Abdirisaaq
Haji Husein Geesi ku Mintiday wadaniyad Aan Duugoobin
Ilaah baa Awood leh ,Nabigeenii Suubanaa Muxamed(csw)Nabadgalyo iyo Naxriisi
Korkiisa Ha Ahaato.
Abdirizak Haji Hussen [Somalia PM 1964-67] |
Walaalaha webkaan gacanta inoogu haya iyo akhiyaarta xilku dhibo ee
garashada ehelka u'ah ayaan ku salaamayaa salaanta islaamka (asalaama
calaykum waraxmatulaahi wabarakaatahu ).
Qoraalkaygaan maanta waxuu noqon doonaa qoraal aan doonayo inaan ku qiro in
mudane raysul wasaare Abdirisaaq Xaji Xusein uu ahaa mas'uul aynaan calfan
inteena waqtigiisii ay da'du u 'itaalka sheegatay,sida aan hadda ka arkana
waxaan hubaa in uu si'aada uga horeeyey soomaalidii uu waqtigaa madaxda
u'ahaa iyo xataa kuwii kula jiray golahii xukuumadiisa.
Mudane Abdirisaaq Xaaji oo ka mid ahaa siyaasiyiintii xabiska la dhigay
markii ay dawladii madaxweyne siyaad talada dalka kula wareegatay awood
ciidan,waxuu hadana noqday shaqsi ka tanaasulay gardaradii maxkamad la'aanta
ee uu in mudaa ugu xirnaa xabsiga , maxaa yeelay waxuu ahaa siyaasi og in
afrika oo idili uu inqilabku ka socdo waloow asagu uusan markaa xil dawliya
haynin.
Madaxweyne siyaad waxuu u magacaabay Abdirisaaq safiirka somaliya ee united
nationska (new york) xilkaana ma'uusan diidin,waxuuna ahaa nin garan karey
haduu xilkaa diido in laga yaabo in la xiro ama uu noqdo shaqsi ay yartahay
meelaha uu booqan karo iyo cida asgaba u'imaan karta macniyan waxaa ka
hawlgali lahaa ha'adahii nabad sugidda ee wadanku waagaa lahaa ,arimahaa iyo
kuwa kale oo aan sidaa uga fogayn weeye arimahii ku dhiira galiyey in uusan
diidmo ka keenin magacaabidaa.
Mudane Abdirisaaq waxeey ku xasuustaan dadka sida aadkaa uga faalooda go'aan
qaadashadii markuu raysul wasaaraha ahaa dadkii uu shaqda ka fariisiyey oo
ahaa intooda badan dad wadanka u soo shaqeeyey una soo halgamay, waloow ay
ku jireen kuwa si qalada uga tabcanayey hantidii ay dadweynaha u
hayeen,waxuuna arintaa ku macneeyey abdirisaaq in aaneey dawladdu awoodin
shaqaale intaa la'eg iyo asagoo doonayey in uu helo dhalinyaro aqoon leh oo
buuxisa doorkii odayaasha
Hadaan intaa ku joojiyo taariikhda fog ee Abdirisaaq intii aan ka bawsaday
ayaa waxaan doonayaa inaan u soo talaabsado waqtigaan xaadirkaa oo uu mudane
Abdirisaaq xaaji huseein yahay nin aad u weyn waloow aan ku cawryayo sida
aysan da'du uga dilin hadal helidii, dadnimadii ,geesinimadii ,wadaniyadii
lagu yaqiin markii uu intaa ka itaalka badnaa, taa weeye midda ii sheegtay
in dhamaan taariikhdii layga sheegay abdirisaaq X husein ay dhab
ahaayeen,waxaana mar walba xasuustaa hadal uu si gooniya ii yiri nin adeer
iigu aadanaa oo xiliyadaa mar noqday madaxa water agency in uu Abdirisaaq
ahaa masuulkii ugu hawl karsanaa ,ugu shaqo badnaa ugu contarol shaqo badnaa
ee abad soomalida soo mara .
Doorka hadda ee aan ku jirno markuu ugu liitay taariikhda umadda soomaliyeed
inta la xasuusto Abdirisaaq ma noqon mid afka xirta waxaan maqalnaa asagoo
talooyin dhaxal gal ah ka bixinaya sidii loo heli lahaa dib-u-heshiisiin
caam noqota oo ka dhaqan gasha wadankeenii,waxuu tira aan yarayn ka hadlay
dawladaa la'inoo soo dhoo dhoobay iyo waxa la gudboon ,waxuu siiyey
talooyin macquula madaxweynahaa Abdulaahi yuusuf ,waxuuna ka digay in uu ku
dhaqaaqo go'aano xasaasi noqon kara oo keeni kara in mar kale hubka laysku
gurto .
Waxuuna mar walba kula talinayey sida ugu haboon oo lagu abuuri karo jawi
laysku aamini karo,asagoo mar walba xusaya in xukumadda sare aysan awood
u'lahayn in ay is moodo sidii dawlad wadankii gacanta ku haysa oo ay talada
dalka wada hanatay,xukuumadan lama oran karo xukuumadda madaxweyne Abdulaahi
maxaa yeelay madaxweynaha waxaa dooratay baarlamaanka ,marka waxaa iska leh
magacaa prime ministarka mr geedi.
Madaxweynaha maaha in uu isticmaalo ereyo dhaawici kara dib u heshiisiinta,
maaha in uu u muuqdo in ay dadka qaar is dhihi karaan colaad buu idinla
maagan yahay, madaxweynahu waa inuu noqdaa mid umadda oo dhan aay aaminto oo
ay talada saarato, waana in uu noqdaa nin u dabca u tanaasula arimha qaar
hadaladaa iyo kuwa la mida weeye hadalada uu Abdirisaaq ka yiraahdo goobaha
lagu gorfaynayo arimaha soomalida ayo marxalada adag ee ay marayso soomaliya
maanta.
Waxaan aad uga xumahay kuwa aan maskaxda ka qaan gaarin in ay maswiro
doqonimaa ka bixiyaan oo ay u quuri waayaan in tariikhdiisii hore iyo midda
maanta ay isku eegaan sida ay isku buuxinayaan ,hadiise qofku ku fakiro
abdirisaaq Abdulaahi yuusuf buu haystaa oo diidan yahay waa ayaan daro
xanuunsan ,waxanse aaminsanahay Abdirisaaq xaaji husein in uu buuxiyey
doorkii laga filayey oday soomaliyeed kii laga filayey nin waa wadanka madax
ka soo noqday oo aad u yaqaana brobaleemka soomalida waxaa ka sii dran oo uu
ABDIRISAAQ buuxiyey kii ugu darnaa oo ah in uu yahay abdulaahi ninka
qabashadiisa leh ,xataa haduu ka tala diido in uu tusiyo soomalida kale in
waxa uu ABDULAAHI samaynayo uusan la qabin raalina uusan ka ahayn. waxaan
hadalkayga ku soo koobayaa mudane Abdirisaaq xaji husein wa geesi ku
mintiday wadaniyad aan duugoobin.WABILAAHI TAWFIIKH
BASHIR ISSA DIIRIYE ,TORONTO
bdirie@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan Faafin:
July 14, 2005
Jawaab Ku Socota mudane C/risaaq Xaaji Xuseen
Waa Xaaraam wax ka qorista
mashaariicda Islaamka iyo Culumada ka shaqeysa |