SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø     Dagaalo dhex maray ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

  • Ø     Wafti JWXO ah oo Maraykanka socdaal ku maraya.

  • Ø     Haweenay gargaarka ka shaqanaysay oo Soomaaliya lagu dilay.

  • Ø     Gacan-yarihii madaxwayanah Kililka Oromada oo shaqadii laga eryay.

  • Ø     Ururka TPLF oo maamul xumo la ciir-ciiraya.

  • Ø     Wax yaabihii ugu waaweynaa ee ka dhacay Todobaadkan geeska Afrika.

  • Ø     Warbixin ku saabsan waftiga JWXO ee ku sugan wadanka Maraykanka.

  • Ø     Waraysi aanu la yeelanay wakiilka gobolada dhexe ee maraykanka u jooga JWXO iyo suugaan kala gadisan.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Dagaalo dhex maray ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

 

Sida uu noo soo tabiyay wariyaha gobolka Shabeele ee Radio Xoriyo C/yare Faarax, waxuu 24.09.03 daagaal ku dhex maray ciidamada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya Higloley oo u dhaxaysa dagmooyinka Garbo iyo Dhanaan. Dagaalkaas oo ahaa mid wax yar socday waxaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 Askari oo kale.

 

Isla goobtaas dagaal kale oo ku dhex maray 01.10.03 dagaalyahamiinta Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada dacdareeysan ee gumaysiga Itoobiya waxaa ciidamada dulmiga ku caanbaxay ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oo badan.

 

02.10.03 Dagaal ay Caano-Lagumayd iskaga hor yimaadeen Ciidamada xaq u dirirka Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada dulmiga waheshada ee gumaysiga Itoobiya, ayaa ciidamada nacabka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 7 askari oo kale.

 

Wafti JWXO ah oo Maraykanka socdaal ku maraya.

Wafti heer sare oo ka socda Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya JWXO ayaa beryahanba booqasho ku joogay gobollo ka mid ah dalka Maraykanka.

Waftigaas oo uu hooggaaminayo la-taliyaha madaxwaynaha Jabhadda waddaniga Xoraynta Ogadenya Jannaraal C/llaahi Mukhtaar Xuseen ayna waheliyaan gudoomiyaha hogaanka dhaqaalaha  Ing.Saalixudiin C/raxmaan Macow, Xasan Ciise Sheekeeye iyo saraakiil kale oo badan wuxuu dalka Maraykanka gaadhay daba-yaaqadii bishii hore ee Sebtember, waxayna ilaa iyo hadda la kulmeen masuuliyiinta JWXO ee deegaannadaas ay tegeen iyo masuuliyiin kale oo isugu jira soomaali iyo Maraykan labadaba, sidaasna waxaa noo soo sheegay wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadenya ee gobolka Minnesota ee waddankaasi Maraykanka.

Waftigu wuxuu la kulmay masuuliyiinta JWXO ee goballada Minnesota, Ohio, Texas, Masouri iyo Georgia Atlanta, kuwaasoo uu ka dhagaystay warbixino kala duwan oo ku saabsan dadwaynaha soomaalida Ogadenya ee gobolladaas ku dhaqan, waxay kaloo is-waydaarsadeen xog-warrano ku saabsan halganka ay bulshada Ogadenya ugu jirto hanashada xorriyadeeda ee JWXO ay hormuudka ka tahay.

 Waftigu intii uu joogay gobolka Minnesota wuxuu kaloo la kulmay aqoonyahaniin iyo siyaasiyiin ka tirsan bulashada soomaaliyeed ee geyigaas ku dhaqan, waxaana ka mid ah dadka ay la kulmeen C/risaaq X. Xuseen, oo horay ra, iisal wasaare uga ahaan jiray dalka Soomaaliya, barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar iyo ra,iisal wasaarihii hore ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya Dr Cali Khaliif Gallaydh oo ay isagana Isgaadhsiinta ku wada-hadleen.

 Waftigu wuxuu sidoo kale la kulmay saraakiil sarsare oo horay uga tirsanaan jiray ciidammada qalabka sida ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay is-waydaarsadeen fikrado la xidhiidha halganka ay JWXO kaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya iyo kaalinta laga sugayo dadwaynaha soomaaliyeed inay ka qaataan.

 Waxaana ka mid ahaa saraakiishaas uu waftigu la kulmay, Jannaraal Maxamed Cismaan Qaadi, Kornayl Maxamed Muumin Dacay, Kornayll Cabdi-qaadir Faarax (Food Cade), Kornayl Axmed Sheekh Cabdullaahi, iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Dr. Xuseen Mataan.

 Waftigan oo hada ku sugan gobalka Calafornia gaar ahaan magaalada Sandiego, wuxuu ku soo wareegi doona goballada Maraykanka ee kala duwan, wuxuuna kulanno rasmi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta dalka Maraykanka qaar ka mid ah.

 Haweenay gargaarka ka shaqanaysay oo Soomaaliya lagu dilay.

Haweenay muddo dheer hawlo gargaar ka hayn jirtay dalka Soomaaliya ayaa axadii dabley aan la aqooni ku dileen magaalada Boorame ee gobolka Awdal.

Annalena Tonelli, oo u dhalatay dalka Talyaaniga, waxay mudo 33 sano ah caawinaysay dadka saboolka ah ee ku dhaqan qaaradda Afrika, waxaana horraantii sanadkan la siiyay abaalmarinta ugu sarraysa ee ay bixiso Hey,ada Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR.

Annalena waxaa abaalmaristaas lagu siiyay dadaalka aan la qiyaasi karin ee ay ka gaysatay dhibaatada Soomaaliya.

 Annalena Tonelli, oo 60 jir ahayd, waxaa la toogtay iyadoo maraysa meel u dhaw Isbitaal ay gacanta ku hayasay oo lagu daweeyo dadka qaba cudurka qaaxada, kaasoo ku yaalla magaalada Boorama.

Dad goobjoog ah ayaa sheegay in ninka dilay Annalena uu ugu gabbaday geed hadhkii, ka dibna uu ku toogtay bastoolad uu watay. Ilaa iyo haddana lama garanayo sababta rasmiga ah ee haweenaydaas loo toogtay.

Annalena Tonelli waxay hawleheeda gargaar Soomaaliya ka billowday sanadkii 1986, waxayna muddadaas dhexdeeda Soomaaliya ka furtay dugsi lagu tababaro dadka dhagaha la’a, isbitaal weyn oo lagu daweeyo dadka qaba cudurka qaaxada iyo waliba goob lagu xannaaneeyo dadka qaba cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka, waxay kaloo dadaal ugu jirtay inay Soomaaliya ka cidhibtirto caadada gudniinka fircooniga ah.

 Gacan-yarihii madaxwayanah Kililka Oromada oo shaqadii laga eryay.

 

Wariyaha Wakaaldda Wararka ee Ogadenya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in madaxwayahay Kililka Oromada Nadhin Sadho uu shaqadii ka joojiyay Tadhase Gana, oo ahaa kaliyihiisa gaarka ah.

Tadhase wuxuu ka mid ahaa ragga ugu awoodda badan Kililka Oromada, hase yeeshee waxaa hadda lagu soo eedeeyay arrimo musqmaasuq la xidhiidha.

Waxa kaloo isna shaqadii laga eryay la-taliyihii madaxwayanah Kililka Oromada ee dhinaca dhaqaalaha Getajaw Jingo.

Caydhinta nimankan shaqada laga caydhiyay waxay maamulka Kililka Oromada ka dhex abuurtay qas iyo iska horimaad. Waxayna arrintaasi keentay in wasiirka gaashaandhigga jannaraal Cabdalla Gamadha uu si toos ah maamulka u fare-geliyo. Jannaraal Cabdalla Gamadha wuxuu madax ka yahay xisbiga Oromada ee OPDO, oo daba-dhilif u ah ururka TPLF.

 Ururka TPLF oo maamul xumo la ciir-ciiraya.

Lama yaqaano hantida uu leeyahay urur TPLF inta ay dhan tahay iyo nooca ay tahay, sidaasna waxaa lagu sheegay warbixin ay Ergada hati-dhawrka ee ururka TPLF soo hordhigtay shirwaynihii 7aad ee ururka TPLF.

Joornaalka lagu magacaabo, Wayin, oo afka Axaamriga ku soo baxa ayaa bishan Oktobar afateedii qoray in ururka TPLF uu aad ugu liito dhinaca hantidhawrka iyo xisaabaadka, taasoo madaxda ururka u sahlayasa inay hantida dadwaynaha iska boobaan.

 Wuxuu kaloo Joornaakaasi qoray inay dhibaato aad u wayni haysato ururkaas, oo ayna marnaba hirgalaynin awaamiirta iyo wareegtooyinka ka soo baxa golihiisa dhexe.

 Warku waxay kalooy sheegayaan in Askarta xubnaha ka ah ururka TPLF amar lagu siiyay inay joojiyaan qaadhaan bileedkii ay siin jireen isbahaysiga EPRDF, oo ay wixii hadda ka denbeeya siiyaan ururkoodii hore ee TPLF, taasoo muujinaysa kala shakiga iyo is-aamin la, aanta ka dhex jirta isbahaysiga EPRDF.

Dhinaca kalana wakiilka u fadhiya Itoobiya Bangiga aduunka ayaa shaaca ka qaaday in meel ka mid ah meelaha uu ku ganacsado ururka EPRDF lagu yeeshay Lacag dayn ah oo gaadhaysa 900 oo Milyuun oo Birr.

Wakiilku waxaa kale oo uu sheegay in lacagtaas dulsaar badan uu fuuli doono hadii ayna Itoobiya iska bixin. Dadka arimaha Itoobiya la socda ayaa aaminsan in Lacagahaas ay lunsadeen Madaxda sare ii gacanta ku haysa talada wadanka Itoobiy.

10.10.003

Dhoodi Danwaa.
raadioxoriyo@yahoo.com
 
radioxoriyo@ogaden.com
 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari.

TODOBAADKAN IYO GEESKA

Ø     Itoobiya oo Gaashaanka u daruurtey go'aankii Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa.

Ø     Eritrea oo ka dayrisay in ay Itoobiya wax wada hadal ah kala yeelato arinta soohdinta labada dal.

Ø     Wakiilada Caalamka oo ku hungoobey shir ay u qaban lahaayeen kooxa Soomaalida ee shirku uga socda Wadanka Kenya.

 

Itoobiya oo Gaashaanka u daruurtey go'aankii Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa.

Itoobiya ayaa mar kale diidday go'aankii ka soo baxay guddiga soohdinta ee Qarammada Midoobey, oo magaalada Bademe xaq u siiyay dawlada Eritereya, waxayna diidmadan cusub ka denbaysay maalmo yar kadib markii uu Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey Itoobiya u sheegay in looga baahan yahay inay oggolaato go'aanka guddiga.

Golaha Amaanka ee Qarammada Midoobey ayaa diiday codsi qoraal ah Meles Zenawi uu daba-yaaqadii bishii hore u soo diray, kaasoo uu Golaha Ammaanka kaga codsaday in dib loogu noqdo go'a ankii ka soo baxay guddiga xallinta khilaafka soohdineed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya. Xukuumadda Itoobiya ayaa iyaduna mar kale dhaleecaysay go'aanka guddiga.

Dhinaca kale urur u ololeeya nabada aduunka oo lagu magacaabo International Crisis Group oo fadhigiisuyahay Magaalooyinka Nairobi/Brussels ayaa warbixn dheer oo uu saarey bishii Sept 24, 2003 kaga hadlay khatarta ay leedahay dagaal mar kale dhexmara Eritrea iyo Itoobiya. Ururku wuxuu ku taliyey in Wadanaka Marayka, Midowga Yuruub iyo Midowga Afrika cadaadis saraan labada dal si loo oofiyo axdigii Algers oo dhigayey in ay u hogaansami doonaan go'aanka gudiga caalamiga.

Si kastaba ha ahaate xukuumada Adisababa ayaa si badheedh ah muujisay in aysan u hogaansamaynin qawaaniinta caalamiga ah. Mawqifka ama go'aanka Itoobiya ayaa dadka saxaafada wax ku qoara ay ku tilmaameen in Itoobiya leedahay " Iquudi aan dagaal galee", taas oo loola jeedo dawarsiga Itoobiya ku caanbaxdey iyo dagaalka joogtada ah.

Eritrea oo ka dayrisay in ay Itoobiya wax wada hadal ah kala yeelato arinta soohdinta labada dal.

Arbacadii la soo dhaafey ayaa dawladda Eritrea shaaca ka qaadey in aysan wax wada hadal ah kala yeelan doonin Itoobiya arinta Soohdinta laba dal. Arintan oo ay dawaladda Eritrea ku tilmaantey guud ahaanba mid aan macquul ahayn oo aan la ogolaan karin.

Dawladda Eritrea waxay warbixntan oo lag siidaayey Wasaaradda Warfaafinta ee waadankeeda gundhig uga dhigtey in ay aqbashay heshiiskii Algeris ee ay labada dal qalinka ku duugeen kaas oo dhigaya in Gudiga Caalamiga waxa uu soo go'aamyo noqon doono mid aan laga wada hadal oo ah kii ugu danbeeyey.

Wakiilada Caalamka oo ku hungoobey shir ay u qaban lahaayeen kooxaha Soomaalida ee shirku uga socda Wadanka Kenya.

Shir ay bishan Oktober 7, 2003 ku balansanaayeen wakiilada Beesha Caalamka iyo kooxaha Soomaalida ee shirka Kenya ku sugan ayaa baaqday kadib markii qaar ka mid ah kooxaha Soomaalida ay qaadaceen ka qeybgalka shirkaas.

Sida wararku sheegayaan kooxaha SRRC ee gacan saarka la leh dowladda Itoobiya ayaa shirkaasi diiday iyadoo farta lagu godayo in dowladda Itoobiya ay kooxahaasi ku cadaadisay in shirka ka baaqdaan.

Shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen wakiilada Beesha Caalamka goob jooga uga ah shirka ayaa ku saabsanaa sidii si rasmi ah loogu dhawaaqi lahaa hakinta shirka oo haatan aan dhinacna u socon.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in shir kale oo kooxa Soomalida u idilyihiin la doonayo in la qabto Sabtida bisha oktober tahay 11, 2003.


Axmed Xidid
Radio Xorio



Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD