SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 9, 2004

 WARARKII APRIL 9, 2004

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadn (Garyare)

garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Culumaa’udiinka Degmada Afgooye ayaa walaac ka muujiyay Baybalo la sheegay in loo qaybiyay Arday wax ka barata Dugsiyadda Magaalada Afgooye,

Culumaa’udiinka ku dhaqan deegaanka Afgooye ee ka tirsan gobolka Shabeeladda Hoose oo arrintaan si wayn uga hadlay, iyagoo Qudbadhihii Salaada Jimcena ku soo qaatay ayaa sheegay in arrintaani ay tahay Farin galin la soo fara galiyay Diinta Islaamka iyadoo loogu soo gambanayo Gargaar, lana doonayo in lagu faafiyo Diinka Kirishtanka,

Culumaa’udiinku waxay sheegeen in Bayballadaan laga helay Kartoomo ay Hay’addaha Samafalku ku keenaan Buugaag, waxayna sheegeen in loo qaybiyay Xarunta Gabdhaha Agoonta ah ee magaaladda Afgooye iyo goobo kale oo ka tirsan Degmadaasi,

Kitaabaddaan Baybalka ayaa laga dhex helay Kartoomada ay bixiyaan Hay’addo ka socda Switzerland iyo Mareykanka, waxaana la sheegayaa waxyaabaha laga helay kartoomadaasi ay isugu jireen Bayballo, Buugaag, Qalmaan, iyo qalabka ay Caruurtu ku Ciyaaraan,

Khudbaddaha Khadiibyadda ayaa ku soo beegmay xilli dadka ku dhaqan degmada Afgooye ay si wayn u hadal hayaan arrintaan,

Khadiibka Masaajidka wayn ee magaalada Afgooye Sheikh Cabdullaahi ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hortago cidkasta oo dalka Somali ku faafinaysa Diin aan ahayn Diinta Islaamka,

Ugu dambayntiina waxay Culumaa’udiinku Ummadda Soomaaliyeed ku booriyeen inay ka digtoonaadaan hagarta lala maagan yahay, waxayna ugu baaqeen inay iskaashi samaystaan,

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadn (Garyare)

garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Wararka naga soo gaaraya magaalo madaxda gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in Markab dhawaanahaanba lagu rarayey Muus oo xirnaa Dekedda Dabiiciga ah ee Marka uu haatan ka ambabaxay Magaaladaasi,

Markabkaan ayaa la sheegay in uu qaaday illaa iyo 90 kun oo kartoon oo Muus ah waxaana uu markabku ku sii jeedaa dalka Iiraan,

Markabkaan oo lagu magacaabo M/v Nuh ayaa ka ambabaxay Dekedda Dabiiciga ah ee magaalada Marka Abaarihii 11:30 ee Subaxnimo, ambabaxa Markabkaan ayaa waxaa si wayn ula socday Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ee uu madaxda ka yahay Sheikh Yuusuf Indho Cadde

Afhahayeenka gobolka Shabeeladda Hoose Cali Baashi oo ka hadlay Ambaxaxa Markabkaan ayaa sheegay in Markabka ay raratey Shirkadda Shabelle Agro Product oo ah shirkadda ay wada leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed iyo u dhashay dalka Libya ambabaxiisana ay u dhamaayeen dhamaanba Ganacasatadda iyo Maamulka gobolku

Cali Baashi mar wax laga waydiiyay in Maamulka gobolka Shabeelada hoose wax Canshuur ah ka qaadeen Markabkaasi ayaa ka gaabsaday in uu Faah faahin ka Bixiyo wuxuuna sheegay inuusan taa ka warqabin, 

<><><>

Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Junichiro Koizumi ayaa lagu wadaa in ay soo saari doonaan go’aan kama dambays ah oo la xiriira maxaabiista Reer Japan ee afduub loogu haysto dalka Ciraaq,

dalka Japan Waddanka Japan oo ah dal ay ka jirto ammaan iyo kala dambeyn weyn oo sanooyinkan dambe aan lagu arag iska horimaadyo hubeysan, ayaa manta shicibkiisa waxa xannuun daran ku ah iney telefeshanada ka daawadaan saddex qof oo rayid ah oo Japan u dhashey oo indhaha ka xiran oo lagu afduubey Ciraaq.

Ra'iisalwasaare Junichiro Koizumi ayaa u bareerey khamaar siyaasadeed oo weyn, markii uu ciidamo Japan leedahy u direy Ciraaq, sanadkan bilowgiisii, kaasoo ah hawlgalkii ugu khatarsanaa ee soo foolsaara askarta Japaniiska tan iyo markii uu dhammaadey dagaalkii labaad ee adduunka.

Shicibka reer Japan intooda badan wey ka soo horjeedeen in ciidamadooda loo diro meel ka baxsan dalkooda. Haddase waxa miiskan saaran oo imtixaanku heysto waa go'aanka Ra'iisalwasaare Koizumi uu gaarey.

