SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

March 30, 2004

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Kacdoon dadwayne oo ka socda magaalada Fiiq.
  • Dad rayad ah oo meelo kala duwan lagu xidhxidhay.
  • Ciidammo badan oo Ogadenya la lakeenay.
  • Xubno baarlamaanka Itoobiya ah oo xukuumadda ku canabaareeyay arrimaha Gambella.
  • Sargaal sare oo Itoobiya ka baxsaday.
  • Dagaallo ba’an oo dhexmaray ciidamada OLF iyo kuwa gumaysiga Itoobiya.
  • Barnaamuj gaar ah oo aanu ku soo qaadanayno qoraal dheer oo uu Ra`iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya kaga hadlayay damaaciga Itoobiya.
  • Kacdoon dadwayne oo ka socda magaalada Fiiq.

    Magaalada Fiiq waxaa tan iyo 16-kii bishan ka soconayay kacdoon dadwayne oo ka dhashay dad rayad ah oo tiradoodu ay 100 ruux kor u dhaaftay oo xabsiyada gumaysiga Itoobiya loo taxaabay, ka dib markii lagu eedeeyay inay taageerayaal u yihiin Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.

    Qaar dadkaas ka mid ah waxaa loo gaystay jidhdil aad u xun, si looga sheegsiiyo waxa ay ciidammada gumaysiga Itoobiyaa ka rabaan oo ah inay qirtaan inay taageerayaal u yihiin Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.

    Xidhaygan faraha badani wuxuu keenay in dadwaynihii magaalada Fiiq ku dhaqnaa ay gadood ballaadhan sameeyaan, isla markaana ay magaalada bannaanbaxyo ka abaabulaan, iyagoo dhagax-tuuray xarumaha uu gumaysiga Itoobiya magaalada Fiiq ku leeyahay.

    Dadwaynahan gadoodka ah ayaa ku dhawaaqayay hal ku-dhagyo ay ka mid yihiin ONLF ha noolaato, Itoobiya ha dhacdo, daba-dhilifku ha dhaco iyo erayo kale oo lid ku ah gumaysiga itoobiya.

    Dad rayad ah oo meelo kala duwan lagu xidhxidhay.

    Waxaa waqti habeen ah gurigiisa oo ku yaalla magaalada Wardheer ay kala baxeen ciidamada Itoobiya nin macalin ah oo lagu magacaabo Ahmed-Gaab Maxamed Faatulle. Ilaa iyo hadana lama oga ciidamada gumaysiga Itoobiya macalinkaas meel ay ula keceen.

    13-16/3/04, waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya magaalada Dhagaxbuur ku xidh-xidheen dad shacab ah oo fara badan, waxaana dadkaas ka mid ahaa:

    • 1- Mukhtaar Cabdullahi Ciise.
    • 2- Xaliimo Muxumed Saciid.
    • 3- Xafso Maxamed Sheefad
    • 4- iyo kuwo kale oo badan.

    8/3/04, Waxay Ciidamada wayaanuhu xoog kaga kaxeysteen Tuulada Waylo-lagu-xidh, “Gabadh aroos ah” taasoo ay u kaxeysteen fadhiisinkooda ku yaalla Nus-dariiq, welina gabadhaas way haystaan, lamana oga waxa ay ku eedaynayaan ee xabsiga loo dhigay.

    Xadhig iyo ganaax adag ayaa ciidamada gumaysiga itoobiya sugu dareen dad shacab ah oo Tuulada Yucub degan, waxaana dadkaas ka mid ah:

    • 1- Muuse Shakaal Xaji, oo 500 oo Bir lagu ganaaxay.
    • 2- Muuna Maxhamed Ibraahin, oo 500 oo Bir lagu ganaaxay.
    • 3- Ruqiya Jilalow, oo iyadana 500 oo Bir lagu ganaaxay.

    20/3/04, Tuulada Caado waxay ciidamada gumaysigu ku xidheeyn nin lagu magacaabo: Caafi Macallin Yuusuf, lamana sheegin sababta xadhigiisa ka danbeysa, balse waxaa la tuhunsan yahay in si hab dhaqaale looga helo xabsiga loo geeyay.

    Ciidammo badan oo Ogadenya la lakeenay.

    Dawlada gumaysiga Itoobiya ayaa ciidammo fara badan ku soo daabushay magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagaxbuur. Ciidammadan ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu badnaa ee muddo sannad ah isku mar la keeno gobollada Ogadenya.

    Ciidammadan cusub ee la keenay ayaa la sheegay inay si ishu qabanayso ay u buuxiyeen bannaanka Garab-case ee magaalada Jigjiga, waxayna tiradan badan ee ciddamada gumaysiga Itoobiya ee la keenay magaalada Jigjiga cabsi gelisay dadwaynaha magaalada ku dhaqan.

    Ciidamadan ayaa la sheegay in loo daabulayo dhinaca xadka ay Ogadenya la leedahay dalka Soomaaliya. Dadka arrimaha gobolka indha-indheeya ayaa sheegay in Itoobiya ay doonayso inay xasillooni darro ka abuurto dalka Soomaaliya, si ay u curyaamiso shirka dib u-heshiisiinta ee kooxaha soomaalida uga socda dalka Kenya.

    Dhinaca kale waxaa magaalooyinka Ogadenya oo dhan laga uruuriyaa dhalinyaro si qasab ah loogu darayo malleeshiyooyinka ciidammada gumaysiga la shaqeeya, arrintaasoo keentay in dhalinyaro badan oo reer Ogadenya ahi ay ka cararaan magaalooyinka oo u baxsadeen dhinaca miyiga.

    Xubno baarlamaanka Itoobiya ah oo xukuumadda ku canabaareeyay arrimaha Gambella.

    Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in nin ka trisan Baarlamaanka Itoobiya oo aan rabin in magaciis la sheego uu caddeeyay in ayna sharciga caalamiga ah iyo kan Itoobiya toona waafaqsanayn inuu Baalamaanka Itoobiya diido in guddi madax banaan loo saaro xasuuqii ka dhacay gobola Gambeella.

    Ninkani waxaa uu sheegay in marka kowaad xubnaha Baarlamaanka tiradii laga rabay ayna ka soo qayb galin fadhiga oo ay ka soo qayb galeen 306 xubnood oo ka mid ah xubnaha guud ee Baarlamaaka Itoobiya oo dhan 547 xubnood. Marka labaadna ay dawlada Itoobiya eedaysane tahay oo iyada danbi loo haysto.

    Wuxuu kaloo intaas raaciyay in loo baahan yahay in guddi madaxbanaan oo aan siyaasad ku lug lahay arrintan loo saaro, si ay baadhis madaxbannaan ugu soo sameeyaan oo xaqiiqada u soo bandhigaan.

    Wuxuu kaloo xubinkani ku taliyay in guddiga ay xubno ka noqdaan haya’do caalami ah, aqoonyahano, odayaal iyo ururrada rayidka ah, wuxuuna ka digay in dawladii xasuuqa gaysatay ay soo xusho xubnaha guddigan.

    Sargaal sare oo Itoobiya ka baxsaday.

    Sida uu noo soo tabiyay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadeniya u jooga xarunta Itoobiya ee Addis Ababa waxaa baxsaday madaxwaynihii shirkadaha ganacsiga ee Itoobiya Birhane Mawa.

    Warku wuxuu intaa raaciyay in Birhane uu u baxsaday wadanka Kenya, ka dibna uu u sii gudbay dalka Marykanka, halkaas oo lafilayo inuu nabadgalyo siyaasadeed ka codsado.

    Warku wuxuu kaloo intaa ku daray in Birhane uu la kulmay safiirka Marykanka u fadhiya wadanka Kenya, halkaas oo ay kawada hadleen arrimo ku saabsan marxalada ay Itoobiya manta marayso.

    Mr. Birhane ayaa aad uga cawday maamul xumida ka jirta Itoobiya iyo ku tumashada xaquuqal insaanka oo marba marka ka sii denbaysa ka sii daraysa.

    Dagaallo ba’an oo dhexmaray ciidamada OLF iyo kuwa gumaysiga Itoobiya.

    Radiyaha Oromoda ee SBO ayaa sheegay inuu dagaal aad u ba’an dhexmaray ciidamada xaq u dirirka ah ee ururka OLF oo ay taakulaynayaan dadka shacbiga ah ee dega gobolka Bale iyo askarta cagajiidka ah ee Itoobiya.

    Dagaalladan waxay ka dheceen gobolka Bale oo ka tirsan Oromiya, gaar ahaan agagaarka magaalooyinka Meera, Hadhigle, Kare iyo Kare-Kisha, halkaasoo ciidamada cagajiidka ah ee Itoobiya loogu gastay khasaaro lixaad leh oo mood iyo noolba leh.

    Radiyuhu wuxuu intaa raaciyay in laga furtay askarta Itoobiya hub aad u tira badan oo isugu jira hub culus iyo kuwo fududba, ka dib markii ay askartii hubkaas sidatay ay hubkoodii tureen, cagahana wax ka dayeen.

    Radiyuhu waxa kale oo uu intaa raaciyay in ka dib markii ciidmada Iihadhiigta dagaalladaas lagu jabiyay inay sidii awalba lagu yiqiinay billaabeen inay ka aargoostaan dadkii shacbiga ahaa ee deegaankaas dagaanaa, halkaasoo ay ku xidheen 147 qof oo u dhalatay qoomiyada Oromoda, 130 u dhashay qabiilka Dhawet iyo 15 u dhashay qabiilka Fiqi Cumar.

    30.03.2004

    C/Nuur Sh. Mohamed

    raadioxoriyo@yahoo.com
    radioxoriyo@ogaden.com 

    Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari

    .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

    Dhegeyso warkan oo Cod ah

     ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

    ....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

    AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

    © www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More..
    .
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
     kaah

    Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri


    Riyale
    Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
    [Liiban]



    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD