Shakhsiyadda dhabta ah ee Yuusuf Garaadka BBCda
Nin la yiraahdo Abshir baa maqaal uu ku hujuumayo shaqaalaha BBCda kuna
ammaanayo Yuusuf garaadka BBCda baa waxaa lagu soo qoray Internetka, runtii dadka difaacaya oo uu Abshirkaasi ka mid yahay waxay doonayaan
in ay u caleemo saaraaan Yuusuf garaadka kana dhigaan in uu yahay aqoonyahan
iyo caalim,Abshir iyo kuwa la fekerka ahow la idinka siisan maayo in aad
nagu sandullaysaan in Yuusuf Garaad uu yahay aqoonyahan,aqoonyahanada iska
daayoo caamada ayaan aqbalaynin.
Qoridda maqaalka Abshirow ma’ahan wax sahlan,haddii aad adiga iyo walaalkaa
Yuusuf aad ka fog tihiin qoraalka,taa micniheedu ma’ahan qoraalka qof kastaa
xarxariiqi kara balse waxaan ku leeyahay qof kastaa hadli kara Soomaaliduna
waxaaba lagu tiriyaa in ay yihiin dad oral tradition ah.
Aqoonyahan haddii aad u taqaano in walaalkaa Yuusuf Garaad uu aqoonyahan
yahay una taqaano aqoonyahanku qofka af Ingiriis ama afaf kale yaqaana waa
aragti gaaban,taasoo aniga qudheydu sidaas u haystay,laakiin markii an
dibedda wax ku bartay ayaan ogaaday in falsafaddaasi ay tahay mid
khaldan,haddii aad u kuur gashid waddamada horumaray wuxuu qof kasta yaqaana
oo loo tababaray shaqada uu qabanayo,sow ma maqal in culumada aqoonta
islaamka ku xeel dheer lana soo daliilsado badigood in aysan ka soo bixin
jaamacad,sow ma maqal aqoonyahanada soo saaray waxa aynu maanta ku
raaxaysanayno in ay soo saareen kuwo aan jaamiciyiin ahayn,sow ma maqal in
aqoonyahanka weyn ee Cabbaas Maxamuud Al-Caqaaddi uusan jaamacad ka soo
bicin haddana culuuntiisa laga dhigo jaamacadah Masar,sow ma maqal kuwii
kulliyaddii saxaafadda iyo Gahayr ka soo qalin jebiya markii ay Yurub
yimaadeen la qiimayn waayay shahaaddooyinkooda,sow kuma arag ama kuma maqal
in waddamada horumartay qof kasta lagu howlgeliyo waxa uu yaqaano,Yuusufka
Garaadka aad aqoonyahanka u haysatana in uusan soo baran Radio and Tv
programme,soona baran mass communication,soona baran journalism
hayeeshee,soona baran wax mediaha ku shaqo leh, hayeeshee kuwii imtixaanka
qaadayay ee BBCda waxay shardi uga dhigeen in qofku uu af Ingiriis yaqaano
idaacadna ka soo shaqeeyay markaas baa dad badan oo weriyeyaashii Radio
Mogadishu u loolamay sidii ay shaqo uga heli lahaayeen BBCda waqtiga looga
lumiyay Soomaalida.
Abshirow yuusan emotion ku qaadin,aqoontuna ma'ahan sida aad u malayso
dhaxal balse waa akhris iyo dadaal iyo waxbarasho iyo xeeldheeri,haddii aad
Yuusufka Garaadka si fiican u taqaanid oo magaciisa afaraad iyo qabiilkiisa
aad garanayso waxaanu ku leenahay si miyir leh oo Soomaalinimo ku dheehan
tahay inala dood,lagumana weydiin in aad dadka barto magaciisa afaraad iyo
qabiilkiisa, ma’ahan in aad ummadda Soomaaliyeed aad seefta saarid hubsiino
la'aan ee aad tiraahdid cadh yaa oran kara Yuusuf Garaad ma’ahan
aqoonyahan,Al-Xajaaj bin Yuusuf baa oran jiray cadh yaa i oran kara Allah ka
baq,qofkii i yiraahdana seefta ayaan saaraya.
Jagooyinka aad u abuurtay walaalkaa Yuusuf Garaad una caleemo saartay in uu
aqoonyahankaaga yahay waa kuwo aan waxba ka jirin balse waxaad doonaysa
sidii aan horayba u sheegay in aad ummadda ku cabsiiso in Yuusuf Garaad laga
baqo,taasina wey dhammaatay oo dadkii wey ka baxeen jahligii,taai iska
daayee xataa dadku waxay ogaadeen qofkii laba aayadood iyo labo xadiis
sheegaba in aan lala boodayn in uu yahay sheekh weyn,cilmigii waa la bartay
diintana waa la bartay qof la marin habaabi karaana ma jidho taasi ogow
walaalkey Abshirow ama ha ogaan.
Waxaan la amakaagay oo dad badan ila yaabeen in afarti luqadood ee aad ku
sheegtay in walaalkaa uu yaqaano aad maantana ugu dartay labo luqadood oo
kala ah German iyo Carabi beritona waxaa dhici karta in aad labo kale ugu
dartid oo aad tiraahdo Sawaaxili iyo Amxaarana wuu yaqaana, markaana aad u
quuri weydo aqoonyahanee aad ku tiraahdo waa Filosoof,waxaanan garanayn in
ay adiga dhab kuu tahay,qisadan,bal ila eeg:gabar Soomaaliyeed baa ku
dhalatay waqooyi bari Kenya oo waxay taqaanay afka Sawaaxiliga,waxay timid
Yemen waxay baratay lahjadii Yemen,waxay soo gashay Sweden waxayna baratay
afkii Swedish,waxay u sii guurtay Canada waxayna ku baratay afka
Ingiriiska,Abshirow gabadhaasi ma aqoonyahanbaa HAA haddii loo eego aragtida
walaakey Abshir, waxaa jiray kuwo ka shaqaynaayay Taliyaaniga dabadeena
waxay u gureen Canada,waxayna barteen afafka Talyaaniga iyo
Ingiriiska,kuwaasi ma aqoonyahan baa HAA haddii loo eego aragtida walaakey
Abshir,aqoonta iyo barashada afafka waa kala arrin dab iyo dhagax layskuma
dhuftee kala dhowr Abshirow,emotion dartiina carro ha u geddinin waxna ha u
qasin.
Waxaa arrin lala argaggaxo ah in markii lagu yiri Yuusuf Garaad lama arko
wax uu qoro waxaad ku jawaabtay wax lala qoslo oo waxaad tiri wuxuu wax ku
qoraayay xiddgtii oktoobar ee Soomaaliya oo dadka lagu marin
habaabinaayay,marka hore taasi waa been walaalkaa wuxuu ka shaqaynaayay
Radio Mogadishow si part time ah isagoo baryo ugu jiray sidii loo joogtayn
lahaa,xataa haddii ay run tahay runba ma'hee oo uu wax ku soo qori jiray
xiddigtii oktoobat oo ahayd jariiddada adduunka middii ugu liidatay waxaana
lagu soo qoraayay oo keliya wixii ay dawladdii diktatoorkii Siyaad raalli ka
ahayd, qofkuna xor uma ahayn qalinkiisa,xataa haddii ay run tahay ma waxaad
i leedahay 15 sano ka hor buu wax qoraayay,waxaad ogaataa qoraaga runta ahi
waa la saaxiib qoraalka haddii ay dhab tahay in 15 sano ka hor uu wax qori
jiray haddana wax buu qori lahaa,aabbahay Geel buu lahaa lagaa siisan maayo
imminka ayaan Geel leeyahay baa lagaa dhegaysanaya.
Waxaa nasiib xumo ah in dadkii la shaqaynaayay Yuusf Garadkaaga aad
aflagaaddayso sabab la’aan,ha illoobin Cawke codkiisa macaan iyo asluub u
hadalkiisa waxay keentay in shacabka Soomaaliyeed uu baro markii uu
akhrinaayay faallooyinkii uu samayn jiray rug caddaaga Cabdi Idriis
Ducaale,in Cawke ahaa kii codkiisa iyo asluubtiisa ku baraarujin jiray
shacabka Soomaaliyeed wuxuuna bari jiray in Itoobiya ay tahay cadowga
shacabka Soomaaliyeed,ilaa ay Itoobiya olole u gashay sidii ay uga hortegi
lahayd faalladaa uu cawke akhrinaayay,walaalkey Abshir wuxuusan garanayn in
Ducaale iyo dalmar iyo Haydara iyo Cabdi Nuur sheekh Maxamed Isaaq iyo Aden
Nuux Dhuule ay awood u lahaayeen in wararka Soomaaliga ay si toos ah uga
akhrin jireen afka Ingiriiska,Studiyaha waxay la geli jireen wararka oo ku
qoran af Ingiriis si life ahina bay uga akhrin jireen Soomaaliga taasi
waxaan ula jeedaa dadka qaarkii lama mid ahayn oo marka hore wararka soo
turjumanaayay dabadeena ku akhrin jiray Soomaaliga,iyadoo ay sidaa tahay
dadkaasi rug caddaaga ah lama oran karo waa aqoonyahano,kaba soo qaad haddii
Abshir walaalkiisa Yuusuf Garaad uu sidaasoo kale samayn lahan ma laha
wuxuuba oran lahaa Yuusuf caalim waana callaama.
waxaan rajeynayaa in walaalkey Abshir uusan ku marin habaabin qaado ama ha
qaadin Cabdiqaasim waa Ra'iiskayaga (oo maalkii shacabka guri kaga gatay
Qaahira iyo Ingiriis) uusana oran Indho cadde waa sheekhayaga (oo dad
maalkooda iyo dhulkooda xoog ku haysta)uusana oran Yuusuf Garaad waa
aqoonyahankeena,(kaasoo qabiil ka dhigay BBCda Soomaalida lagu
jahawareeriyay.
Ali Geedi
iftiimin@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan
Faafin: Somalitalk.com |
June 23, 2005
Ma
adaaba yaqaanna Mudane Yuusuf-Garaad!
"....rag badan oo (qoraaga)
Ali Geedi u yaqaano maanta inay yihiin weriyeyaal faraha
looga gubtay, laakiin sida runta ah ragaasi waa kuwii
dugsiyada sare soo dhameeyey sida Cowke ee lagu qaatay
codkooda ee aan lagu qaadan aqoontooda, dadka kale ee laanta
laga maqlo sida Saciid Cali Muuse, Cabdi Nuur Sheekh Maxamed,
C/laahi Xaaji, Aadan Dhuux Dhuule iyo kuwa kale dhammaantood
rag baan ka bixin dugsi sare iskaba daa jaamicade..... (halka)
Yuusuf Garaad wuxuu hada ku dhex jiraa diyaarinta shahaado
kale...."
Abshir Axmed