Halkee
Mareysaa Ciyaartii Xiisaha
badneyd Muqdisho iyo Jowhar
?
Qaybtii 5 aad

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Ciyaaryahan
Geeddi ayaa waxa uu soo xiray
line aad loogu riyaaqay oo ah in
kooxda Muqdisho laga joojiyo
Duulimaadyada diyaaradaha ee ay
isticmaalaan ciyaartoyda kooxda
ee ay safarrada ugu kicitamaan
marka ay ka qayb galayaan
tartammada Heerka Qaaradeed,
heer Caalami iyo heer Gobol,
inkastoo Cali Max’ed Geeddi uu
isagu daaha ka qaaday in gebi
ahaanba la xiray garoommada
ciyaartoyda kooxda Muqdisho ee
Dayniile iyo Ceel Axmed, haddana
mid ka mid ah Difaacyada ugu ad-adag
kooxda Muqdisho oo aan si sahal
ah lagu mari Karin, laguna
magacaabo ciyaaryahan Qanyare
ayaa dowladda Kenya waxa uu ka
dalbaday in ay arrintaasi ka
hadasho, waxaana warkan
xiritaanka garoommada Ceel Axmed
iyo Dayniile uu ahaa
dharbaaxadii ugu xumeyd ee soo
gaarta kooxda, inkastoo
duulimaadyadii diyaaradaha ay
weli sidoodii u shaqeynayaan.
Ciyaaryahan Geeddi
ayaa ka soo degay garoonka
Diyaaradaha ee Jowhar isagoo
wehliyaan ciyaartooy u ciyaari
jirey kooxda Muqdisho, markii la
arkay ayaa sacab iyo sawaxan
cirka isku shareeray “Qac…..Qac….Qac”,
taageerayaashii kooxda Jowhar oo
albaabka diyaaradda indhaha ku
hayay ayaa waxay is weydiinayeen
“War aawaya ciyaartoyda uu
ciyaaryahan Geeddi sheegayo wax
soo degaya ma aragnee!?”, mar
dambe ayaa diyaaraddii waxaa ka
soo degtay Dhaqtarad Qamar Aadan
Cali iyo ciyaaryahan Cali Baashi
iyo ciyaartooy kale, Saxaafadda
ayaa markiiba ku soo xoontay
ciyaaryahan Cali Maxamed Geeddi,
su’aashii ugu horreysay ee ay
weydiiyeenna waxay ahayd
“Ciyaartoydii aad ku hanjabaysay
ma kuwan baa?”, inta qoslay ayuu
wuxuu yiri “Gadaal ayay ka imaan
doonaaan oo wax badan ayaan ka
war qabaa”, hase yeeshee
taageerayaashii kooxda Jowhar
ayaa hadalladoodii waxaa ka mid
ahaa “Wallaahi lacagtii loogu
dhiibay ciyaaryahan Geeddi in uu
ciyaartooy cusub naadiga ugu soo
iibiyo ma uusan ku soo gadin,
wuxuuba keensaday ciyaartooy
muddo kursiga keydka kooxda
Muqdisho ku jirtay”, mid kale oo
taageerayaasha ka mid ah ayaa
waxa uu yiri “Weliba wuxuu
keenay ciyaartooy ay ka
kaaftoontay kooxda Muqdisho,
magac saa u sii dheerna aan
lahayn”.
Ciyaaryahan Muuse
Suudi ayaa hadba dhinac u
cararaya, wuxuuna ku hayaa “War
waa nalaga adkaan rabaaye maan
kubadda si fiican u ciyaarno oo
aan iska dhaafno caajiska iyo
kubadaha la isku hallaynayo”,
waxaana mararka qaarkood uu
taleefoon kula xiriirayaa
ciyaaryahan Qanyare oo uu ku
oranayo “Waa in aan abaabul
sameynaa oo labadeenana hantida
jeebkeenna aan ku raadinnaa
ciyaarooy cusub, maadaama aan
nahay raggii kooxda ugu fir-fircoonaa”,
wuxuuna xusay in kooxdu ka
cabanayso qalab la’aan iyo
weliba tababare la’aan.
Kooxda Muqdisho
waxaa si lama filaan ah uga
tegay ciyaaryahan hadda ka hor
gool u dhaliyey kooxda Muqdisho,
goolkaasi oo ahaa kii (Liibiya)
oo lagu magacaabo Ciyaaaryahan Cismnaan
Cilmi Boqorre oo isagu qiimo
jaban oo aan u qalmi ay kula
wareegtay kooxda Jowhar, markii
uu ka soo degay garoonka
diyaaradaha Jowhar
taageerayaashu soo dhoweyn
sidaasi u buuran uma aysan
samayn, maadaama uu hadda ka hor
ka dhaliyey goolkii (Liibiya).
,Ka tegista ciyaaryahan Boqorre
waxay naxdin ku abuurtay kooxda
Muqdisho oo waxaa ka soo haray
af kala taag iyo amakaag,
waxayna ciyaartoyda qaarkood oo
deggan Hotel Saxafi
International ku dhawaaqayeen
“War ciyaaryahan Cismaan maxaa
ku dhacay?”, mid kale ayaa
hadalkii qaatay, wuxuuna yiri
“wuxuu ka careysnaa tababare
la’aanta kooxda iyo mushaar
dhimis lagu sameeyey, maadaama
dhaqaalihii naadiga uu hoos u
dhac ku yimid”, waxaa hadalkii
qaatay ciyaaryahan saddexaad,
wuxuuna yiri “War kuleyl iyo
qabow naguma hayo
ciyaaryahankaasi, haddii aan
weli haysanno ciyaartoydeenna
lafdhabarta ee Muuse iyo Qanyare”.
Kooxda Muqdisho waxay
qaban-qaabo iyo qal-qaallo ugu
jiraan sidii ay kooxda ugu soo
biirin lahaayeen ciyaaryahan
lagu magacaaabo Maxamed Siciid
Xirsi Moorgan, inkastoo dhinaca
farsamada kala taliyo kooxda
Muqdisho, haddana dhowr jeer
ayaa loo bandhigaya in uu
ciyaaro oo ku soo biiro
ciyaartoyda kooxda, hase yeeshee
waxa uu soo qaadatay halheyskii
Goronyada ee ahayd “Haddii
ciyaartu wanaagsanaato lug,
haddii ay xumaatana ka noqsaday!”,
waa ciyaaryahan laba labaynaya
oo shakinaya, hase yeeshee waa
ciyaarayahan ay ku keydsan tahay
farsamooyin fara badan oo guul u
horseedi karta kooxda
Muqdisho.waa socotaa
QAYBIHII HORE EE
MAQAALKAN KA AKHRI....
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
.
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11,
2005
Injineer
Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed
Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada
Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la
diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah...
ka akhri..
HALKAN... GUJI... Nov 7