oo ku yaala Gobolada Mareykanka , inkatoo Muran uu ka dhashey
Shirkadahaasi Carbeed oo markii dambe loo Ogolaadey in ay Dhisaan Dekedahaasi,
waxaan arrintaan uga dan leeyahay in Shirkadaha Caalamka aysan Xuduud lahayn oo
meeshii ay la doono ay kla Howlgali karaan Heshiisna lala gaari karo. Waxaa Haboon in aan is Xasuusino tan markii Dowladii Dhexe meesha ka baxdey
waxaa Beylah Noqotey Biyaha Badda Soomaaliya waxaana la iska Gurtaa Khayraadka
Dhex Ceegaaga Badda Soomaaliya sidoo kale Badda waxaa lagu Shubaa Sunta Haraaga
ee Warshadaha Nukliyeerka ee ay iska soo Fogeeyaan reer Galbeedka oo Dhibaato ku
ah Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed waana mida keentey in ay sameysmaan wax loogu
yeero Kooxaha Burcad Badeedka oo dadka qaar u arkaan in ay yihiin Xaq u dirir,
Madaama aysan jirin Ciidamo Soomaaliyeed oo Badda Iaaliya Marka laga yimaado Hadalka Aqoonyahanka oo u muuqda mid Maangal ah , waxa jira
Fikrado kale oo ka soo horjeeda in Ilaalinta Badda Soomaaliya aan lagu wareejin
Shrikad si gaar ah loo leeyahay kuwaas oo Door bidi lahaa in Dowlad lala
Heshiiyo intii Shirkad si gaar ah loo leeyahay lala heshiin lahaa , waxay
Fikradahaan intaa ku darayaan in ay dhici karto in lala Xisaabtami waayo haddii
Shirkad gaar ah loo leeyahay Gacanta loo geliyo Ilaalinta Badda Soomaaliya oo
aan ognahay in ay tahay Xeebta Afrika ugu dheer , laakiin Haddii Dowlad lala
Heshiiyo waxaa la yaqaan meesha loo raacdo iyo sida loola Xisaabtamo Shirkaddaan The Atlantic Marine and Offshore Group Heshiiska lala galey waxaa ku
jira ka sokow ilaalinta Khayraadka Dhex Ceegaaga Badda Soomaaliya in ay
Tababarto Ciidamo Soomaaliyeed oo ilaaliya Bada Soomaaliya maxaa Faaiido ah ayaa
ku jira ama Khasaaro, qaar ka mid ah Bulshada ayaa ku kala duwan Dhinaca Fikirka
mid baa qaba in marba hadii la Tababarayo Ciidan Badeed oo Soomaaliya leedahay
in Shirkadda Howsheeda la soo dhaweeyo maadamaa Berri (Mustaqabalka) Xilka la
wareegayaan oo Shisheeye laga maarmayo , mid kalaa waxaa uu Su’aal ka keenayaa
Wanaagga Shirkadaan la Imaan karto ka sokow Sanadaha Shirkadaan ku soo
Gabagabeyneyso Heshiiska lala galey kaasoo aan lagu Xusin Qoraalka Heshiiska la
wada galey . Qof kale oo ka mid ah Bulshada ayaa in kastoo uu Taxadar badan ka Muujiyey
Heshiiska lala galey Shirkadaan Cusub ayaa hadana waxaa uu isku qanciyey in uu
meesha ka baxay Fikirkii Dadka qaar ay ka qabeen Shirkada Garoonka Diyaaradaha
Maamusha ee SKA oo u muuqda mid haatan lagu qancay ka dib markii ay wax weyn ka
badeshey Agaasinka Garoonka Diyaardaha ee Magaalada Muqdisho waxaa intaa ku
darey oo uu Cadeeyey sida aaney Dowladda Federaalka u Awoodin Xiligaan in ay
Ilaaliso Xeebta Dheer ee Soomaaliya oo Shirkado iyo Dowlado Shisheeye ay iska
Gurtaan Khayraadka Badda Soomaaliya . Qof kale oo ka tirsan Bulshada ayaa yiri “ Waxaan la soconaa in Dowladda
Soomaaliya ay la Ciir Ciirayso Dhaqaale la’aan, ayna ku tiirsan tahay Kaalmo
Shuruudo badan ku xiran oo ka timaada Caalamka, sidaas daraadeed sida ka muuqata
Heshiiska Shirkadaan waxay awood u yeelanaysaa inay Badda ka ilaaliso
Maraakiibta shisheeyaha ah, Dowladuna markaas awood u yeelato inay bixiso
Ruqsado Kaluumaysi oo la jaan qaadi kara Heer Caalami taas oo Dowlada ka heli
karto Dhaqaale ay ku furdaamiso Dhibaatooyinka haysta” waa uu sii Hadley waxaa
uu yiri “waxaa kale oo sida ka Muuqata Heshiiskaan ku jirta in Shirkadaan ay
ilaalinayso Khayraadka Dabiiciga ah ee ku jira Badaha Soomaaliya, waxaana soo
hoos galaya in Shirkadaha kaluumaysiga ee la siiyo Ruqsado ama Shatiyaal in lagu
ilaaliyo nooca Kaluun ee ay Jilaabanayaan. W/D AmIin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2013
|