Bashiir
Raage iyo Abuukar Cumar Caddaan oo u hogaansamay
hadalkii C/llaahi Yuusuf Axmed..
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Magaalada Muqdisho oo
ah Caasimadda Soomaaliya waxaa 15-kii sano oo ay
socdeen dagaalada Sokeeye waxaa ka dhacay dagaalo
soo noq noqday oo xoogoodu ay ku dhinteen dad rayid
ah oo aan waxba galabsan, kuwo fara badana ay ku
dhawacmeen.
Marka lagu dhex
dagaalamo dadka Rayidka ah waxaa dagaalkaas uu
keenaa dhimasho, dhaawac iyo barakac oo intiisa
badan ku dhaca dadka rayidka ah, Marka aan dib u
qooraansano dagaalkii dhex maray Cali Mahdi iyo
Caydiid, Madaafiicdii habowga ahayd waxay inta badan
ay ku habsanayeen dad rayid ah oo guryahooda iska
dhex joogay, sidoo kale Madaafiicdaasi waxa ay
galaafteen qoysas fara badan oo iyana madaafiicdu
ugu tagtay guriyahooda, waagaas waxay indhaheygu
qabteen qoys ka koobnaa lix qofood oo madfac ku
habsaday dhamaantoodna halkaas ku geeryooday.
Sidoo kale dagaalkii
dhex maray Caydiid iyo Cismaan Caato ayaa iyana
Madaafiicdii la is weydaarsanayay waxaa inta badan
ku baaba’ayay dadka rayidka ah, waxaana waqtigaas
indhaheygu qabteen madafac la soo riday oo ku
habsaday qoys ka koobaa sagaal qof oo ay ka
badbaaday keliya Hooyadiii qoyska oo iyana labada
lugood ka go’day, waa naxdin iyo anfariir ay ummaddu
soo martay oo qofkii ka sheegeeyaa uu aad u
murugoonayo.
Dagaaladii xooga lahaa
ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid
ahaa kii dhex maray Muuse Suudi iyo Cumar Finish,
iyadoo madaafiicdii ay is weydaarsanayeen labada
dhinac waxa uu ku habsaday qoys ka mid ahaa dadka
soo barakacay oo iyagu soo magansaday Magaalada
Muqdisho kana koobnaa 11-qofood ayaa waxaa ka haray
Gabar shan sano jir ahayd oo magaceeda la oran jiray
Sahro Cusmaan, waxaana gabadhaan aakhiritaankii
kafaala qaaday nin Sucuudiyaan ah, sidoo kale
dagaaladii iyana soo noq noqday kana dhacay
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay dad fara
badan oo rayid ah, qaarkood iyagoo qaxaya xitaa oo
gaarigii ay saarnaayeen uu madfac la tagay halkaas
oo ay kuwada baaba’een.
Qabqablayaasha
dagaalka ee waqtigaasi haddii la weydiiyo sababaha
ay ugu dhex dagaalamayaan bulshada rayidka ah, waxay
u muuqdeen kuwo aan u jeedin masaakiinta le’eneysa,
waxana uuna mid walba midka kale ku eedeenayay in
isagu sabab u yahay in bulshada dhexdeeda lagu
dagaalayo.
Dhawaan ayaa
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf mar
uu ka hadlay dagaalada ka dhaca Magaalada Muqdisho
oo ay ku dhintaan dadka rayidka ah ayaa waxa uu yiri
“Hawiyaha kama waantoobo miyaa in ay ku dhex
dagaalanka Bulshada Masaakiinta ah, anagu markaan
dagaalamaneyo bannaanka ayaan iskula baxnaa, fiiri
dagaaladii ka dhacay Puntland intooda badani waxay
ka dhaceen meelo ka baxsan Magaalooyinka si ay ugu
danqano dadka rayidka ah”, warka C/llaahi ka soo
yeeray waxa uu ku soo beegmay xili markii ay socdeen
dagaaladii ka dhacay Boondheere dhawaan, waqtigaas
oo uu Madaxweynuhu baaq u jeedinayay dadka
dagaalamaya.
Haddaba maalintii
doraad ahayd waxaa duleedka Magaalada Muqdisho uu
dagaal ku dhex maray maleeshiyooyin kala taageersan
Barshiir Raage iyo Abuukar Cumar Caddaan dagaalkaan
oo lagu adeegsaday hubka fudud iyo midka Culus ayaa
waxaa dadka qaarkii ay tilmaameen haddii uu ka dhici
lahaa Magaalada Dhexdeeda in uu dad fara badan
halaagi lahaa.
Dagaalkaani oo ka
duwanaa kuwii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho,
maadaama uu ka dhacay meel ka baxsan Magaalada ayaa
dadka qaarkii waxay ku micneeyeen in labada
Ganacsade ay wax ka fahmeen hadalkii C/llaahi Yuusuf
Axmed ee ahaa “Hogaamiyaasha Hawiye waxay ku kor
dagaalamaan Bulshada rayidka ah”,
Haddaba arrinta ay
bilaabeen Bashiir Raage iyo Abuukar Caddaani, ma
laga yaabaa in ay ku daydaan ragga kale gaar ahaan
kuwa u heelan in ay ku dagaalamaan bulshada
dhexdeeda, ilaa iyo haddana ma cadda sababaha ay
bulshada ugu dhex dagaalamaan raggaasi, ma waxay ka
tahay tababar yari si ay ugu gambadaan xaafadaha
dhexdooda mise waa u caado, Dhaqanka Soomaalida,
xitaa Raggaani ma aysan fulin, waagii hore marka
laba qof ay is maagaan waxaa la isugu keeni jirey
meel la yiraahdo Kala Reebto, halkaas ayayana ku
kala bixi jireen oo dhibtaadoodu ma soo gaari jirin
bulshada inteeda badan, xitaa reer Magaalku dhaqan
ayay lahaayeen oo labadii qof ee is maaga waxay is
oran jireen “na keen Luuqa”.
Isku soo wada duuboo
ragga is doonaya waa in ay isugu baxaan Kala
Reebtada si ay bulshada dagaalkoodana kor uga
daawato oo aysan soo gaarin waxyeeladooda, bulshada
waxaa la gudboon in ay iska jiraan kuwa Karfantooda
tolaya.
W/D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 15, 2006
Xaggee Mareysaa
Cayaartii xiisaha badneyd ee Jowhar iyo Muqdisho:
Qaybtii 13aad -Qore: Amiin Yuusuf Guji...