Waxaa sidoo kale xusid mudan inay ijrto
maalin loogu talo galay Haweenka adduunka oo ay gaaladu u dooratay in laga
dhigo 8-da bil kasta oo Maarso ah, waxaana sidoo kale laga xusaa maalintaan
Waddamo badan oo islaam ah iyadoo aan la is weydiin maxay maalintaan ku dhex
leedahay dadka Islaamka ah ee ku nool dalkaas, waxaana laga taageersan yahay
Dhammaan waddamada Islaamka, gaar ahaan kuwa ku yaalla bariga dhexe oo ah
dhamaantood Carab ah.Maalintaan ayaa
waxaa banaannada isugu soo baxa haween fara badan oo sheegayay inay u
dabbaal-degayaan Maalintooda, iyagoo soo xidha dhar aad u qafiisan, tinta soo
banneysta, raxan-rax ah, waxaana intaas dheer in ay haweenkaan ku qaadaan
waddooyinka dhexdoodda heeso ay ku ammaanayaan maalintaan, waxayna haweenka
Islaamka ah is weydiin oo ka maqan maxay tahay Xuquuqda aad maalin u
yeelateen, mase tahay mid Diiniyan jirta?.
Haddaan si kooban u eegno maalinta haweenka
adduunka ee loogu magac daray 8-da Maarso waxay Masiixiyiintu u doorteen,
waxaan oran karnaa, Maalintaan waxaa asalkeedii hore laga keenay dalka
Giriigga oo ay haweenka dalkas xusi muddo aad u fog, iyagoo ku xushmeyn jiray
maalintaan in ay tahay maalin ay dhibaato weyn la kulmeen haweenka dalkaas oo
ay raggu si weyn ugu tunteen xuquuqdooda, iyagoo ku andacooday inay la
duudsiiyay xaqii ay u lahaayeen wax ka maamulidda reerka iyo xaqii ay u
lahaayeen furriinka iyo wixii la mid ah, taasoo ay sheegeen inay raggooda ku
tunteen markii ay arrintaas u soo badhigeen, waxaana wiixi intaas ka
dambeeyay xarun ay si qarsoodi ah ugu kulmaan u dhisay Haweeney kuwa
Soorooyinka haatan loo yaqaan ah taasoo ku boorrisay haweenka inay sameystaan
maalin ay isku yimaadaan, waxayna maalintaas ahayd 8-dii Maarso, waxayna
go’aansadeen haweenkii halkaas isugu yimid oo lagu qiyaasay inay ahaayeen
200-haween ah in maalintaas ay u noqoto maalinta haweenka dalkaas.
Maalintaan ayaa waxaa isku imaan jiray
haweenka la qabo ama ragga saaxiibbada la ah oo qura, waxaana muddo yar
dabadeed ay haweenkaas go’aansadeen in ay ku qabsadaan shirarkooda
Kaniisaddaha si ay uga qaybgaliyaan shirarkooda haweenka loo yaqaan haweenka
aan la qabin iyo kuwa guurka diiday ee sheegta inay u go’ayaan diinta
Kirishtaanka iyo u adeegidda dadka taagta daran, waxaana maanta haweenka
noocaas ah loo yaqaan Soorooyin, waxayna inta badan ka shaqeeyaan Kaniisadaha,
Isbitaallada, Xarumaha Xannaanada Caruurta, Goobaha Qurxinta iyo wixii la mid
ah.
Wixii xilligaas ka dambeeyay waxay
fikraddani noqotay mid ku fidda Yurub illaa ay ka soo gaartay Waqooyiga
Ameerika iyo Aasiya, waxayna ugu dambeyn noqotay mid lagu dadaalay in lagu
fidiyo Waddamada Adduunka intiisa kale ku yaal ee aysan fikraddan weli ka
hir-gelin, siiba dalalka Islaamka.
Haddaba waxaa is weydiin leh, Xuquuqda
haweenka islaamka dhex-diisa ah waa side? Runtii Islaamku xaq weyn ayuu
haweenka siiyay, sida iyagoo ah Xubinta ugu muhiimsan ee tiir dhexaadka u ah
Nolosha Islaamka, waxaanan taas daliil ahaan ugu soo qaadan karnaa Ayadda
Suuradda Al-baqra ku jirta ee uu ILLAAHAY ku leeyahay Nabi Aadam markii uu
feertiisa ka abuuray Xaawo, markii Nebi Aadam soo kacay ee uu arkay ruuxaan
haweenta ah ee dhankiisa jiiftana uu RABBI weydiiyey isagoo leh: “ILLAAHOOW
tan maxaad u abuurtay”, markaasuu RABBIGA awoodda sare leh ku yiri: “Si aad
ugu dagto”, haddaba miyaanay meeshaas ka muuqan in haweenku ay tiir dhexaad u
yihiin nolosha Aadaha, haa waa dhab inay yihiin tiir dhexaadka nolosha Qoyska
Islaamka ah.
Sidoo kale waxa jirta in Nabigeenna Muxamed
(NNKH) uu ammaan gaar ah u soo jeediyey haweenka markii uu Xaddiis ku yiri:
“Waxaa idin kugu kheyr badan tiinii idin kugu Meher yar” taasoo runtii aan la
dhayalsan karin, iyado ay jiraan xuquuqo badan oo lagu Caddeeyay Qur’aanka
Kariimka ah iyo Sunnada Nebigeenna Muxamed (NNKH) halkaanna aan ku soo koobi
karin.
Haddaba haweenka Islaamka ha ku fekeraan
nimacadaan iyo xuquuqdaad uu Illaahay siiyay iyo amaanta uu Nabigeena Muxamed
(NNKH) uu ku ammaanay, taasoo runtii ah mid aan la heli karin, haweenkana ay
ku fekeraan in wanaagga uu rabibga awoodda leh la doonayo ay ka wanaagsan
tahay xumaanta ay la doonayaan kuwa uu sheydaanku ku adeegto iyo kuwa aan
garanayn nimcooyinka RABBIGA awoodda leh ku manneystay haweenka.
Waxaa kaloo xusid mudan inay haweenku si
dhab ah u ogaadaan in wanaagga ay sheegayaan Masiixiyiinta inay haweenka la
doonayaan ay tahay fisqi iyo qaawani, iyadoo inta badan aad maqashaan in
dalalka Reer galbeedku ay haweenku yihiin kuwo leh xuquuqda uu ninku leeyahay
oo kale, waxna ay furi karto isla markaana ay guursan karto ama la tuman
karto ninkii ay doonto, taasina runtii ma ahan xaq iyo wanaag lala doonay
haweenka ee waa xumi iyo fisqi lala doonay haweenka lana doonayo in lagu
lumiyo xushmadda iyo xishoodka gabdhaha haweenka ah.
Ogow gabar-yahay islaamka ah in aad tahay
mid ku taagan wanaagga Islaamka haddii aad wanaag fasho, Ogowna in aad tahay
mid xumaan dalbanaysa haddii aad xumaan fasho, waxaadna xusuusnaataa in aad
tahay mid aad loogu ammaanay diinta Islaamka iyo Sunnaha Nebiga (NNKH),
xishoodkuna yahay waxa shayga ugu muhiimsan ee haweenka lagu raaco laguna
qaddariyo, haddii aanu xishood jirinna aanay haweeneydu wanaag haba yaraadee
lahayn.
Dhanka kale, waxaan dalkeena ku aragnaa in
haween badan ay sheegtaan inay madax ka yihiin ururro lagu magacaabo ama
loogu magac daray amaba xiriir la leh ururro kale oo Masiixiyiin ah oo ka
dhisan dalalka reer galbeedka kuwaasoo ku boorriya haweenka intii ay
jillaabteen inay u soo ijlaabiyaan kuwo kale oo fara badan, iyagoo si gooni
ah ugu sheega inay iyagu yihiin Haween mufakiriin ah doonaya inay xaqooda
laga duudsiiyay ilaashadaan, taasina waa mid lagu marin habaabinayo xuquuqda
haweenka, waxayna gaaladu uga dan leedahay sidii ay haweenka Islaamka ah uga
marin habaabin lahaayeen dhaqankooda suubban iyo diintooda macaan waxay
fartay.
Waxaad la kulmaysaa in lagu leeyahay
heblaayo oo ka socota urur hebal lagu ayaa waxay u joogtaa dalka Mareyknaka
ama dal ka mid ah kuwa reer galbeedka inay kaga qaybgasho fantasiyo (Dabaaldag)
loo sameynayo haweenka u dooda xuquuqda haweenka dolman ama ka tirsan ururka
horumarinta haweenka dal heblaayo, sidaasoo ay tahayna ay halkaas kala
kulmaan dhibaatooyin ay u gaystaan haweenka kale ee dalalkaas u dhashay, sida
iyagoo ku sheega inay dalkooda ka jirto xuquuq ku tumasho ba’an oo ay
dhibaato ka muuqato jir ahaan iyo naf ahaan ayna yihiin kuwo aan waxba ka
qaban karin arrinta dalkooda ka taagan iyo iyagoo sidoo kale ku caaya inay
yihiin haween jaahiliin ah kuna nool dalaka dunnida saddexaad waxa ay u
yaqaannaan sida: Afrika iyo Aasiya, waxayse mudan yihiin haweenka Islaamka ah
inay gartaan dhagarta kuwa dhagar qabayaasha ah.
1-DA APRIL MAALINTA BEENTA
ADDUUNKA (THE FOOLISH DAY)
Waxaa wax lala yaabo ah in ay dad sheeganay
Islaam aqoonsadaan maalin loogu magac daray Maalinta Beenta Adduunka inaagoo
og inay beentu tahay shay xaaraan ah, waxaana amakaag iyo yaab kuugu filan
maanta Aqriste in laga wada aqoonsan yahay maanta dunida Islaamka oo dhan
maalinta beenta Adduunka.
Waxaa intaas ka daran oo aad la yaabaysaa
markaad aragto maalintaan loogu magac daray maalinta beenta adduunka. Iyadoo
dalkaas laga sameeyo fantiyeyaal waaweyn oo lagu xusayo ama lagu weyneynayo
maalinta beenta Adduuna, waxaadna la kulamaysaa dadku ku leh xalay iyo shalay
waxaa dhacay sidaas iyo sidaas oo been ah, markii aad tiraahdo adigoo yaaban
runta ii sheega, waxay kugu oranayaan “Sow ma ogid doqon-yohow inay maanta
tahay maalinta beenta adduuna” SUBXAANNALLAAH, dadkaani sow ma oga in beenta
la isku ciqaabayo maalinta khiyaamo oo ay tahay waxa keliya ee qofka u
ijlaabin kara dhanka cadaabka.
Waxa jirta in beentu ay tahay shay xaaraan
ah adduunkana laga wada ogsoon yahay inay tahay wax xun, balse waxaa jirta
inay gaalada iyo kuwa raacsanba ay yihiin kuwo doonaya inay dadka islaamka ah
marin habaabiyaan, waxaana og-nahay in maanta haddii aad si dheel-dheel ah
ula ciyaarto oo aad ballan u dhigo ruux Masiixi ah in haddii uu ku waayo aad
uu aad iyo aad u xumaanayo kuguna tilmaamayo inaad tahay beenloow, haddaba ma
u bannaan tahay in dadka islaamka ah ay rumeenyaan maalinta beenta adduunka.
Waxaa jirta in beenta lagu tilmaamo in xagga
ALLAAH laga caayay, runtana ay tahay mid xagga ALLE laga maanay, haddana
waxaa is weydiin mudan miyaanay dadka islaamka ah ku baraarugsanayn in runtu
tahay shey wanaagsan, beentuna tahay wax xag ALLE laga caayay, waxaanan
meeshaan kaaga cad in dadka Islaamka ah ay ka doortee wixii wanaagsanaa (Runta)
waxa xun (Beenta).
Haddaba, waxaan wax xoogaa ka eegaynaa
diinta islaamku waxa ay ka qabto beenta: waxaa jirta in ILLAAHAY (SW) uu in
badan uga hadlay qur’aankiisa Kariimka ah beentu in ay tahay wax xun, isagoo
addoommadiisana si weyn ugu boorriyey inay ka fogaadaan beenta una dhawaadaan
runta, waayo ILLAAHAY waxa uu aayado qur’aan ah ku dhex yiri: [Kuwa runta
sheega (Ragga) iyo kuwa runta sheega (Haweenka)], waxaana meeshaan nooga cad
in ay runtu tahay wax la isku ajar siinayo maalinta khiyaamaha.
Sidoo kale, waxa uu Rasuulkeena Muxamed (NNKH)
uga warramay axaadiis fara badan qiimaha ay leedahay beenta iyo raad xumada
ay leedahay beenta, waxaana xadiisyada Nebiga (NNKH) laga weriyey ka mid ah
Xadiis uu ku oranyo: (iska jira beentu waa Hooyada xumaantee), waxaan garan
karnaa inay beentu tahay hooyada xumaanta oo dhan, waayo beentu waxay
horseeddaa: Zinada, dhaca, kufsiga, dilka, khiyaanada, cadowtinimada iyo iska
hor-keenta dad walaalo ah.
Haddaan u soo leexanno dhanka runta waxaa
cad in aayaad badan uu ILLAAHAY (SW) uga hadlay qur’aankiisa oo ku ammaanayo
kuwa runta sheegaa inay yihiin aakhiro kuwo liibaanay, kuwa beenta iyo
xumaanta falana ay yihiin kuwo aan nasiib haba yaraatee ku lahayn khiyaamaha,
waxaa sidoo kale Nebigeenna Muxamed (NNKH) laga soo weriyey inay runtu tahay
sheyga ugu wanaagsan ee laga doonayo dadka Rabbiga ka cabsada, sidoo kale
waxa uu Rasuulkii ILLAAHAY Muxamed (NNKH) ku sheegay xaddiis in ruuxa
Mu’minka ah uusan sheegin been, waxaana halkaas kaaga caddaanaysa inay runtu
tahay kobciya iyo barbaarinta dadka oo dhan, gaar ahaan ruuxa Mu’minka ah ee
ALLAHIIS Rasuulka Rabbiga rummeeyay, waxayna runtu tahay midda keenta, Is-jacaylka
dadka dhex mara, isku soo hillowga, isku kaalmaynta, isku dar-daaranka, isku
nixidda, nabadgalyada iyo wax kasta oo wanaagsan oo aan halkaas ku soo koobi
karin.
Haddaba, haddii aan u soo dhaadhacno
dhaqankeena Soomaaliyeed ee wanaagga badan waxaan ku ogaan karnaa in runtu ay
kaga jirto kaalin sare, halka beentu kaga jirto kaalinta ugu hoosaysa iyo
meel aan la tilmaami karin, waxaana jira in ay Soomaalidu aad uga maahmaahday
beenta iyagoo tilmaamaya inay tahay wax aan lagu kalsoonaan karin, waxaana ka
mid ah maahmaahahaas: “Beentaada hore, runtaada dambey baas u tahay”, “Beeni
raad maleh”, Beeni geedkaad dago waa kaa waddaa meelna kuma gayso”. “Been la
dhoodhoobay run baa ka dambeysa”, “Wax aan la caddeyn iyo Caano lo’aadba kala
go’ baa u dambeeya”, “Dad waxaa ugu liita beenloow iyo tuug”, “Hadaad
beenloow la saaxiibto adigana beenloow baad tahay” iyo kuwo kale oo fara
badan, haddaba waxaan ku boorinaynaa in shacabka Soomaaliyeed ay ka
digtoonaadaan beenta, isla markaana ay u dardaarmaan ruuxii islaamka ah ee
kadsoon wanaagga Runta iyo xumaanta Beenta.
Dhanka runta, sidoo kale Soomaalidu waxay ka
marisay Maahmaahooyin fara badan, waxaana ka mid ah: “Run iyo Ilkaba waa la
caddeeyaa”, “Runta rakaad bay kuu noqon”, “Haddaan been sheegto run baa kuu
qarsoon”, “Runta waa lagama raystaan”, “Runtu waxay magan gelisaa dad badan,
beentuse way bi’isaa”, “Runta waa raaxo beentuna waa cadaab” iyo kale oo fara
badan halkaanse aan ku soo koobi karin, haddaba, waxaan idin kaga digaynaa
beenta iyo raad xumada ay ku leedahay mujtamaca iyo addunka oo dhan, hana
rumeynina maalinta Beenta adduunka waxa loogu yeeray.
Akhri qaybtii
1aad....
W/Diyaariyay: - Maxamed Xuseen Jimcaale
E-mal: -
jantiile12@hotmail.com
Muqdsho-Soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan