Barnaamijkii Radio Xoriyo
15 July,2005
======================
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada
gumaysiga Itoobiya
Ciidammada maxaysatada ah ee lagu soo ururiyay dhulka Ogaadeenya ayaa
sidii caadada ahayd mar kale loo gaystay dhaawacyo waaweyn, ka dib
markii ay iyaga iyo cidammada xoreynta Ogaadeenya foodda isku dareen
meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
27/06/05 Gasaangas, oo degmada Fiiq ka tirsan, dagaal mir ah oo ka
dhacay ayaa ciidamada cadowga itoobiya loogu gaystay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
28/06/05 meesha layidhaahdo Simane, oo degmada Fiiq ka
tirsan,
ayaa lagu qaqabtay koox
Dabaqoodhi.kooxdaas ayaa laga qaatay 5 qori, ka dibna la iska sii
daayay.
Dagaal ka dhacay28/06/05 halka lagu magac-aabo Dhanqa, oo ka tirsan
degmada Fiiq, ayaa ciidamada cadowga itoobiya lagaga dilay 1 askari, 1
kalana lagaga dhaawacay.
30/06/05 dagaal ka dhacay Haar-galool, oo ka tirsan degmada Fiiq, ayaa
ciidamada cadowga itoobiya lagaga dilay 6 askari, 4 kalana lagaga
dhaawacay.
03/07/05 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Isdaba-deg, oo ka tirsan
gobolka Jarar, ayaa ciidamada maxaysatada ah lagaga dilay 2 askari,halka
dhaawucuna gaadhay 4 kale.
09/07/05 dagaal mir ah oo lagu qaaday magaalada Dig, ayaa ciidamada
gumaysiga Itoobiya loogu gaystay khasaare badan oon faahfaahintiisa la
haynin. Dagaalkan waxaa ciidammada gumaysiga lagu qaaday xilli habeenimo
ah iyagoo fiilo u taagan.
Dhinaca kale daba-yaaqadii bishii hore waxaa magaalada Haar-dhagax lagu
xidhay labo nin oo rayad ah, kuwaasoo laga qaatay labo qori oo ay
wateen. Ilaa iyo haddana lama garanaya meesha labadaas nin la geeyay,
waxayna kala yihiin:
1-Mubaarag Cabi Xaashi
2-iyo
Nin Xuseen lagu magacaabo oo magiciiso buuxa aanaan haynin.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay sidoo kale 11/07/05 nin rayad ah ku
dileen meesha lagu magacaabo Garwaan, oo ka tirsan gobolka Doollo.
Ninkan waxaa lagu magacaabaa Xayi Gaas Jaamac Marwaas.
Golaha Ammaanka oo Itoobiya ugu baaqay inay aqbasho go’aankii xadka.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xukuumadda Itoobiya ugu baaqay
inay aqbasho go’aankii maxkamadda caalamiga ah ee lagu dhammaynayay
khilaafka xuduudeed ee iyada iyo Eritereya u dhexeeya. Madax sarsare oo
ka tirsan Qaramada midoobay iyo dowlada Eretariya ayaa sanadkan
dhexdiisa marar badan ka digay in colaadu ay sii kordhayso oo laga
yaabo inuu dagaal labaad ka dhex qarxo labada waddan
“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay aad uga walwalayaan inaan wali wax
horumar ah laga samaynin fulinta go’aankii kama denbaysta ahaa ee
fulintiisa lagu qasbanaa, waxayna Itoobiya ka codsanayaan inay
go’aankaas si buuxda u aqbasho”, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo
baxay Golaha Ammaanka.
Heshiiskii xabbad joojinta ee Itoobiya iyo Eritereya isla gaadheen
sannadkii 2000 ayaa dhigayay in labada dhinac ay aqbalaan go’aanka kama
denbaysta ah ee fulintiisa lagu qasban yahay ee ku saabsan meesha uu
marayo xadka labada dal u dhexeeya.
Guddigii caalamiga ahaa ee xallinta khilaafaadka xadku markii uu siiyay
magaalada badme dalka Eritereya ayay Itoobiya diiday inay go’aankaas
aqbasho. Hase yeeshee sannadkii hore ayay xukuumadda Itoobiya haddana
sheegtay inay go’aanka guddiga aqbashay, balse ay doonayso inay marka
hore wadaxaajood la yeelato dawlada Eritereya, arrintaasoo ay Eritereya
diiday.
Xubnaha Golaha Ammaanku waxay kaloo walwal ka muujiyeen dhaqdhaqaaqa
ciidan ee xukuumadda Itoobiya ay ka waddo xadka ay Eritereya la
leedahay, waxayna sheegeen inay ka walwalsan yihiin ciidammada faraha
badan ee Itoobiya ay xadka ku soo uruurisay bishii Disember ee kal
hore.
Booliska Itoobiya oo laba suxufi oo kale xidhay .
Booliska xukuumadda Itoobiya ayaa horraantii toddobaadkan xabsiga u
taxaabay suxufiga lagu magacaabo Fassil Yenalem, oo ah madaxa
tifatirayaasha wargayska Addis Zena. Sida uu sheegay Ururka Suxufiyiinta
Itoobiya waxaa Yenalem maxkamadda la keenayay maalintii talaadada
ahayd.
Booliska xukuumadda Itoobiya wuxuu sidoo kale xabsiga dhigay suxufi kale
oo lagu magac-aabo mare
Aregawi, oo ah madaxa tifatirayaasha iyo soo saaraha wargayska Reporter.
Aregawi waxaa loo xidhay warar uu ka qoray askar 150 ka koobnaa oo
dhawaan gadood sameeyay, isla markaana xoog ku qabsaday jidka ugu wayn
ee soo gala magaalada Addis Ababa, kuwaasoo gadoodkan sameeyay, ka dib
markii mushaarooyinkoodii la siin waayay.
Aregawi ayaa isla
maalintii la qabtayba maxkamad la horkeenay, waxaana markii denbe la sii
daayay, ka dib markii laga qaaday lacag madax furasho oo dhan 500 oo Bir.
Budhcad Itoobiyaan
oo dad ku laayay Kenya.
Ugu yaraan 76 qof
ayaa lagu dilay weerar ay budhcad Itoobiyaan ahi ku soo qaadeen tuulo ku
taalla woqooyiga dalka Kenya.Sida uu cadeeyey booliska dalka Kenya
budhcaddan Itoobiyanka ahi waxay talaadadii soo weerareen tuulada Turbi
oo ku taalla woqooyiga Kenya, waxayna dileen 76 qof oo rayad ah oo 22 ka
mid ahi ay carruur yihiin.
Ciidammada ammaanka
ee Kenya ayaa iyaguna weerar ku qaaday budhcaddan Itoobiyaanka ah oo
tiradooda lagu qiyaasay 300-500 oo qof, waxayna ka dileen 16 ka mid ah.
Waxay sidoo kale ka soo dhigeen 5000 oo Adhi ah iyo 200 oo Lo’ ah. Waxaa
kaloo laga soo dhigay 10 Geel ah iyo 4 Dameer.
Afhayeen u hadlay
booliska Kenya ayaa sheegay in weerarkii talaadadi ay ku dhaawacmeen ugu
yaraan 18 qof. Dawlada Kenya ayaa sheegtay inay ciidammo cusub
deegaankaas u dirtay, si ay uga daba-tagaan budhcadii weerarka gaysatay.
Dad badan oo ku
dhintay shil baabuur oo Eritereya ka dhacay.
Ugu
yaraan 56 qof ayaa ku dhimatay, 30 kalana waxaa soo gaadhay dhaawac
halis ah, ka dib markii axaddii uu bas aad loo buux dhaafiyay shil ku
galay koonfurta galbeed ee magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritereya
. Shilka baabuur ayaa lagu tilmaamay midkii ugu xumaa ee ka dhacay dalka
Eritereya.
Baskan ayaa u kala socday magaalooyinka Adi Quala iyo Maimene oo ku
yaalla koonfurta dalka Eritereya, wuxuuna ka siibtay dhul dhiiqo ah,
isagoo ku hoobtay meel dherarkeedu 100 mitir hoos ah dhan yahay. Baskan
ayaa la sheegay in loogu talagalay rakaab aan 45 ka badnayn, hase
yeeshee waxaa saarnaa rakaab gaadhaya 86 qof.
Dadkii shilkan ku dhaawacmay ayaa hadda lagu dawaynayaa isbitaallo ku
yaalla magaalooyinka Adi Quala iyo Mendefera, kuwaasoo ku yaalla dhinaca
koonfureed ee xadka ay Eritereya la leedahay Itoobiya.
Wasiirka warfaafinta ee Eritereya Cali Cabdu ayaa sheegay in shilkani uu
ahaa midkii ugu xumaa ee dalkiisa soo mara tan iyo markii uu xornimada
qaatay 12 sano ka hor. Wuxuu kaloo intaas raaciyay in dawlada ay u
taallo shaqo badan oo ku saabsan sidii loo wanaajin lahaa nabadgelyada
jidadka.
Hay’ad caalami ah oo ka digtay in xayiraada hubka laga qaado Soomaaliya.
Hay’adda lagu
magacaabo International Crises Group (ICG) ayaa walaac ka muujisay
codsiga qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee ku saabsan in dalka
Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka ee saarnayd in ka badan 10 sano,
waxayna hay’addu sheegtay in xayiraada hubka oo Soomaaliya laga qaado ay
keenayso dhibaato la soo gduboonaata dadwaynaha soomaaliyeed. Hay’adda
ICG ayaa sheegtay inay halis badan Soomaaliya soo wajahayso hadday
Qaramada Midoobey oggolaato in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka.
Golaha Ammaanka ee
Qaramada Midoobey ayaa ka fiirsanaya in Soomaaliya laga qaado xayiraada
hubka, si ay suuragal u noqoto in ciidammo nabad ilaalineed loo diro
dalka Soomaaliya.
Madaxwaynaha
Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa hadda ka hor codsaday in
dalkaSoomaaliya la geeyo ciidammo nabad ilaalin, arrintaasoo uu ka
oggolaaday Midowga Afrika. Markaas ka dib ayaa Golaha Ammaanka ee
Qaramad Midoobey loo diray codsi ah inuu xayiraada hubka ka qaado dalka
Soomaaliya, si ay ciidammadaasi hawshooda nabad ilaalinta ah Soomaaliya
uga billaabaan.
Hay’adda ICG ayaa
sheegtay in kooxaha soomaalidu ayna isku raacsanayn imaatinka ciidammo
shisheeye ah oo Soomaaliya la keeno. Waxay kaloo intaas raacisay in
ciidammada shisheeyaha ah ee Soomaaliya la keenayo ay wax ka qaban
karaan hawlaha nabadaynta haddii ay kooxaha soomaaliyeed arrintaas isku
waafqasan yihiin oo kaliya.
Radio
Xoriyo
15 July.2005
C/nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio
Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Lacagtii loo hayey mashruuca Abuubakar waxay gaartey
$1,400,000. Warbixintaas iyo waraysi ay Xasan Dhooye arimaha masjidka kala
yeelatay Idaacada Codka Beesha ee Minneapolis, iyo Video laga duubay dhismaha
Guji "228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
|