Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay
- Dagaallo gobolka Doollo ku dhexmaray shacab ree Ogaadeenya ah
- Dagaal labo urur iskaga hor yimaadeen oo ka dhacay Kililka Herarida.
- Dagaalo lagu jabiyay ciidamada gumaysiga Itoobiya.
· Dadka shacabka ah ee u dhashay Qawmiyada Oromada ee ay xukuumada TPLF cadaadis ku hayso oo kusii qulqulaya gobolada Soomaaliya
- Iyo waraysigii Afhayeenka ONLF oo aan mar kale ku soo celoinay, codsi dadwayne awgii.
Dagaallo gobolka Doollo ku dhexmaray shacab ree Ogaadeenya ah
Wariyaha Radiyo xoriyo uga soo warama magaalada Jigjiga ee Ogaadeenya ayaa soo xaqiijiyey in dagaalo ay ka dambayso xukuumada itoobiya,iskagana hor keenayso shacabka soomaalida Ogaadeenya ee dagan Wardheer uu halkaas ka dhacay maalinamdii daraad ahayd, dagaaladan ayuu wariyuhu sheegayaa inay daba socdaan isku dhacyadii horay ooga dhacay degaanka Miir Khaliifo.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmay xili ay xukuumada Addis-Ababa usoo dirtay wafdi ay ku macnaysay inay nabad galyo dhex dhigayaan dadkii deegaanadaas dagaalku ku dhexmaray,hase ahaatee dadka ku nool magaalada Wardheer ayaa tuhunsan inay wafdigaasi u shaqaynayaan dhinaca kale oo ay sii hurinayaan colaadaha ka jira deegaankaas.
Waxgaradka gobolka Doollo ayaa ku tilmaamay dagaalkan magaalada wardheer iyo deegaanada hoos yimaada mid aan jiho lahayn ayna si badheedh ah uga dambayso dowlada Itoobiya.
Dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 11 ruux oo labada dhinacba ah,iyadoo dhaawucuna uu badan yahay.
Dagaal labo urur iskaga hor yimaadeen oo ka dhacay Kililka Herarida
Wariyaha wakaaladda wararka Ogadeniya u jooga magaalada Harar ayaa sheegaya in uu dagaal ba’ani ka dhacay meelo ka tirsan xaafadaha ku yaala magaalada Harar ee caasimada kililkaas. Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhex dhacay labada urur ee lakala yidhaahdo Herari Legue iyo OPDO,iyadoo labada ururba ay daba dhilif u yihiin ururka xukuumada Addis Ababa ka taliya ee TPLF.
Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo shacab,halka ay ku dhaawacmeen tiro aan weli lasoo xaqiijinin waxaana hubkoodii laga furtay 2 askari oo ka mid ah ciidamada ihaadhigta oo dagaalkaas lug ku yeeshay.
Waxaa baryahanba ka tagnaa Kililka Hererida qas aad u wayn oo gaadhay heer aan waxba laga qaban karin, inkasta oo ay dawlad wayaanuhu ku dhawaaqday in ay faro galin toos ah ku samayn doonto.
Dagaallo lagu jabiyay ciidamada gumaysiga Itoobiya
Warar aanu ka soo xiganay shabakada Internet-ka ee Oromada ayaa sheegay in ay ciidamada xoraynta ee Oromda ay ku jabiyeen ciidamada cadawga ee Itoobiya dagaalo ka dhacay gobolo ku yaala kooonfurta Itoobiya.
Dagaal dhexmaray ciidamada Oromda iyo ciidamada Wayaanaha bishii July 19dii oo ka dhacay Zonka Borana magaalada layidhaahdo Goda Loni oo ku taala galbeedka magaalada Hidilola ayaa waxaa laga dilay ciidamada wayaanah 9 askari waxaana lagaga dhaawacay 5 askari. Islamaalintaas, dagaal kale oo ka dhacay magaalada Udan-Bilo oo iyana ku taala galbeedka Hidilola ayaa waxaa lagaga dilay ciidamada cadawga ah ee wayaanha 5 askari waxaana lagaga dhaawacay 4 askari.
Warku waxa uu intaa raaciyay in guud ahaan dagaaladan 14 askari oo ciidamada wayaanha ah lagu dilay, laguna dhaawcay 9 askari.
Dad Oromo ah oo ka soo cararay Itoobiya oo Soomaaliya ku sii qulqulaya
Sida ay qortay shabakada Qoraxay Online: Dadka shacabka ah ee u dhashay Gobolada Oromada ee ay Dawlada Itoobiya cadaadiska ku hayso ayaa si weyn ugu soo qul qulaya Goboladda Soomaaliya kuwaasoo ay ka muuqato diif iyo daal aad u ba’an.
Iyadoo ay horay u joogeen dalkaSoomaaliya gaar ahaan Goboladda Puntland kumanaan qof oo ka yimid Itoobiya una dhashay qoomiyaha Oromo ee ah dadka ugu tirada badan wadanka Itoobiya ayaa waxaa baryahan dambe si xawli ah ku socda dadka oromada ah oo ka soo cararaya dilka iyo xadhiga ay kula kacayso Dawlada Itoobiya.
Dadkan oo marka aad weydiiso waxa ka keenay dalkoodi ayaa kuu sheegaya in ay u adkaysan waayeen dhibaatada ay ku hayso Dawlada Itoobiya,iyagoo intaas raaciyey inay dowlada Itoobiya ula dhaqanto si bini,aadamnimada ka baxsan.
Sidoo kale dadka oromada ah ee ka soo cararaya dhibaatada Itoobiya waxaa ay galaan Goboladda Koonfureed sida Magaaladda Muqdisho, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in ay qoxoot i aad u tiro badani oo Oromo ah kana soo cararay cadaadiska xukuumada TPLF ay ku tabaalaysan yihiin Magaaladda Muqdisho.
Dadkan oo isugu jira Qoxooti horay u sii joogay kuna sugnaa tan iyo bur burkii Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay soo foodsaartay dhibaato, taasoo ay u badan tahay hooy la'aan iyo caafimaad daro iyo waliba iyagoo aan ku haysan waxbarasho.
Ugudambayntii dhibaatada haysatay dadka ku dhaqan Goboladda ay Itoobiya gumaysto taasoo ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan ayaa ah mid ay maalinkasta dibada uga baxaan kuna qaxootiyoobaan dalalka dariska la ah itoobiya Kumanaan shucuubta la gumaysto ah.
03 Aug. 2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada