QAYBTA 2aad
Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
WQ. Dr. Saciid Ciise |
saciidciise@aol.com
Atlanta - USA | November 7, 2001
Qaybtii 1aad
S\alifle Hussein Aidid oo ahaa wiil shube batrool ka ahaa San
Francisco, ka dibna darajeda saddex allifle ka gaarey ciidanka
Mareykanka ayaa dadka uu ka soojeedo waxay siiyeen dhaxalka
Abihiis. Wiilka oo aan waayo aragnimo siyaasadeed lahayn wuxuu
isla markiiba dhumiyey taageerada dadkiisa, isla markaasna
wuxuusi yaasadiisa u rogay mid ku dhisan gebi dhacyeen iyo gacan
soo marinta wadanka markaas dantiisu saran tahay. Tigreyga oo ah
xukumad saboola ayuu gacanta ugalay, waxayna heshay fursad ay
ugu adeegsato wadamada carabtaa oo iyadu waxa aykala xishooto
dhowrista danteeda awgeed inay si bareera u tiraaho uu isagu u
idman yahay.
Soodhaweyntii Tigreygu uma noqon wiilka mid uu uga diirsado
duxdii salaanta Carabta, laakiin dhoola cadeynta Tigreyga dheef
raac ayaa u geysay, runta maanta haysatana waa mid uusan is
rogrog uga siiban Karin. Tigreygu waxay kahayaan wiilka
dokumenti uu ku fuliyey falal isagoo dalal dibedaa hanti
ugaqaatay. Maadaama isagu gacanta isu geliyey tigreyga, wax
garawshaana uusan kahaysan dadkiisa, waxaa la doorsiiyey wiilka
in gacanta loo geliyo dal isaga iyo aabihiisba ka tirsanaya
dibendaabyo ay u geysteen, ama inuu ilaalada Tigreygaku hoos
jiro oo danta Tigreyga iyo saaxiibada ku lamaansan inuu si
daacad ah ebed ugu noqdo adeegooda. Haddii uu fulin waayo
howlahaasna loo heysto isaga qiyaamooyinkii laga tebenayey isaga
iyo aabahiisba.
Wiilku isaguna sida korneylka ayuu gudbiyey in degaanka
Muqdisho ay gacanta ugu jirto wadaado asal raaca loona baahan
yahay in lagu daro saldhigyada la duqeynayo, haddiba Tigreygu ay
ku guuleystaanka dhaadhicinta mashruucaas wadamada reer
galbeedka.
M.Yalaxow
|
Al-xaaji Muse Sudi Yalaxow oo horay u ahaa nin ka ganacsada
goobaha dhaxda laga jebiyo haddana isku magacaabay shariifka u
adeega Buulo Waraabo iyo Dharkinleey, ayaaka mida raga loo
adeegsanayo lugooyada ka taagan maagalada Muqdisho. Ninkaas oo
aan lahayn xirfad weyn dhinaca siyaasada, qiimeyna aan ku sameyn
Karin waxyeelada hadalkiisu uu u leeyahay bahda uu ka tirsan
yahay, ayaa waxaa lagadhaadhiciyey afkaar lugo gaaban si
dantiisa iyo danta Tigreyga ay iskuwaafaqaan. Waxaa hadaladiisa
hal heys u ah
ninba dhulkii uu ku dhashay ha kunoqdo, taas oo ujeedada ka
dambeysa ay tahay in degaano qabiil la sameeyo iyo dowlado
qabiil oo fara badan, dulucda ka dambeysana ay tahay in dan guud
iyo qaranimo Soomaaliyeed oo leh xarun dhexe oo la isugu yimaado
aysan marna suurtoobin.
Mudane Cali Mahdi oo dareensanaa dhiibatada tigreygu ay ku
hayeendowladiisii, taas oo ku salaysnayd hurinta dagaaladii
Xamar oo ay hub isugudhiibayeen dadka walaalaha, ayuu xaajigu
inta uu ka hor yimid maamulkiisaas,wuxuu haddana ku yiri Xamar
kuma aadan dhalane ka tag, oo aad Cadale halkaasnaka tali.
Wadaadka waxaa madaxiisa qaaday balan qaadyada Tigreyga oo ay
kuleeyihiin dhawaan waxaan wada qaadeynaa dulaan wada jira,
hogaamiye walbanaisaga ayaan awooda u dhiibeynaa degaankiisa. Ma
jirto qof dal leh ama qabiildegaan leh. Qofku wuxuu milkiyadeeda
yeelan karaa cad dhula oo uu ku noolaado ama ku shaqeysto,
wuxuuna qofku aduunka uga guurayaa dhul yar oo qabriya. Marka
fikrada oranaysa anigaa dhulka leh waa mid aan qoto dhereyn,
sababna u ahayd in degaano badan oo ay wada degaan qabiilo kala
duwana oo wada noolaasho ku dhisanSoomaalinimana ay ka dhexeysay
masiibooyin ka dhalisay 10kii sanno oo la soogudbey.
Maxaa la ina ka
doonayaa haddii aanu nahay Soomaali?
Guji...
Wq. Abu Sami
|
Maanta majiro qabiil saafiya oo iska dhala, Soomaalidu waa
kalaguursataa, wayna isku guurguuraan. Sidaas daradeed ayuu
qofka Soomaaliga wuxuu xaq ahaan u leeyahay inuu qabiilkii uu
doono uu ka guursado, ama uu dego meeshii uu doono iyadoon lala
xariirin heybtiisa, waana fikradaas mida ay aduunyadu uga
gudubtey degaan qabiil uguna gudubtey dowlad qaran.
Aragtidaas kusalaysan sinji kala sooca loo adeegsanayo
qabyaalda ayaa ah mid soo socotay waqti dheer, lagana yaabo dad
aan yareyn ee si fog aan u fekereyn iney soojiidatey xiliyadii
ay heerka sare gaareen colaada dagaaladii sokeeye. Laakiin waxaa
mudnaan leh in xaajigu uusan dareemin in xaajada taala xereda
salkeeda oo laga reebi la'yahay uu yahay qalad inta fekereysa ay
ku waano qaateen waayo aragnimadii laga helay dagaaladii sokeeye.
Haddana la soo gaaray waqtigii dhalaan raaca iyo dhabta la
kala dooran lahaa. Xajigu wuxuu hilmaamay Tigreygu sida wadama
badan inuusan lahayn dan, saxiib iyo axdii joogtaa. Waxaa
arrintaas tusaale u ah in Xajigu laf ahaantiisu uu liska ugu
jirey Tigreyga 1996, waqtigaas oo raadinaysey taageerada Hussein
Caydiid, isla markaasna ay dunidauga raadineysay taageerada ay
kula dagaalameyso wadaada argagisadaa.
MADAXWEYNAYAAL |
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda |
RA'IISULWASAARAYAAL |
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001 |
Gobolada waqooyi iyo dhulkiiMajeertenya loo aqoon jirey midnaba
maamulka Tigreygu kuma guuleysan inuu sidadban u xukumo sida
gobolka Bay iyo Bakool ay u geysteen ciidanka. Goboladaaswaa ay
daneyeen in Tigreyga ay la yeeshaan iskaashi siyaasadeed,
laakiin marnaraali kama noqon caradooda in la keeno ciidan
Tigreeya. Inkasto maamulkaTigreygu uusan mooganeyn dareenka
cadifadeed oo ay goboladaas u hayaan isaga,haddana kama maqna
Tigreyga iney goboladaas danahooda Soomaalida kala dhexeysaiyo
midooda u goonidaaba ay gaarsiiso meel aysan ka soo kici Karin
iyaga oojecel iney u soo xulaan madax maqaarsaara. Haddii ay
Tigrey axdi leedahaylagu aamino karo waxay hormarin lahayd
Soomaalida Galbeed oo ay xukunka kuhaysato, bal ha dambeyso
walaaltinimada ay u hayso dalka Soomaaliyeed. Ragarunta u moodey
riyada ay ku raaceen Tigreyga iyo dhego u raaricinta
qosolkawaraabaha waxa ay kala kulmaan waa in laga war sugo,
balse ay haboon tahay inla saadaaliyo bal cidda haadku ku dhici
doono!!!
Masuuliyiinta DKMG waa iney gabaadka raadsadaan wadamada
Ruushka, Fransiiska iyo Shiinaha si ay uga hortagaan in
dhawaaqooduku dhacaan dhego dareenkoodu waqtigan uu ka sii jeedo,
isla markaasna ku howlanxulafeysi ka dhana. Tigitaanka madaxda
sare ee DKMG ay ku tagaan boqashowadamadaas waxay astaan u noqon
kartaa in wixii xaqiijin looga baahdoSoomaaliya ay iyagu
xaqiiqdooda soo raadin karaan, wixii xadgudub ku ahna lagacodsan
karo inay ka tageeraan xal u helideeda. Reer galbeedka maanta
waxba ucalaamadeysan, qorshe aan sahal waqtigan ku bedelmeynaa
meel ayuu u yalaa markawaxaa haboon inaan waqti badan lagu lumin
dhego u raaraca meel kale, inkasto ayrunta dhabtaa la socdaan.
Maanta sidii loo badbaadin lahaa dalka Soomaaliyeedxalkeedu kuma
jiro in la aado dhinaca reer galbeedka ama dhegaha loo
raariciyodanaha Tigreyga. Waxaa haboon in iskaashiga dunida
dhexdhexaadkaa la xoojiyoinkasto aysan lahayn siyaasad culaab
leh, lana dareensiiyo cadaalad daradadadka Soomaaliyeed lagu
hayo. Haddii reer galbeedku ay daneynayaan dalka Soomaaliya
waxey tilaabo wax tar leh ka geysan lahayeen bilowgii burburka
Soomaalida ku yimid bilowga sannadkii sagashanaadka.
-Dhammaad-
Kulaabo Qaybtii 1aad
Dr. Saciid Ciise
Atlanta - USA
2001-11-07
DISTRIBUTED VIA
SOMALITALK.COM
Siyaasad Xumo waa saaxiib la'aan
AFEEF:
Araagtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga kusaxiixan, kana
tarjumimaayo aragtida SomaliTalk.com |