SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ONLF

JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGAADEENYA (JWXO-ONLF)

18-07-05
Ref: ONLF/FRB/PR/02-18/07/05

Hoggaanka arrimaha Dibedda
Bayaan Siyaasi ah

Khilaafka u dhexeeya soomaalida Ogaadeeniya ee ay jwxo hoggaaminayso iyo xukuumadda Itobiya waa mid siyaasadeed(political conflict)oo soo jiray muddo qarni ku siman, kaasoo leh xididdo taariikheed oo ku aroora xilligii ay Yurub hab gumaysi ah ku qaybsatay kuna qabsatay guud ahaan qaaradda Afrika gaar ahaan Geeska Afrika oo dalka Ogadenia ka mid yahay. Khilaafka Ogadenia oo ka dhaliyay Geeska Afrika dagaalo waaweyn 1964 iyo 1977, wuxuu halis galiyey nabada Aduunka kaas oo sababay in xooggaga-waaweyn isku hardiyaan gobolka Geeska Afrika 1977. Sidaa darteed Qadiyadda Ogadenia waa mid ka gudo wayn dastuurka dawladda Itoobiya maanta u yaalla.

Jabhadda Wadaniga ah ee xoraynta Ogaadeniya waxay mabda’ ahaan rumaysan tahay in habka wadaxaajoodka nabadeed uu yahay wadiiqaha ugu maangalsan uguna habboon ee khilaafkaas xal caadil ah oo waara loogu heli karayo, kaaso la hubo inuu dan u yahay dhinacyada iska soo horjeeda.

JWXO oo dhawr jeer oo hore isku dáyday inay wadaxaajood nabadeed xukuumadda Ethiopia la bilawdo hase yeeshee ku hongoowday, hadana mar kale waxay soo dhowaynaysaa wada xaajood dhexmara iyada iyo dawlada Itoobiya,ka dib markay baaqa ka soo yeeray ra’isul wasaaraha Itoobiya ee warbaahinta BBCda laga siidaayay 16kii iyo 17kii yuulyo 2005ta, waxayna mar kale dunida u cadeynaysaa:

1.Inay JWXO diyaar u tahay ka qayb galka wada hadal qadiyadda Ogadenia loogu raadinhayo xal caadil ah oo waara, kaaso lagu qabto dal dhexdhexaad ah,haýad dhexdhexaad oo leh aqoonsi caalami ahina ay goob jooge ka noqoto,

2.Inuuna dhinacna shuruud hordhac ah ku xidhin wada hadlka oo labada dhinacba ay wada hadalka daacad ka noqdaan lana yimaadaan geesinimada lagama maarmaanka ah,

3.Inay cadaaladda iyo isxurmayntu yihiin furaha nabadda,xasiloonida iyo horumarka

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya
onlfpress@onlf.org
--
Ogaden National Liberation Front (O.N.L.F)

onlfpress@onlf.org

ENGLISH VERSION....


Ref: ONLF/FRB/PR/01-18/07/05

18 July 2005
Foreign relations Bureau
Press Release

In response to yesterday’s statement by the Ethiopian government, ONLF makes the following declaration of good intent:

1.ONLF is ready to engage in negotiations with the Ethiopian Government in order to find a just and lasting solution to the conflict between the people of the Ogaden and Ethiopian regime if such talks are conducted in a neutral country. It is also vital that an internationally recognised entity is present to moderate the process.

2. That both parties show that they are genuine in their intentions and are committed to the negotiations without putting forward any preconditions which may hinder or stall the process.

3.That both parties recognise that justice, including respect for human rights, and mutual respect are the key to a lasting solution, peace, stability and development.

Background

The struggle of the people of the Ogaden led by Ogaden National Liberation Front (ONLF) against the Ethiopian Government is a political conflict that has existed for more than a century. Its historical basis has roots in the scramble for Africa. Ethiopia was a party to the colonisation process along with other European imperial powers, especially with reference to the Horn of Africa in which the Ogaden territory lies. This conflict has already caused major wars in the Horn of Africa both in 1964 and 1977. In addition, it had almost endangered international peace when the then superpowers confronted each other from issues that arose from the conflict in 1977. Therefore the issues relating to this conflict are broader and more complex than the current Ethiopian constitution attempts to address.

The ONLF believes in principle that peaceful resolution of the conflict through negotiations is the most rational and appropriate way of resolving which could lead to a just and lasting peace between the entities concerned. This approach would benefit all the suffering people of the area...

On several occasions ONLF agreed to enter peace negotiations with Ethiopia, but Ethiopia’s unwillingness to engage in meaningful and genuine negotiations aborted those attempts. Once again, ONLF welcomes the call from the Ethiopian Prime Minister’s Office which was aired on the BBC on the 16th and 17th of July 2005.

The Ogaden National Liberation Front


onlfpress@onlf.org


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD