Wafdi
uu hogaaminayo Reysalwasaaraha Soomaaliyada Prof-Geedi
ayaa duhurnimadii maanta u ambabaxay Caaasimada Neyroobi
ee Dalka Kenya.
Aug 18, 2005
Safarka ayaa lagu
sheegay in ay tahay sidii uu ula soo wareegi lahaa deeq
ay Dawlada Shiinaha oogu deeqday Xukuumada Federaalka
Soomaaliyeed ,deeqdan ayaa lagu soo waramayaa in ay u
badan yihiin qalab wax weyn u tari doono hab-sami u
socodka hawlaha Xukuumada ,saldhigeedu yahay magaalada
Jowhar si kumeel gaar ah.
Wafdiga Reysalwasaaraha
ayaa waxaa ka mid ah ,Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha
Mudane Dr-Ibraahim Maxamed Isaaq ,oo ay saaxiibo gaar-ah
yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif.
Sidoo kale warar soo
baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in kulan gaar-ah
laysku soo hor-fariisiyo Mudane Geedi iyo Mudane shariif
,waxaana kulankan qaban-qaabinayo,Gudoonka Baarlamaanka
Wadanka Kenya oo isku taxa-lujiyay in ay u kala dab-qaadaan
madaxda sare ee Dawlada ,oo iyagu dhawr jeer la isku
dayey in la xaliyo khilaafaadkooda balse lagu
guldareystay.
Xuseen Yaasiin
Gode-Gode
Wararkii shalay hoos ka
akhri::
Gudoomiyaha
Baarlamaanka oo u ambabaxay Magaalada Neyroobi
Aug 17,
2005
Wafdi balaaran oo uu
hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliyeed Mudane Shariif Xasan ayaa goor dhaweyd ka
duulay garoonka xaafada Deyniile oo ku yeel duleedka
Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha oo u waramayey
Suxufiyiinta ayaa ku tilmaamay in safarkiisu jawaab u
yahay martiqaad uu ka helay dhigiisa Baaarlamaanka Kenya
Mudane Fransual Kore ,martiqaadkaasi oo la xiiriira ayuu
yiri Gudoomiyaha sidii loo hormarin lahaa iskaashiga soo
jireenka ah ee u dhexeeya labada Baarlamaan.
Shariifka ayaa sidoo
kala shaaca ka qaaday in socdaalkiisa Neyroobi, uu la
xiriiro sidii uu isagu diyaarin lahaa ka qeybgalka
kulanka Baarlamaanada Caalamiga oo lagu wado mustaqbalka
dhaw in uu ka dhaco Dalka Mareykanka.
Wafdiga uu hogaaminayo
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa ka kooban 9 xubnood oo
isugu jira Xildhibaano iyo Xogheynadiisa waxaana ka mid
ah:
1-Xildhibaan Zakariya
Maxamuud
2-Xildhibaan Faarax
Ismaaciil
3-Xildhibaan C/qaadir
Sheekh Maxamed
4-Xildhibaan Maxamed Xasan
DaryeelXubnaha
kale ee oo soo haray ayaa lagu sheegay Hawl-wadenadiisa
ka tirsan Xafiiskiisa, warar kala duwan ayaa sheegaya in
laga yaabo inta uu Neyroobi ku sugan yahay, in uu wada
hadal la qaadan doono,Wakiilka Qaramada midoobay ee
Soomaaliya Mr-Fall.
Safarka Gudoomiyaha iyo
Xubnaha la socda ayaa la sheegay in uu qaadan doono mudo
todobaad ah ,iyadoo laga soo weriyay Shariifka in ay dib
oogu soo laaban doonaan Magaalada Muqdisho si
Gudoomiyuhu uu ooga qeyb galo kulanka uu iclaamiyay 27da
bishan,kaasoo ka dhici doono Xarunta Xisbiga oo fadhi ku
meel gaar ah u ah Mudanayaasha ku sugan Muqdisho.
Shariifka ayaa lagu
wadaa inta uu mareykanka joogo in uu la kulmo
Jaaliyadaha Soomaaliyeed e ku sugan Arliga Mareykanka ,sidoo
kale waxaa laga yaabaa in uu soo salaamo Caruurtiisa
iyo xaaska u degan Mareykanka,inta uu safarkiisa ku
guda-jiro.
Warar dheeraad ah oo ka
soo baxay Muqdisho ayaa sheegay inliiska waftiga
guddoomiyaha lag areebay Xildhibaan Caasho Cabdala.
Xuseen Yaasiin
Gode-Gode
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 17, 2005
Soomaalida
Minnesota oo Cambaaraysay Qaraxyadii Ka Dhacay London, UK
Kulan ay kasoo qayb galeen Qunsulka
Britain u fadhiya Chicago, Safiirkii Maraykanka u fadhiyi jirey
Soomaaliya, Senator Coleman iyo Soomaali farabadan oo lagu qabtay
Jaamacada Hamline ayaa...
Guji..
Maalintii Xasuusta
ee Suldaan Hurre oo ku beegan Aug 17
Guji
Masjid Saddex Dabaq ah
oo Laga Dhisayo Laascaanood
Dhismihii hore ee masjid Al-Huda ayaa la dumiyey
si looga dhiso masjid baaxad weyn oo ka kooban...
Guji... Aug 16
UNHCR oo Qaar ka
tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab dib u celisay Soomaaliya
Qaxootigaas oo maanta dib loogu celiyey
Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso...
Guji... Aug 16
Gabar
Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay.
Guji....
Xisbiyada mucaaradka
Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo
xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ...
Guji... Aug 12
Soomaalida
Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August
waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo..
Guji... Aug 12
|