Ridwaan Xaaji Cabdiwali,London

Axmed Siilaanyo |
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka KULMIYE ee Somaliland Axmed Maxamed Maxud Siilaanyo ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii dhowaan ka soo yeeray u qaybsanaha dawladda Britain ee arimaha shirka soomaalida Mr David Bell ee ahaa in ay jiri doonto dib u heshiin dhex mari doonta somaliland iyo koonfurta.
Siilaanyo oo ka hadlayey casuumad uu xisbigaasi u fidiyey dhowaan qaar kamid ah taageerayaashiisa ku nool qurbaha ee somaliland haatan ku suagan,waxaana uu yiri Siilaanyo isaga oo ka jawaabaya hadalkaas sidatan:
"ereyga aan doonayo inaan caawa culayska saaraa waxa weeye, in badan baynu odhan jirnay caam ahaan kuligeen oo waa taan lahaa wakhtiba talo ayaa la gudboon berigii hore ayey odhan jirney shirarkii hore ka soo qayb gala ayaa waxa hal hays inoo ahaan jirtey dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray, marka hore Koonfur arrinteeda xaliya, wakhtiga ay dawlad noqoto ee anagu waxaanu dhisanay ay dhisato ayaa anaga oo laba dawladood oo madax banana ah aanu wada hadli doonaa.
Waxaa intaasi uu ku daray Mr Siilaanyo "Markaa marba talo ayaa taagan, hase yeeshee qoladii aan talo ku dhalan jirin weli halkiiba taagan yihiin, waxa aanu anagu leenahay, inkasta oo ay sax tahay aan taa gudubno, waayo sidaynu u aragno dunidii waxaad moodaa inay khalad ka fahamtay oo imika leedahay waa wada hadli doontaan.
Dhamaadkii bishii hore ee july ayaa Uqaybsanaha Dawladda Britain ee shirka dib u heshiisiinta Mr David Bell ayaa waraysi aan la yeeshay isagoo Nairobi jooga waxaa uu ku sheegay in la qorshaynayo wada hadal iyo dib u heshiisiin dhex mari doonta somaliland iyo Natiijadda shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee Nairobi.

Ridwaan Xaaji C/wali
London,UK.
ridwanhaji@yahoo.com