SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

  • Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Caasimadda Dalka Norway Ee Oslo …WARSAXAAFADEED
  • Xildhibaanada kala ah Cumar Furdug, Amiin Aloow Iyo Maxamed Omar oo lagu soo dhaweeyay Wadanka Sweden

Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Caasimadda Dalka Norway Ee Oslo …WARSAXAAFADEED

April 6, 2013: Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheeekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaallo madaxda dalka Norway ee Oslo halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Wafiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Oslo kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Norway.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar, gudoomiyeyaasha 15ka gudi ee Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha.




Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa yimid kadib markii uu Gudoomiyaha casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Norway waxaana inta uu jogoo magaalada Olso la kulmi doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway, mas’uuliyiin horey xilal kala sar sare dalkaasi ugasoo qabtay iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Norway.

Sidoo kale Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa iyaguna inta ay ku suganyihiin magaalada Oslo waxey la kulmi doonaan Gudoomiyeyaasha gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka dalka Norway.

----DHAMAAD----

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

###


Xildhibaanada kala ah Cumar Furdug, Amiin Aloow Iyo Maxamed Omar oo lagu soo dhaweeyay Wadanka Sweden

Waxaa habeenkii Xalay Magaalada Caasimada Labaad ee Wadanka Sweden ee Gothenburg soo gaaray oo lagu soo dhaweeyay Saddex Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia kuwaas oo kala ah Cumar Cali Nur (Cumar furdug). Maxamed Amin Xasan (Amin Aalow) iyo Maxmed Cumar Maxamud.
Mudanayaashaan ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Xisbiga Socaildemokraterna oo sanad walba shirkiisa lagu casuumo Marti Sharaf kala duwan oo is kaga yimaada Caalamka.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa ka mid ah Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ee “SSUP”Xisbigaas uu Hogaamiyo Siyaasiga Yassin Maaxi Mo’allim oo Fadhigiisa yahay Wadanka Sweden.

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Yassin Maaxi ayaa Ubaxyo iyo caleemo qoyan ku soo dhaweeyay Mudanayaashaasi waxuuna yiri asagoo hadalo kooban ka jeediyay soo dhaweyntooda.

“Mudanayaal soo dhawaada waxaad Xildhibaano Soomaaliyeed u tihiin Shacabka Soomaaliyeed anagana waan ka mid nahay waxaan jacelahay anigoo ah Gudoomiyihiina Xisbiga SSUP in aan idiin ku soo dhaweeyo Wadanka Sweden Sidoo kale horay ayaad dalka igu soo dhaweeyseyn maantana halkaan ayaan idiinku casuunay oo aan idiin ku soo dhaweyneynaa” ayuu hadalkiisa ku soo kooban Mudane Maaxi.

Xildhibaanadaan ayaa lagu wadaa inta ay joogaan wadanka Sweden in ay kulamo la qaataan Madax ka tirsan Wadanka Sweden Iyo Jaaliyada Soomaalida Wadanka Sweden.

Dhanka kale Soo dhaweeynta Mudanayaashaan ka yimid dalka ayaa waxaa ka qeyb qaatan oo Siyaasiga Hassan Muuse Ali “Qoslaaye” oo ka mid ah Xubnaha Firfircoon ee Xisbiga SSUP u fadhiya Caasimada Labaad ee Wadanka Sweden ee Gothenburg.

Isku soo wada duub Mudanayaashaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka mid ah Xisbiga SSUPayagoo casuumaadooda ay tahay mid Xisbiga SSUP uu ka shaqeeyay taas oo ku tusineysa sida Xisbiga SSUP uu horay talaabo wax ku ool ah ugu qaaday dhanka is badalka Siyaasada cusub ee uu hiigsanaya Xisbiga SSUP


SSUP Media
www.ssup.se

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;