Madaxweynaha DFS oo Booqasho Degdeg ah ku tegey Mombasa, Kenya
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa manta oo ah Sabti (April 27,
2013) waxa booqasho degdeg ah waxa uu ku tegey magaalada Mombasa, waxaana
booqashadaas warsaxaafadeed ka soo saaray xafiiska madaxtooyada ee Villa
Somalia.

War-Saxaafaddeed:
(Mombasa
Kenya, April,27, 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xassan Sh. Maxamuud ayaa maanta safar kooban oo shaqo ku gaaray magaaladda
Mombasa ee Kenya halkaasna wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya
Mudane Uhuru Kenyatta.
Waxaa Madaxeynaha ku wehliyay R/Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda
Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji Aadam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane
Faarax C/Qaadir.
“ Waxaan fursad u helay in aan Madaxweyne Kenyatta ku wargeliyo Shirka Lonodon
ee dhici doona asbuuca soo socda iyo danaha ay Soomaaliya ka leedahay. Waxaa
kale oo na dhexmaray wada hadalo wanaagsan oo la xariira arrimo dhowr ah oo
anaga oo dhan dan noogu jirto. Waxaa naga dhexeeya dano farabadan, waxaana naga
go’an in aan ka wada shaqeeyno in Bariga Afrika uu noqdo meel horumar iyo nabad
leh.”
“Sidoo kale waxaan ka hadalnay in Al-Shabaab iyo fikirkooda wixii wata laga
hortago si ayna u faafin fikirka xag jirka ah ee ku saleysan argagixisadda.”
Bur-burka soo gaaray Al-Shabaab ayaa wuxuu keenay in ay bilaabaan xasuuqa
Shacabka” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu danbeytii ayaa waxaa laga hadlay qaabkii ay qaxootiga Soomaaliyeed ugu noqon
lahayeen dhulkooda hooyo. Taasna waxa leysla gartay in ay dhici doonto marka loo
diyaariyo qaab ay dalkooda ku soo noqdaan.
Dhamaad
Wixii faah-faahin ah kala xiriir Ag: Warfaafinta Madaxtooyadda Maalik Abdalla
Media@presidency.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2013
|