SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Ururka SCG oo ka dooday halka shirka Baarlamaanka DFKMG ah uu ka dhici doono.

14/01/06 – London. 

Ururka Somali Concern Group oo xalay yeeshay kulan ballaaran oo looga doodayo sida ay suuro gal ku noqon karto in Baarlamaanka Soomaaliyeed uu kulmo. SCG isagoo dareensan masuuliyada ka saaran wadankeena hooyo ayaa la isla gartay in la soo gudbiyo aragtida ku aadan sidii loo taabbo gelin lahaa heshiiskii dhowaan ka dhacay dalka Yemen iyo sida lagu suuro gelin karo in shirka baarlamaanka uu ku qabsoomo mudada la cayimay (30 maalmood).

Dood dheer ka dib ayaa la isla falanqeeyey goobta ugu habboon ee uu kulanku ka dhici karo iyadoo la tixgeliyey goobaha ay ka midka yihiin Kismayo, Baydhabo, Jowhar, Boosaaso iyo Muqdisho. Doodada waxaa kaloo ku jirtay oo la falanqeeyey sababaha ay labada mas’uul aysan u carabaabin magaalada lagu kulmi karo, taasoo dhalisay su’aalo badan, ha yeeshee loo qaatay inay diyaar u wada yihiin in goobtii la isla garto lagu kulmo. 

Dooddu waxay ahayed mid aad u xiiso badan ha yeeshee arrimaha lagu sameeyey qiimeynta ayaa kala ahaa:  

  • ·        In Baarlamaanku kulmo sida ugu dhaqsiyaha badan si howsha DFKMG ah u qabsoonto, loogana baxo khilaafka.
  • ·        In aan waqti kale lagu dhumin guuris iyo degis cusub, bacdamaa waqtiga la qabtay uu aad u yaryahay;
  • ·        In la tix geliyo qarashka guurida cusub iyo inaysan jirin qorshe dhaqaale oo hadda la hayo;
  • ·        In ay haboon tahay in aan dowladda loo arkin mid maalin walba meel cusub degto, oo waqtiga looga faa’iideysto habsami u socodka DFKMG ah.
  • ·        In tixgelin buuxda la siiyo Caasimadda Muqdisho bacdamaa dastuurka lagu qeexay;
  • ·        In aan la degin deegaamo dhalin kara colaado cusub siina kala qeybiya dowladda;
  • ·        In Muqdisho xalkeeda loo arko in uu yahay xal qaran oo DFKMG ah laga rabo sidii ammaanka loo soo celin lahaa, iyadoo la kaashanayo shacabka soomaaliyeed;
  • ·        In dowladdu muujiso mas’uuliyad iyo rabitaan sidii loo xalin lahaa khilaafaadka jira iyadoo xoogga saareysa in ay marka hore dhexdeeda heshiis gaarto.
  • ·        In shacabka laga qeyb geliyo dowladda oo ay noqoto mid shacabku leeyahay, balse aan laga dhigin mid ay leeyihiin 275 xubnood oo keliya.
  • ·        In madaxda sare ay muujiyaan xilkasnimo iyo qaran jaceyl si dadweynaha ugu daydo.

Iyadoo laga duulayo arrimaha kor ku xusan, dareensana culeyska ay leeyihiin ayaa ururka SCG ku taliyey in magaalooyinkaan sida ay u kala horeyaan loo kala xusho.Iyadoo saldhig looga dhigayo AMMAANKA, KHARASHKA, KA FOGAANSHAHA CURIN COLAAD CUSUB, U DHAWAANSHAHA TASHIILAADKA IYO TIXGELIN LA SIIYO GOOBAHA NABADEYSAN EE HOWSHA LAGU SII SOCODSIIN KARO.

  • 1 – Jowhar
  • 1 – Boosaaso
  • 3 – Muqdisho
  • 4 – Kismayo
  • 5 - Baydhabo

Sababta Jowhar loo siiyey tixgelinta koowaad ayaa ah maadama ay dowlada hadda ka howl gasho Jowhar, ammaankeedana fiican yahay, isla markaana xiriir caalami ah uu bilowday, waxaa nala haboon in dowladu sii deggenaato isla markaana Barlamaanku ku shiri karo sida heshiisku dhigayo muddo 30 cisho gudahood.

 Sidoo kale tan iyo markii uu dhammaaday shirkii Mbagathi waxaa la hadal hayay halkii ay dowlada degi laheyd iyo halkii Baarlamaanku ku shiri lahaa. Waxaa la soo jeediyey in aan dowlada mar kale la rarin inta ay caasimadda u guureyso, isla markaana waqti kale lagu dhumin guuris cusub iyo diyaarinta xarun cusub.  

Sidoo kale waxaa haboon in aan is xusuusino in ay adagtahay in dhaqaale loo helo rarista dowladda ee xarun cusub. Dhaqaalihii la helaana ay u baahanyihiin dadka Soomaliyeed. Haddaba, ururka SCG waxuu ku talineynaa in dowladda loo daayo in ay Jowhar sii deggenaato oo aan loo rarin xarun cusub inta caasimadda laga diyaarinayo. Raritaan cusub ayaa keeni kara in dowladdu u sii kala jabto wax ka badan saddex garab.

Mahadsanidiin, 

Somali Concern Group (SCG)

www.somaliconcern.org

Somali@somaliconcern.org  

Afeef: Aragtida Qormadan waxaa waxaa leh ururka ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2006


Mudane Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Heshiiskii Cadan
Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG oo Hotel Grand Regency qado ugu sameeyey 33 xildhibaan ayaa sheegay in... Guji...

Magacyada Qaar Kamid ah dadkii Soomaaliyeed ee ku Geeriyoodey Xajka...
»
Galgalato: Dagaal u dhaxeeya Laba Ganacsade....
»Wasiirada hubeysan ee Muqdisho oo marti qaad helay.
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ku soo fool leh Nairobi..
»Shariif Xasan iyo Max’ed Dheere oo kulan yeeshay...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Jan 14