| 
 W.Maaliyadda oo saaka dalka dib ugu soo noqday kana war bixiyey shirkii 
IMF-ta ee Washington ka dhacay
 
  Khamiis, 
25, April, 201. Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Dowladda Federaalka 
Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Sulaymaan iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka 
dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo qayb galeen shirkii Hay’adda 
Lacagta Aduunka IMF oo ka dhacay magaalada Washington ee dalka Maraykanka. 
 Hay’adda Lacagta Aduunka IMF ayaa horaanta bishaan shaacisay in ay aqoon 
santahay dowladda Soomaaliya, ayna wada shaqyn buuxda la yeelan doonto 
Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya si dib loogu dhiso hanaankii maaliyadeed ee 
dalka.
 
 Wasiirka ayaa saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Adan Cade, isagoona 
faahfaahin ka bixiyey kulamadii uu la soo qaatay madaxda Hay’adda Lacagta 
Aduunka (IMF)
 
 “ Magaalada Washington waxaa uga soo qayb galnay shirkii sanad laha ahaa ee 
Hay’ada Lacagta Aduunka, waana markii ugu horaysay oo Soomaaliya ka qayb gasho 
mudo 22 sano ah, taasina waxay yididiilo weyn u tahay horumarka baaxada leh oo 
ay rabto in ay ku talaabsato dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirku.
 
 Siidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisu ku howlantahay sidii dib u 
habayn loogu samayn lahaa ilaha dhaqaalaha ee dowladda si loo helo nidaam 
maaliyadeed oo hufan, taasina ay wax weyn ka tari karto in dowladdu ay hesho 
kaalmooyin caalami ah.
 
 Wasiirka Maaliyadda ayaa intii uu xilka hayey waxaa uu dadaal dheer u galay 
sidii wada shaqayn dhan kasta ah u yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo 
beesha caalamka, wuxuuna ku guulaystay in Soomaaliya ay xubinimadeedii Hay’adda 
Lacagta Aduunka (IMF) ay dib ula soo noqoto, kana qayb gasho shirar caalami ah.
 
 wmaaliyaddasom@gmail.com
 
 Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2013
   |