SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 

Xaflad Dhiirigelin ah oo loo qabtey  ardeyda Dusiga Indhoolyaasha ee Al- Nuur

Xalad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey Xarunta Dusiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur ee Magaalada Muqdisho  waxayna Xafladaas ku saabsaneyd gabagabada wejigii hore Imtixaanaadka  oo socdey muddo Lix bilood ah , waxaa ka qayb galey Mas’uuliyiin, Madaxda Dugsiga.

 

Waalidiinta iyo ardeyda wax ka barata Dugsiga oo gaarayey ilaa labaatan ardey  iskuna jira Gabdho iyo wiilal  waxaana ugu horeyntii halkaa ka Hadley Macalin Maxamed  oo sheegey in ardey waxa ka barata Dusiga ay wax barashadooda ay aad u wanaagsan tahay  ayna wax soo baranayeen muddo lix bilood ah  iyagoo wax ku baranayey Farta Indhoolayaasha ay wax ku bartaan ee Breilla  , waxa kale uu sheegay  in ardeyda wax loo barayo sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen ardeyda kale asaagooda ah ee wax ka barta Dugsiyada caadiga ah

Intii ay xaflada socotey ayaa ardeyda wax ka barata Dugsiga Al-Nuur soo bandhigeen Riwaayad  loogu magacdarey “ Xaq bey indhoolyaasha u leeyihiin in wax la baro  si ay wax ula qaybsadaan dadka kale “ waxaana Riwaayadaas soo alifey mid ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsigaas oo lagu magacaabo Cabdi Raxmaan Maxamed Xaashi , waxaa kaloo xaladaas ka Hadley Fardowsa Cabdi Ciise oo ku hadleysey magaca ardeyda waxaynaa sheegtey  in shacabka soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacan siiyaan dadka indhoolayasha ah oo aan la takoorin mar ay ka hadleysey Dareenkeeda  maanta iyo markii ay guriga iska joogtey waxay tiri ‘ Aad bey u kala duwan tahay waayo maanta waxaan ogaadey in aan wax baran karo oo aan wax la qaybsan karo dadka igu filka ah “

 



 waxaa kale oo ka Hadley Cismaan Cilmi Cabdi Raxmaaan oo ku hadlayey magaca Waalidiinta wuxuuna ugu hareyntii  u mahadceliyey intii isku soo dubaridey dugsigaas , wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in bulshadu  garab istaagaan kuwa aas -aasey  Dugsiga oo uu sheegay  in ay qabteen howl muhIIm ah maadaama ay wax barayaan caruur indhoolayaal ah

xafladaas waxaa kaloo ka hadley  Saciid Muxamuud Xuseen ( Saciid Indhoole ) oo ka yimid Cariga Ingiriiska  wuxuuna  u mahadceliyey intii aas –aastey Dugsiga  gaar ahaan wuxuu u mahad celiyey Maamulaha Dugsiga Cabdiraxmaan Maxamed Faarax (Luunge ) oo uu sheegay intii uu wax bartey uu uga faaideynayo walaalihiisa kale ee waayey waxbarashada  gaar ahaan kuwa indhaha la’ wuxuu kaloo sheegay in qaybaha kala duwan ee bulshada looga baahan yahay in ay  hiil iyo hooba siiyaan caruurta indhoolayaasha ee ku jirta Dugsiga Al-Nuur  Maadaama waxa wax la barayo ay yihiin caruur indhoolayaal ah  oo loo doonayo imustqbalka Ifaya iyo isku filnaan dhinac walba

sidoo kale  waxaa xafladaas ka Hadley Maamulaha Dusiga Al- Nuur Cabdiraxmaaan Maxamed Faarax (lLuunge ) wuxuuna  si qota dheer uga hadlay sababihii loo aas aasey Dugsiga wuxuuna sheegey in ay doonayaan in ay wax baraan Caruurta Indhoolyaasha ah si ay u helaan nolol iyo mustaqbal wanaagsan   wuxuu kaloo sheegay in ujeedada ay u qabteen xafladaan ay tahay sidii ay ugu dhiirigelin lahaayeen waxbarashada caruurta dhigata dugsiga  , wuxuu u soo jeediyey waalidiinta in ay markasta la socdaan heerka waxbarasho ee caruurtooda  , wuxuu u mahadcliyey intii gacanta ku siisey furida dugsiga wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey Shirkadaha isgaarsiinta  ganacsatada 

wuxuu si gaar aha ugu mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Brinmingham oo uu sheegay in laa’antooda ay furi lahayn Dusiga

gabagabdii xafladaas ayaa abaalmarin lagu gudoonsiiyey ardeydii kaalimaha hore galey  iyadoo labada fasal ee uu dugsiga ka kooban yahay  min laba ardey ay galeen kaalimaha haddi aan soo qaadano fasalka (A) waxaa kaalinta 1 aad galey  Sowda Shiikh Cali kaalinta 2aad waxaa galey Ifraax Maxamed Aadan

sidoo kale fasalka B  waxaa kaalinta 1 aad galey Ifraax Axmed Maxamed  kaalinta 2aad waxaa galey Shukri Axmed Maxamed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

SHIRWEYNIHII KOOWAAD EE URURKA INDHOOLAYAASHA SOOMAALIYEED OO MUQDISHO KA DHACAY

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2006

 

Daabaco Boggan | Print