SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Soomaaliya: $50,000 ayaa lagu abaal marinayaa soo gudbinta xogta la xiriirta dambiilayaasha bartilmaameedsada suxufiyiinta Soomaaliyeed

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhaleeceeyay kana tacsiyeeyay dilkii wariye Maxamed Ibrahim

Muqdisho, Abriil 22, 2013...... Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Fedaraaliga ah ee Soomaaliya muddane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta si kulul u cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Wariye Maxamed Ibrahim Raage oo koox hubaysani ku dileen xaafada Dharkeynley ee duleedka Muqdisho, fiidnimadii Axada. Wariyaha ayaa kamid ahaa suxufiyinta Telefeshinka iyo Idaacada Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii, iyo qaraabadii wariyaha asagoo sidoo kale u tacsiyeeyay bahda saxaafada Soomaaliyeed gaar ahaan asxaabta Telefeshinka iyo Idaacada Qaranaka ee uu wariye Maxamed Ibrahim la shaqaynayay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin Diinta Islaamka isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaana uu ku celiyay balanqaadkii dawladdu ay ku bixinaysay abaal-marinta dhan $50,000 (kontanka kun oo Doolar) ee ku aadanayd soo gacan-galinta iyo soo gudbinta xogta la xiriirta dambiilayaasha bartilmaameedsada suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waxaana uu cadeeyay inay dawladdu la dagaalami doonto kuwa gumaadka ku haya maskaxda iyo xooga fiyow ee Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028


Wasiirka Gaashaandhigga oo Su’aalihii Baarlamaanka Maanta Weydiiyey ay ku jireen Hub laga Xadey Xarunta Madaxtooyada Iyo Weerarkii Maxkamadda

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.Fadhiga Barlamaanka oo uu Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa sidii caadada ahayd waxaa Su’aalo ku saabsan dhinaca ammaanka lagu weydiinayay Wasiirka Gaashaandhigga Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.

Ugu horeynba Wasiirka Fiqi ayaa la weydiiyay Hub iyo Saanad Ciidan oo la sheegay in horraantii Sanadkan laga dhacay Xarunta Madaxtooyada iyo waxa uu ka ogyahay isagoona ku jawaabay in arrintaas sida loo dhigay aanay ahayn, Hub Madaxtooyada laga dhacayna uusan jirin.

Wasiirka ayaa farta ku fiiqay inuu jiray isku day la doonayay Bakhaar Madaxtooyada ku yaala in rasaas lagala baxo arrintaasina ay Fashilantay isagoona hoosta ka xarriiqay in Dadkii falkaa ka dambeeyay gacanta lagu dhigay iminkana ay xiran yihiin isagoo dhinaca kalena sheegay in ay ku raad joogaan mid baxasaday oo falkaa ku lug lahaa.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Su’aalaha kale ee la weydiiyay oo uu ka jawaabay waxaa ka mid ahaa Raggii Weeraray Maxkamadaha Gobolka Banaadir in ay ku Lebsinaayeen Tuutihii ugu dambeeyay ee Ciidamada la siiyay Laba iyo Tobankii April Si ay ugu maraan Munaasibaddii Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka.

Md Fiqi ayaa arrintaa si cad u beeniyay isagoona sheegay inuu ka mid ahaa dadkii u Horeeyay ee tegay goobta falku ka dhacay Indhihiisana uu ku soo arkay Tuutaha ay gashanaayeen Ragga weerarka qaaday.Fiqi ayaa sheegay in Tuutahaasi uu ahaa mid Duq oo ka mid ah Tuutayaashii hore ee Ciidanka hore u Isticmaalay sababta ay ku heleena ku macneeyay in la Xaday.

Xildhibaanada ayaa waxa ay weydiiyeen Wasiirka Tirada Ciidanka isagoona arrintaa kaga jawaabay in aysan habooneyn in arrintaa la shaaciyo hase yeeshee Baarlamaanka uu ugu soo gudbin si qoraal ah. Su’aalahaas iyo Su’aale kale oo dhowr ah ayaa Wasiirka la weydiiyay kaasoo dhamaantooda ka jawaabay iyadoo ay muuqanaysey in Xildhibaanada Sulaahaas soo jeedinayay marka uu Wasiirku ka jawaabo inay iska aamusayeen oo wax dood dheeraad ah aanay ka keeneyn maadaama Jawaabaha la bixinayey ay ahaayeen kuwa oo aan Xaqiiq ku fadhiyin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;