Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Booqasho degdeg ah ku tegey
Turtiga
Wafti ay ka mid yihiin "Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka
qaarkood iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha" ayaa booqasho degdeg ah
ku tegey dalka Turkiga. Safarkan degdega ah ayaa ku soo beegmay xilli muran ka
dhexjiro xildhibaanada baarlamaanka iyo guddoonka baarlamaanka, arrimo la
xiriira heshiisyada ay gashay dawladdu oo aan la hor keenin baarlamaanka,
baarlamaankuna ka doodin ama ansixin.
Waakan warsaxaafadeedkii xafiiska guddoomiyaha baarlamaanak ee safarka
Turkiga hoos ka akhri.
Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Istanbul
Ee Dalka Turkiga Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaalada
Istanbul ee dalka Turkiga ayadoo wafdiga Gudoomiyahana ay caawa ku
wajahan yihiin magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka iyo
wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ataturk Airport ee magaalada
Istanbul kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga oo uu ka
mid yahay Duqa magaalada Istanbul ayadoo Gudoomiyaha iyo Duqa
magaaladana ay wadahadal kooban ku yeeshan qeybta nasashada (VIP) ee
garoonka diyaaradaha.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka mid ah Gudoomiyeyaasha
gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka qaarkood iyo saraakiil ka tirsan
xafiiska Gudoomiyaha waxaana ay wafdiga caawa u ambabixi doonaan
magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga. Maalinnimada berri ah waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka uu wadahadallo
gaar gaar ah Ankara kula qaadan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan dalka
aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida Gudoomiyaha Baarlamaanka
Turkiga,Ra’isulwasaare Recep Tayip Erdogan,Madaxweynaha Turkiga
Cabdalla Guul iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha hay’adda
hormarinta u qaabilsan Turkiga ee TIKA. Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa ay ku yimaadeen
dalka Turkiga ayaa qeyb ka ah adkeynta iyo wanaajinta xiriirka ka
dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo mudooyinkan aad usii xoogeysanayey
ayadoo Gudoomiyaha Baarlamaankana uu casuumaad rasmi ah ka helay
madaxda Dalkan. ---DHAMAAD---- Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka
Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2013
|