Qoysaskii ay ka dhasheen ragga Ciraaq lagu afduubey dhammaan waxa ay joogaan Tokyo, waxana ragga dadkoodii afduubey ay ka codsadeen iney badbaadshaan ooysan dilin raggaas, laakiin dowladda Japan waxa ay ku celcelisey ineysan dhaga u raaricineyn dalabaadka ay weydiisteen nimanka la baxey Guutada Mujaahidiinta, dalabkaas oo ah in dowladda Japan ay ciidamadeeda kala baxdo Ciraaq, haddii ay dooneyso in raggaas la sii daayo.

Laakiin dowladda Japan ayaa sameysey guddi amuurtan ka shaqeeya si loo helo habka ugu fiican ee ibtiladan looga jawaabi karo.

Wakhtigan xaadirka ah, dowladda Japan si adag ayeey uga soo horjeeddaa kooxaha wax afduubey, laakiin lama hubo inta uu shicibka Japan uu u adkeysanayo xannuunka daran ee ka imaan kara mashaakilka ku lammaansanaan kara qafaalkaas oo dheeraada.

Arrrinta la xiriirta Aduubka loogaystay Ragga reer Japan ayaa waxaa wax ka qorey mid ka mi ah Wargaysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa dalka japan

Wargaysku waxa uu yiri "dowladda mashaakil ayaa heysta" wuxuuna sheegay in nolosha muwaadiniinta reer japan ay khatar ku jirto,,

 <><><>

La taliyaha Ammaanka Qaran ee Bush ayaa maanta su'aalo la weydiinayaa ka dib markii Aqalka Cad ogolaaday in la waydiiyo iyadda oo dhaarsan

Aqalka Cad ee Mareykanku markii hore waa uu diidey in Dr Rice ay guddi ka hor marag furta iyadoo dhaarsan, iyadoo taas marmarsiimo looga dhigey in Ms Rice maadaama ay tahay La taliyaha ammaanka Qaran ee Madexweynaha ay haysato xuquuq sharciyeed oo amuurtaas iyada ka reebeysa.

Laakiin marki muran siyaasadeed uu ka dhashay arinkan, ayuu Aqalka Cad todobaadkii tagey uu bedely mowqifkiisii oo uu ogolaadey iney Ms Rice guddiga hortagto maanta iyadoo la dhaarshey.

Arinkani waxa uu madaxtinimada Bush u yahay maalin weyn. Marag furka iyadoo dhaarsan ay bixineyso Condoleezza Rice oo socon doonaya laba saac iyo bar waxa si toos ah looga tabin doonaa dhammaan shabaqadaha Telefeshanada waaweyn ee Mareykanka, kuwas oo daawadayaal si aan caadi ahayn u tira badan, hubanti uga dhigaya iney arkaan dhacdadan siyaasadeed ee muhimadda leh.

Dr Rice waxa wax laga weydiin doonaa iney ka jawaabto arinka uu ka dhawaajiyey ninka la yiraa Richard Clark oo Clinto iyo Bush-ba u ahaan jirey isu-duwaha ka hortagga Argagixisada, kaas oo ahaa in kooxda Bush ay ku guuldareysatey iney al-Qaeda u tixgaliso wax halis ah, intii ka horeysey qaraxyadii 11kii Saptember sanadkii 2001da.

 <><><>

Iska hor imaad xoogan ayaa lagu soo waramayaa in uu u dhexeeyo Soomaalida ku dhaqan dalka Koofu Africa iyo dad iyaguna u dhashay dalka Zimbabwe,

Isku dhaca Soomaalida iyo Zimbabwe ayaa la sheegay in uu ka bilowday kadib markii qaar ka tirsan dhalinyarada soomaalida isku af dhaafeen koox Zimbabwiin ah oo ku sugnaa goob loogu dabaal dagayey maalinta xusta Deemuquraadiyadda ee dalka koofur Africa, uu isu badaley gacan ka hadal,

Inkastoo isku dhacaani uusan dhalin dhisho ayaa waxaa lagu soo waramayaa in marki dambe ay soo kala dhex galee Booliska Rabshaddaha ka hor taga ee dalka koofur Africa,

Soomaalida ku dhaqan dalka koofur Africa ayaa inta badan waxay ka cabasho ka muujiyaan qaabka ay ula dhaqmaan dadka u dhashay dalkaasi, taasoo badanaa ay isku dhacaan, laakiin isku dhacaan ayaa ka badan isku dhacyadii hore ee dhex mari jirey soomaalida iyo dadka koofur africaanka ah ,

Dhanka kale Soomaalida ku dhaqan Magaalooyinka waa wayn ee dalka Koofur Africa gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalooyinka Joohaanibeeg ayaa waxay billaabeen inay u guuraan magaalooyinka yar yar iyagoo ka cabsi qabi in dhibaato loo gaysto,

 <><><>

Mas’uuliyiinta Kooxda Qaranka Soomaalida ee ka Qayb qaadanaya kulan Isboorti oo ka socda dalka Sudan ayaa rajo fiican ka muujinaya Natiijadda ay filan karaan Cayaarta Caawa dhici doonta,

Rajadda ay ay qabaan kooxda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalo madaxda dalka Suudaan ee Khartoum ayaa ah mid aad u sareysa, iyagoo taana sabab uga dhigay Taageero Fara badan oo ka helleen dalkaasi Cayaartii hore ee dhex marey Sudan iyo Somalia,

Taageerada Cayaartowda Soomaaliyeed ay kala kulmeen dalka Suudan ayaa ah mid ay ka heleen Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan,

Taageerada Baaxada wayn ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ay u Muujiyeen ayaa waxaa Maalmahaanba wax ka qorayey Wargaysyadda ka soo baxa Caasimada dalka Suudan,

Waxaana wargaysyada qaarkood ay qoreen in soomaali ah oo ah Jaaliyad yar oo ku dhaqan dalka Sudan ay ka taageero badnaadeen Suudanta Martida loo yahay,

Laakiin maanta ayaa waxaad waxaa socda diyaar garow xoogan oo loogu diyaar Garoobayo Cayaarta Caawa dhex mari doonta Somali iyo sudan

Cayaartoyda soomaliyeed oo Cayaartii hore laga badiyay ayaa waxay imminka dadaal ugu jiraan sidii ay guul uga soo hoyn lahaayeen Cayaarta Caawa,

 

 <><><>

Wararka ka imaanaya magaalada Paris ee dalka faransiiska ayaa sheegaya inay joogsadeen dhaqdhaqaaqii iyo isu socodkii Tareenadda, sababo la xiriira dhinaca ammaanka,

Wararku waxay sheegayaan in la helay digniino muuniya inay Tareenadda dalkaasi ay ku soo foolleeyihiin wareero la sheegay in soo suurtogal tahay inay soo qaadaan kooxa Argagixisadda,

Ciidamada ammaanka ee dalka faransiiska ayaa heegan buuxa la galiyay iyaddoo la doonayo in ay ka hor tagaan khatarta la sheegay in ay ku soo fool leedahey,

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay soo baxaan digniino la xiriira weerara laga cabsi qabo in ay soo qaadaan kooxaha argagixisadda, laakiin digniintaan cusub ayaa waxay ku soo beegantay Xilli Wadamada reer Yurub ay waddaan dadaal ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan kooxaha qaraxyadda Gaysta, iyo sidii meel qura ay uga soo wada jeesan lahaayeen Argagixisadda Caalamiga ah ,

Ciidamada Ammaanka ee dalka Faransiiska ayaa waxay su’aalo waydiinayaan shan qof oo u dhashay dalka Marooko, kuwaasoo la aaminsan yahay inay lug ku lahaayeen Qaraxyaddii ka dhacay magaalada Kaaza Balanka ee dalka Marooko, 

<><><>

Ciidamada Israel ayaa lagu soo waramayaa in ay xoog ku galeen Magaalada Ramalah ee Xarunta u ah Falastiiniyiin, iyagoo isla markaana Xayirraad ku soo rogay isu socodka Dadka,

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay baadi goob ugu jiraan kooxa Falastiiniyiin ah oo ay sheegeen inay yihiin gacan ku dhiiglayaal , kuwaasoo la sheegay in inta badan ay soo abaa bulaan Qaraxyada Naftii hurnimadda ah ee ka dhanka ah Israel.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Sharon ayaa goor sii horeyay ku hanjabay in uu ugaarsan doono waxa uu ugu yeeray Cadawga Israel, talaabadda ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Israel ayaa la aaminsan yahay inay qayb ka tahay Hanjabaadii Sharon ee uu ku laban qaaday in ay Cagta marin doonaan kooxaha Dhaqdhaqaaqa xoraynta Reer Falastiin,

 

 <><><>

Doorashooyinkii maalintii shalay ahayd ka dhacay dalka Algeria ayaa lagu soo waramayaa in uu ku horeeyo Madaxwayne Butafliiqa,

Natiijooyinka doorashooyinkaan ayaa la filayaa in lagu dhawaaqi doono maanta galinka dambe, taageerayaasha Madaxwayne Butafliiqa ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa way nee Caasimada, iyagoo ka dhigay banaan baxyo waa wayn oo ay ku taageerayaan Guusha uu gaarey Butafliiqa,

Xubnihii kale ee u tartamayay madaxtinimada dalkaasi ayaa sheegay si wayn uga shakisan yihiin natiijada doorashooyinka, iyagoo sheegay inay dhici karto in wax la isdabo mariyay, waxayna dalbanayaan mar kale lagu celiyo codbixinta,

Guusha uu gaarey Madaxwayne Butafliiqa ayaa ahayd mid lafilayay, waxaana dad badan oo reer Algeria ah ay aaminsanayeen inay adag tahay in laga guulaysto Madaxwayne Butafliiqa, la oga in Xubnaha la tartamayey Butafliiqa ay u hogaansami doonaan natiijada doorasha iyo inkale,

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadn (Garyare)

garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.coma

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD