GOLAHA
WADATASHIGA
SOOMAALIYEED
G/W/S/017/04
London,
01/06/2004
Ujeedo:-
Dagaalada ka socda Magaalooyinka.Balad
xaawo iyo.........
Waxaan aad
uga xunnahay
dagaalada iyo
iska
horimaadyada
hubeysan ee
maalin walba
laga soo
sheegayo dalka
Soomaaliya,
dagaaladan oo u
dhaxeeya qeybaha
ku hardayamaya
magaalooyin ka
tirsan koofurta
Soomaaliya.
Dagaaladan
dhacaya xilligan
oo ay in badan
dadka
Soomaaliyeed
rajo badan ka
muujinayaan
howlaha dib-u-heshiisiinta
ee hadda socda,
ayaanan garaneyn
waxa sababay in
ay dagaallo
dhacaan.
Nasiibdarro
waxyeelada
dagaalada oo isa
soo tareysa
darteed ayaan
ugu baaqeynaa
qeybaha ku
dagaalamaya
magaalooyinka
Balad-xaawo iyo
Diinsoor oo ka
kala tirsan
gobollada Gedo
iyo Bay ee dalka
Soomaaliya in ay
gartaan danta
iyo maslaxadda
dadkooda.
Waxaan
shaki ku jirin
in qeybaha
dagaalamaya
aysan war badan
u heyn qasaaraha
laga dhaxlayo
dagaalka ee
isugu jira,
Dhimashada,
Dhaawaca,
Barakaca iyo
korarka
maciishada aysan
sahlaneyn in
xilligan ay
noolaadaan
danyarta ay
korkooda isku
dilayaan.
Hadaba
Golaha
wadatashiga
Soomaaliyeed
wuxuu ugu
baaqayaa qeybaha
uu dagaalku ku
dhexmarayo
magaalooyinkaas:-
1- In shuruud
la'aan xabadda
loo joojiyo.
2- In wixii
qilaaf ah ee
jira wada hadal
lagu dhameeyo.
3- In la
xusuusto
xiriirka wada
dhalasho iyo kan
Soomaalinimo ee
ka dhaxeeya.
4- In ay u
damqadaan
danyarta iyo
shacabka aan
waxba galabsan
ee u
dhimanaya
dagaalada iyaga
dartood.
5- In la
garowsado in
dagaalada ahliga
ah cid ku
guuleysaneysaa
aaney jiran.
Ugu
dambeyntii waxaan
taageereynaa waanwaanta
iyo xabad
joojinta laga
hirgaliyay W/magaalada muqdisho,
gaar ahaan
dhinacyadii
dhowr iyo
labaatanka cisho
ee ugu dambeeyay
dagaalada isaga
soo horjeeday.
GOD
BLESS SOMALIA
Kaaliyaha
Xoghayaha
Arrimaha Dibedda
ahna
Wakiilka
Golaha
Wadatashiga
Soomaaliyeed
Xubin Golaha
dhexe Somali
Concern Group