WARARKII MAANTA:: JAN 19, 2006
Madaxwenaha
DGPL oo Booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed.
SomaliTalk.com
| Soomaaliya
Madaxweyaha
DGPL Gen: Maxamud Muuse Xirsi (Cade) ayaa
intii uu Garoowe ku labtay kormel ku sameyey
sida ay u Shaqeeyaan Wasaaradaha DGPL iyo
Ciidamada waxaa ka mid ahaa Meelahuu
Kormeerka ku tagay Xerada Tababarada
Ciidanka Daraawiishta ee 54aad, Wasaarada
Caafimaadka, Wasaarada Qorshaynta iyo Hay,da
Wadooyinka Nesha.
Waxaa uu
Madaxweynaha DGPL ka dhageystay Warbixin
Madaxdii halkaa Joogtay.
Waxaa kalo
madaxweynaha DGPL uu Booqosho ugu tagay
Islaan Ciise Islaan Maxamed oo mudo aad u
dheer ay shir wada galeen ayadoo loo diiday
Saxaafada oo aan la shaacin waxa ay ka wada
hadlayeen ayaa hadana waxaa uu madaxweynuhu
waday wada Tashi Waxgaradka iyo Isimada si
uu u helo Talo midaysan oo lagu soo xulo
Wasiiro Waxqabad leh.
Sawiro la
xiriira booqashadii Cadde Muuse ee Garoowe
hoos ka eeg.
|
Madaxweynaha DGPL Gen Cade Muuse iyo Islaan
Ciise Islaan Maxamed
|
WajigaHoreeeWasaaradaCaafimaadka.
Madaxweynaha DGPL oo Warbixinka dhagaysanaya
Wasiirka Caafimaadka Xafiiska Wasaarada
Caafimaadka |
Madaxweyaha oo Booqanaya Wasaarada Caafiaadka oo
Warbixin ka dhagaysanaya Wasiirka Caafimaadka
DGPL
Madaxweynaha DGPL oo Warbixinka dhagaysanaya
Taliyaha Ciidanka DGPL Col.Carays |
|
Shariif Xasan oo fara marnaan kala soo laabtay kulankii
Wasiirada hubeysan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka
oo wada kulamo uu la leeyahay Wasiirada hubeysan eek u sugan Magaalada
Muqdisho ayaa waxa uu shalay deegaana Deyniile kulan kula yeeshay wasiirada
kala ah Max’ed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow iyo Cismaan Caato, iyadoo
kulankaani uu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa Guddoomiyuhu uga
warbixiyay heshiiskii ay Cadan ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka,
wuxuuna sheegay in kulankaasi uu ahaa mid lagu soo afjarayay khilaafka u
dhexeeyay Dowladda, wuxuuna u soo jeediyay Wasiiradaasi in ay gacan ku
siiyaan heshiiskaasi. Inkastoo loo diiday kulankaasi Saxaafadda haddana
warar ku dhow dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay sheegeen in
Guddoomiyuhu u faro marnaan kala soo laabtay Kulankaasi. Warar ayaa waxay
sheegayaan in Wasiiradaasi ay Guddoomiyaha ku eedeeyeen in uusan wax
wargelin ah soo siin markii uu u ambabaxay Cadan oo heshiiska kula soo
galayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna sheegeen in heshiiskaasi
uu ahaa mid uu keligii ku ahaa Guddoomiyuhu. Maanta ayaa la filayaa in mar
kale ay isugu yimaadaan kulan kale Guddoomiyaha iyo saddexda Wasiir, iyadoo
Guddoomiyaha lagu waramay in ay ku adkaan doonto in uu Wasiirada ka
dhaadhiciyo natiijadii ka soo baxday heshiiskii Cadan oo ay si weyn u soo
dhaweeyeen xubanah labada Gole ee iyana u sugna Magaalada Muqdisho,
Guddoomiyaha mar la wareystay waxa uu sheegay in uu dadaal dheer u geli
doono sidii uu Wasiirada uga dhaadhicin lahaa heshiiskaasi uu sheegay in aan
cid gaar ah lagu xumeyneyn. Maanta ahaddii uu Guddoomiyuhu waji gabax kala
soo kulmo Kulanka Wasiirada hubeysan waxaa imaan kara in heshiiskii Cadan uu
fashil ku yimaado.
Gawaari rasaas ka soo qaaday Itoobiya oo la kulmey
Dagaal…
Gawaari tiradoodu gaareyso
12 oo 7-ba ka mid ah ay tahay Xamul inta kalena ay ahaayeen Tikniko hub ka
soo qaaday dalka Itoobiya gaar ahaan xuduuda Gobalka Hiiraan uu la leeyahay
dalkaasi, ayaa mar ay marayaan meel ku dhow Magaalada Baladweyne waxa ay la
kulmeen iska hor imaad kaddib markii ay jidka u galeen kooxo maleeshiyo ah.
Isku hor imaadkaan oo
socday mudo dhowr daqiiqo ah ayaa waxaa ku dhintay labo qof, saddex kalena
way ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah, iyadoo markii uu dhacay iska hor
imaadkaasi ay kooxdii waday hubka ay qaylo-dhaan u dirsadeen dhinaca Jowhar
waxaana soo gaaray dhowr tikniko ah oo kale kuwaas oo si tartiib ah u soo
gudbiyay hubkaasi.
Hubkaas oo haatan la soo
gaarsiiyay Magaalada Jowar ayaa waxaa shalay si aad ah uga xumaaday
imaanshihiisa xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo iyagu
sheegay in uu wiiqayo heshiiskii Cadan ay ku wada yeesheen Guddoomiyaha
Baar-lamaanka iyo Madaxweynaha, ma ahan markii ugu horeysay ee hub laga
keenay dalka Itoobiya uu soo gaaro kooxaha Soomaaliyeed, bishii juun ee
sanadkii hore ayay ahayd markii hub laga keenay dalka Itoobiya uu soo gaaray
Hogaamiyaasha kooxaha Soomaaliyeed.
Gaari ku socday Cabudwaaq oo dadkii saarnaa lagu xasuuqey
mar ay ay marayeen …
Wararka ka imaanaya
Magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in afar qof ay dhimatay kaddib markii
gaari ay saarnaayeen kuna sii jeeday degmada CAbudwaaq lagu rasaaseeyay
gudaha Magaalada Gaalkacyo.
Gaarigaan waxaa rasaaseeyay
kooxo maleeshiyo ah oo ka soo jeeda Maamulka Puntland, ilaa iyo haddana lama
garanayo sababihii loo rasaaseeyay gaarigaasi, hase yeeshee warar ayaa waxay
sheegayaan aano qabiil oo maalmahan u dhexeeyay beelo wada dega dhinaca
deegaanka Cabudwaaq gaar ahaan dalka Itobiya.
Maamulka Puntland ayaa waxa
uu sheegay in aad uga xumaaday falkaasi, waxaa kalloo uu sheegay in lagu
raadjoogo kooxihii ka dambeeyay falkaasi xasuuqa ah.
Wasaarada Caafimaadka oo soo dhaweysya dhismaha ururka Sheybaariistayaasha…
Waxaa
maalintii shalay ahayd Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho ka dhacday
xaflad aad u sareysa oo lagu caleema saarayay Guddiga ururka Cusub ee
Somalia Labortry technition Assocition waxaana xafladaasi ka hadlay Wasiir
ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cusmaan Maxamuud Dufle oo isagoo sheegay
in wasaaradiisu ay si aad ah u soo dhaweyneyso dhismaha ururka
Farsamayaqaanada Sheybaarka Caafimaadka Soomaaliyeed isago qeexay in ay lama
huraan tahay in Urukan oo kale la sameeyo maadaama baaritaanku uu ayahy
midka ugu muhiimsan qaybaha kala gadisan ee Caafimaadka.
Waxaa kalloo
xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee ururka SOLTA Max’ed Cusmaan Axmed
(Bakistaan), waxana uu sheegay in sababaha ururkaan loo aasaasay ay ka mid
yihiin, in la tiro goobo sheybaariistayaasha in la futo tababaro aqooneed oo
kor loogu qaadayo isticmaalka shaybaarka, in la furo sheybaar dhexe oo lagu
baaro cudurada faafa, in la furo xarun lagu baaro cudurka HIV/ AIDS-ka iyo
dib loo furo Machadyadii lagu tababri jiray shaybaariistayaasha, Waxaana
ururkaan guddoomiye ku xigeen ka ah Xasan Suleymaan Max’ed, Cali Baashi
Shiikh Xuseen Xoghaye, Nadiifo Max’ed Xasan hanti dhowr guud, Maxamuud
Xiirey Aadan Agaasimaha lacagta, Nuur Maxamuud Maalin gaasimaha Gobalada iyo
xubnaha kala ah sheikh Doon Diini Maalin, Ibraahim Negeeye Cali, Shariif
Aadan Macali, Yuusuf Cabdule Joodax iyo Dr. Waceys.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
|