SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Wargeyskii Dowladda oo Afka Sharooto laga saarey!!

Laga soo bilaabo Xiligii Wasiirka uu ka ahaa Wasaarada Warfaafinta Cabdikarim Xasan Jaamac waxaa la Dareemayey in Wasaaradu Qaybaheeda kala duwan uu Isbedel Deg deg ah ku imaanayo , sababtoo ah waxaa uu kiciyey Qaybo dansanaa sida TV-ga Qaran iyo Wargeyska dalka oo isagu Todobaadkii si joogto ah u soo bixi jirey iyadoo lagu soo daabaci jirey Magaalada Nairiobi

Dabcan waxay talaabadaasi soo celisey oo yayadiilo iyo Hami gelisey dadkii ku taxnaa Wargeyskaasi , si joogto ah ayey u Akhrisan jireen inkastoo , Wasiirkii ku xigey Wasiirkaasi isku dayey in uu sii wado hadana waa uu sii wadi waayey taasina waxay keentey in Gabi ahaanba Wargeyska Dalka Guud ahaan laga waayo Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka , waxaase la yaab leh in Cidna u Murugoon ama isku Mashquulin Sababta uu u soo bixi waayey, kaasoo ahaa Codkii Dowlada oo weliba ay ku Tixnaayeen Hayado badan , xitaa ma dhicin canaan la soo Canaanto Wasiirka ama Cida qaabilsan sababta uu u soo bixi waayey , taasi waxay Macnaheedu tahay in Dowlada aysan kala jecleyn in Wargeyska Codkeeda ku hadla ay yeelataba , waxaana cadaatey in soo saaristiisuna ay Dhibaato ku ahayd.

Wasiirka Saddexaad ee haatan Madax ka ah Wasaarada Warfaafinta uu isku dayey in uu soo saaro Wargeyskii Dalka oo lagu Daabici jirey Magaalada Nairobi loo Weeciyo Imaaraadka Carabta inkastoo Wargeyska Bilic ahaan iyoTayo ahaan la jeceleysta Dhowrkii Todobaad ee uu soo baxay ,hadabna waxaa xaqiiqo ah in isna uu ku dhacay Cudurkii ku dhici jirey ee ahaa mar soo baxe marna la waaye ilaa iyo hadda Suuxdiintaas ayuu ku jiraa oo Cid isku Taxlujisey ma jirto mana Muuqto , waana Nasiibdarro ku dhacdey Dowlada Isbedel doonka ah.

Mida Mudan in la sheego waxay tahay in Qalabka Warbaainta Dowladu u leeyahay darajooyin waana sida Muuqata maxaa yeeley Idaacad waa Darjada Koowaad oo haddii hadda hawada laga waayo waxaa laga soo qaylinayaa dhinac waliba iyadoo Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa aan Tayeysneyn marar qaarna ruuxa Dhegeysanaya uu iska damiyo, waxaa kaloo Dowlada Ahmiyad Weyn siisaa oo ay lacag badan ku bixisaa Talifishinka Qaran oo isaguna uu leeyahay sida la sheegey Ruux Shaqsi ah oo Magaca Qaranka Huwan, taasi Micnaheedu waxay tahay in lagu Qanacsan yahay Maqalka iyo Muuqaalkaas.

Sidaa darteed waa wax Muuqda oo laba Cali ku doodeyn in Dowlada kasta oo Dalka soo marta waxa ay u Tixgelin la’dahay Wargeysku ku hadla Codkeeda taasi in ay Hormariso iskaba daaye waxaa la Awoodi waayey oo mid kasta ay iska indha tirtaa in ay dib u soo Nooleyso Madbacadii Qaran oo xitaa lagu bilaabi karey Qalab yar oo lagu soo saari karey Dhowr Wargeys oo ku kala Qoran Afaf kala duwan taasoo Door weyn ka qaadaneysa Xiriirka Xoojinta Dibolimaasiyada Caalamka , waxaana si joogto ah u iibsan lahaa Dhamaan Safaaradaha iyo Hayadaha kale ka Shaqeeya Soomaaliya .

Dowlada Maalin waliba waxaa ka Baxo lacago Micnodaro ah , marka lacagahaasi la isku Ceceliyo Tododbaadkii waxaa lagu iibin karey Dhowr Makiinado ee wax daabaco waxaase layaab leh in Dowlad dhan ay maanta soo saari weyso Wargeyskii ku hadli lahaa Codkeeda,halka Dad gaar oo aan waxba haysan ay maalin waliba soo saaraan Dhowr wargeys kuwaas oo sii Joogto ah u soo baxo oo Cid ku kaalmeyso aaney jirin marka halkee ayey wax iska qab la’yihiin.

Dowlad kasta waxaa Astaan u ah Warbaahinta Codkeeda ku hadla hadii aan dib u Qooraansano Dowladii Miltariga ee Siyaad barre waxay Xooga aad u saartey Qalabka Warbaahinta ee Codkeeda ku hadla hadii ay dhacdo in mid ka mid ah la waayo Daqiiqad oo keli ah Dowladaas waxay u ekaaneysaa Dowlad la Afgambiyey , sidaa darteed Xilgaan Wargeyska Waa Keydka Siyaasadda Dowlada oo Taariikh kasta iyo Dhacdo kasta waxaa Dib loogu noqonayaa Keydka Wargeyska oo laga heli karo Taariikh aad u dheer ooJiilba Jiil gaari kara laakiin Idaacadaha iyo Talifishinka midna ma galo Keyd hadii maanta Raadiyo Muqdisho ama Tv-ga la weydiiyo Taariikh Hore marnaba lagama yaabo in ay helaan mana u sameysna umana Tababarna qaabka wax loo Keydiyo.

Si hadaba Dowladu u Hormariso Siyaasadeeda Gudaha iyo Dibadda waxaa laga maarmaan ah in ay Xooga saarto sidii loo Hirgelin lahaa wargeyska Dalka oo weliba ay tahay in Gudaha Dalka laga soo saaro waayo waxaa Ceeb in Codkii Dowlada Dal kale lagu soo daabacao Tusaale Wargeyska ku hadala Codka Wadanka Kenya Malaga yaabaa in laga soo saaro Muqdisho taasi Jawaabteeda waa maya waana mid Dowlada Kenya ku Ceeb ah waayo sababtoo ah waxaa Banaanka u baxaya wixii Siyaasad,Keyd ama Sir ee ay lahayd Dowladaas , Sideedaba Wargeysku waxaa ku Taxan oo Akhriya kuwa Bulshada Hogaamiya , Dhinaca kale kuwa wax Dhageysta ee ku taxan Idaacadaha waxay ka dhageystaan warar badan oo is weydaarsan iyo kuwa Dalka kala fogeynaya

Guntii iyo Gabagabadii haddi aysan Dowladu Xoojin Awoodna u yeelin Wargeyska Dalka ee ku hadla Codkeeda waxay lumin doontaa Taageerayaal badan waxayna Dadka u weecan Doonaan Idaacadaha Dhageysigooda taasoo Dharbaaxo ku noqon doontaa Horusocodkii Dowlada sidaa Darteed Caalamka waa u Hormarey waxaa la joogaa in Dhowr Qof ay soo saari karaan Wargeys weyn oo aad loo Akhristo oo ka kooban Dhowr iyo Labaatan Bog waayo waxa arrintaa Fududeyey Tiknolojiyada Casriga ah oo maanta Ilbiriqsi Wax waliba lagu Ogaan kara,hadaba Dowlada Isbdel Doonka waxaa la Gudboon in Wargeyska Dalka ee Afka Sharootada ka saaran ka qaado.

Qoraa Sare Ciise Faarax Maxamed

Telka 00252615193738
 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 2, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;