SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Maamul kusheega Hargaysa oo wali wada ugaadhsigii safarada Ogaadeenya.
  • Lafo dad oo laga helay guriga madaxtooyada ee ku yaala magaalada Jimma.
  • Taliyihii xabsiyada ee kililka Gambella oo shaqadiisii laga eryay.
  • Carruur aad u tira badan oo ku dhimatay dib u dajinta laga wado Kililka Oromada.
  • Bayaan ay jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya ka soo saartay dadka ay maamulka Hargaysa ku xukumeen Xabsiyada sharcidarada ah iyo kuwa kale ee wali la ugaadhsanayo.
  • Barnaamij gaar ah oo aanu ku soo qaadanayno qiso dhex martay sargaal ka tirsan ciidanka gumaysiga Itoobiya iyo qaar ka mid ah Odoyaal magaaladuu joogay ku sugnaa iyo suugaan halgameed.

 

Maamul kusheega Hargaysa oo wali wada ugaadhsigii safarada Ogaadeenya.

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in habeenadii 18-19.06.2004  lagu xidh-xidhay shacab fara badan oo u dhashey Ogaeeniya magaalooyinka Hargaysa iyo Burco. Dadkaaas oo lagu sheegay in ay ahaayeen 18 Dumar ah iyo 29 rag ah, ayaa laga soo xasuuqay Hotelada, Sayladaha Xoolaha iyo suuqyada magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.

 

Qabqabashada dadkan ayaa waxay daba socotay ugaadhsigii ay mudooyinkan danbaba ku hayeen kooxda ku caan baxday somali nacaybka ee maamulka Hargaysa sheeganaya shacabka Ogaadeenya ee ganacsiga iyo booqashada qaraabo ku imanayay gobolada waqooyi ee Somaliya.

 

Falkan qabiiliga ah ee ay Somali diidka Hargaysa wadaan ayaa ah mid ay gumaysiga Itoobiya ugu adeegayaan, kuna abuurayaan dagaal sokeeye oo labada shacab ee walaalaha ah ka dhex oogma, iyaga oo ilaashanaya kuraasta madhan ee ay maamulka ku sheegayaan.

 

Lafo dad oo laga helay guriga madaxtooyada ee ku yaala magaalada Jimma.

 

Warar aanu ka soo xiganay wargayska Lisana oo ka soo baxa magaalada Jimma ayaa sheegaya in xaafada afaraad ee magaaladaas guriga madaxtooyda ee ku yaalla laga helay in ka badan 30 lafood oo bani’aadam. Lafahan waxaa lagu tilmaamay inay yihiin dad dhawaan la laayay, waxaana cadaynaysa iyadoo markii maydka dadkaas la soo qoday ay aad u urayeen.

Waxaa kaloo halkaas laga helay dhar, kabo dacas ah iyo waxyaabo kale.

 

Qoditaanka gododkan lafahan laga soo guray ayaa waxay qaadatay mudo todobaad ka badan, walina ma cada dadkan la xasuuqay inta ay dhan yihiin, waxaana loo tirinayaa in dilkan ay ka denbeeyeen askarta Iihaadhigta ee ku sugan magaalada Jimma, iyadoo guriga madaxtooyada ee Jimma oo laga helay lafaha maydadkan uu hadda xarun u yahay askrta Itoobiya. Arrintan ayaa argagax hor-leh keentay, waxayna dad badani codsadeen in ciddii xasuuqan ka denbaysay maxkamad la horkeeno, xilkana laga qaado.

 

Taliyihii xabsiyada ee kililka Gambella oo shaqadiisii laga eryay.

 

Wararka ka imanaya magaalada Gambella ayaa sheegaya in shaqadiisii laga erayay taliyhii xabsiyada kililka Gambella Mr. Utow Uwere, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu sii daayay dad uu nidaamka Addis Ababa ku tilaamaamay inay nabad-diid yihiin.

 

Kililka Gambella ayaa kal hore lagu xasuuqay dad aad u tiro badan, isla markaana ay ka qaxeen shacab ka badan tobonaan kun oo ruux. Xasuuqa ay ciidamada Itoobiya u gaysteen dadka ku dhaqan gobolka Ganbeela ayaa waxuu kalifay in ay dagaal hubeeysan kala soo horjeestaan ciidamada Itoobiya, kaas oo ilaa iyo hada ay xukuumada Itoobiya la ildarantahay.

 

Carruur aad u tira badan oo ku dhimatay dib u dajinta laga wado Kililka

Oromada.

 

Ugu yaraan 57 caruur ah ayaa ku dhimatay barnaamijka dib u dajinta ee Itoobiya ay ka wado Kililka Oromoda. Caruurtan dhimatay ayaa 47 ka mid ahi ay u dhinteen gaajo awgeed, halka 10ka kalana ay u dhinteen cudurro halkaas ka dillaacay. Iyadoo Warar kalana ay sheegayaan inay qorshaha dib u-dejinta ku dhamaadeen xoolo aad u tira badan.

 

Qorshahan dib u-dajinta ayaa waxaa si wayn u eedeeyay hay’adaha samafalka ah ee adduunka oo sheegay in dadka dib u-dejnita lagu sameeyay ayna haysanin biyo, daawo, raashin iyo waxyaabaha nolosha daruuriga u ah, wuxuuna qorshahani aad uga liitaa midka ay xukuumaddu ka wado gobolka Tigreega oo wax waliba u dhan yihiin.

 

Madixii barnaamijka dib-udejinta ee kililka Oromada ayaa dhawaan laga qaaday xilkii uu hayay , ka dib markii uu ka soo horjeedsaday barnaamijkan dib u-dajinta oo uu ku sheegay mid aan suurto gal ahayn oo aan si wanaagsan looga soo  baaraan dagin.

 

Xaakimada Tigreega oo ka eed-sheegatay ururka TPLF.

 

Wararka ka imanaya magaalada Maqale ee xarunta kililka Tigreega, ayaa sheegaya inay garsoorayaasha maxkamadaha ee kililka Tigreegu  ka eed-sheegteen dawlada ay TPLF ka taliso, waxayna sheegeen in xaquuqdoodii aasaasiga ahayd lagu xadgudbay.

 

Shir wayn oo garsoorayaasha kililka Tigreegu ay ku yeeshay magaalada Maqale ayaa  waxaa ka soo qayb galay madaxwaynihii  kililka Tigreega Sagay Barhe, ku xigeenkiisa Abaadhu Zamu iyo madax kale, waxaana shirkaas aad loogaga dooday cabshooyinka garsoorayaasha iyo sidii dhibaatadooda wax looga qaban lahaa.

 

Waxyaabaha ugu waawayn ee ay xaakimadu ka cabanayaan waxaa ka mid ah in aynan shaqadooda u madaxbanaanayn, oo had iyo jeer ay madaxda ururka TPLF isku dayaan inay u yeedhiyaan cidda ay xukumayaan iyo cidda ay sii daynayaan, isla markaana ay ku khasbaan inay xukunadooda ku saleeyaan siyaasada ururka TPLF. Warku wuxuu kaloo intaa raaciyay inuu khilaaf aad u wayni ka dhex taagan yahay hogaamada sharciyada iyo guddiga fulinta ee Kililka Tireega.

 

BARNAAMIJKA KA DHEGEYSO: R A D I O   X O R I Y O

22.06.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com  
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh radio Xoriyo

Faafin: SomaliTalk.com June 22, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD