Warfaafinta ka howlgasha magaalada
gothenburg ee dalkan Sweden ayaa tan iyo markii ay soo shaac baxday
sheekada ku saabsan labada gabdhood ee soomaalida ah ee iyagoo xijaaban
indhaha mooyee aan meel kale kamuuqan ay aad u buun buunisay arinta ku
saabsan xijaabka gabdhahan soomaalida ah, kadib markii ay buuq iyo muran
hareeyeen.
Wargeyska maalinleha ah ee GT(Göteborgs Tidning) ayaa maanta oo talaado
ah cadadkiisi soo baxay boggiisa hore ku soo sawiray sawirka labada
gabdhod ee soomaalida ah kuwaasoo ay ka muuqdeen xijaabkii dharka madowga
ah indhaha oo keliyana ay muuqdaan.
Waxaana wargeyska oo arintan ka hadlaya qormadiisa ku bilaabay "Ma lugu
qasbay xijaabka, ma caadis haweenba mise waa arin kale?" Hase ahaatee
su'aalahaas oo dhami ee wargeysku isweydiiyey midna
kama aanu jawaabin hase ahaatee waxa uu cabiray aragtiyada dadka iyo
sidey u qaadan karaan taasoo ku wajahan fikradaha qaldan ee laga heysto
guud ahaan gabdhaha muslimiinta ah ee reer galbeedka ku nool.
"Dadku waxey u maleeyaan in muslimiintu gabdhahooda cadaadiyaan oo ay ku
qasbaan waxeysan rabin, hase ahaatee annagu gabadheena iyadaa doortay
iney sidaas u labisto haddii ay ku qanasan tahay annaguna waan ku
qanacsanahay" ayuu yiri mid kamid ah gabdhahaasi adeerkeed oo u warameyey
wargeyska GT, isagoo iska fogeynayey eedeymaha iyo fikradaha qaladan ee
durba laga baxshay xijaabka gabdhahaasi.
Wargeyska la yiraahdo GT (Göteborg Tidning) ayaa booqasho ku tagay guriga
mid kamid ah gabdhahaasi isagoo wargeyska u kuuragalayey xaqiiqda iyo
sababta dhalisay in reerka gabadhaasi dhalay sidaasi ugu soo labisaan.
Waxaana uu wargeyska ka warbixiyey waxyaabihii uu ku soo arkay guriga ay
dagan yihiin mid kamid ah gabdhahaasi oo wargeysku sheegay in qoysku
ahaayeen kuwo diinta si fiican ugu adag.
Wargeyska oo warbixintiisa ka faaloonaya ayaa sheegay in gabadha ay
booqdeen gurigeeda xitaa walaalkeed oo iskuulka wax ka dhigta hadduu
ahaan lahaa gabar uu xiran lahaa dharka walaashiis ay xiray kadib markii
ay weydiiyeen su'aal aheyd "hadaad gabar ahaan laheyd ma xiran laheyd
dharkan oo kale?".
Falis iyo Ismahaan ayaa ah gabdhaha soomaaliyeed ee xijaabkoodu hareeyeen
buuqa iyo muranka ku saabsan xijoobkooda taasoo kaliftay in wasaarada
waxbarashada ee dalkan ay soo gaarto go'aan deg ah oo fasaxaya xijaabka
noocaas ah ama diidaya gebi ahaan xijaabka nooca uu yahay.
Labadan
gabdhood ayey wararku sheegayaan xirashada dharka noocan ah ay bilaabeen
xilligii kuleylaha ahaa ee sanadkan. "Annaga ayaa jeclaanay inaan sidan u
labisano maadama aan nahay dad muslimiin ah iyadoo aysan jirin diin
sidaasi fareysa, balse waxaan xijaabkan u xiranay Alle dartiis sidaas
daraadeed waxaan dooneynaa in nugula tixgeliyo" ayey tiri mid kamid ah
gabdhahaasi oo u warameysay idaacadda radio Sweden ee magaalada
Gothenburg.
Muddooyinkan danbe ayaa la sheegay in Ismahaan iyo Falis ay sid aad u
xiiseynayeen diinta, waxaana guud ahaan ku dhacay isbadal xagga dharka ah
tanoo ay sheegeen iney tahay mid ay kaga dhowrsanayaan xumaan kasta oo ku
iman laheyd.
"Ma doonayo in hadaan qurxoonahay iyo hadaan fool xumahay ama aan kor
wanaagsan leeyahay ay dadku i fiiriyaan, sidaas aawadeed ayaan u doortay
inaan la eegin waxaan ahay" ayey raacisay mid kamid gabdhahaasi oo u
warameysay wargeyska GT oo aan warbixintan kasoo xiganay.
Dhinaca kale siyaasiinta gobolka Gothenburg ayaa aragtiyadooda
siyaasadeed ee ku wajahan xijaabka gabdhahan soomaalida ah ka baxshay
waxeyna sheegeen in arrintani ay dhalisay buuq aan si sahal ah xal loogu
heli karin ama aan maanta qaanuun cusub loo soo rogi karin, haddii ay
timaadana ay saameyn weyn ku yeelan karrto xijaabka caadiga ah ee
muslimiintu xirtaan.
Siyaasinta oo arintan xijaabka u arka arrin aan sahlaneyn ayaa sheegay
ineysan ahayn su'aal quseysa gobol iyo degmo toona ee ay tahay mid
quseysa wasaarada waxbarashada siddii ay arintan uga baaran dagi laheyd
oo wax uga qaban laheyd.
Haweeneyda la yiraahdo Ann Sofie Roald oo ah haweney islaamka wax ka
qorta kuna xeel dheer amuuraha haweenka muslimiinta, islamarkaasina wax
ka dhigta Jaamacada Malmö ee dalkan Sweden ayaa qabta in haddii lasoo
roggo sharci xakameynaya ama diidaya xijaabka gabdhaha muslimiintu
xirtaan
iney markaasi wax u dhimeyso xorriyada diidamaha ee dalkan ka jira basle
tahay su'aal aan jawaabta la heli karin.
Shaqsiyana ay aaminsan tahay in xijaabka uu yahay mid muhiim ah,
islamarkaasina ay dhici karto in dumarka xijaaban kaga badbaadaan wixii
dhibaato ah sida ay diintooda fareyso.
Ugu danbetii sheekada ku sabaasan labadan gabdhood ee soomaalida ah ee
xijaabkooda muranka dhaliyey ayaa noqotay mid aad u soo jiidatay dareenka
dadka swidhish-ka ah oo qaarkood awalba dhibaato xagga midabka ah
shisheeyaha dalkan ku hayey.
Dalkan Sweden waxaa uu kamid yahay dalal dhowr ah oo ku yaala reer
galbeedka kuwaasoo muslimiinta joogta sidey doonaan ugu noolaan karaan
iyagoon wax caadis iyo naceyb toona loo heyn dhaqanka iyo diimaha ay
heystaan. Dhab ahaan dalkani waxaa kamid yahay dalalka safka hore kaga
jira ee muslimiintu heystaan xornimo buuxda kuwaasoo goob kasta ku
caabudi kara Rabbigooda.
Magaalada Malmö oo ah magaalo madaxda sadexaad ee dalkan Sweden ayaa
waxaa ku yaala masaajidka ugu weyn ee lee yihiin muslimiinta ku dhaqan
guud ahaan dalalka ku yaala waqooyiga Yurub ee iskaandaneefiyanka loo
yaqaano kaasoo dhawaan kooxo careysani ay dab qabadsiiyeen iyagoo
waxyeelo ay oo gaartay dhismihi masaajidkaasi iyo qolalkii carruurta
Quraanka loogu dhigay jiray qaarkoodna ay hoy u aheyd.
Gabdho
Soomaali ah oo Xijaabkooda Muran Ka Dhaliyey Dalka Sweden
Labo gabdhood oo ah ardey
soomaaliyeed oo wax ku barta dugsiyada sare ee magaalada Gothenburg,
Sweden ayaa...
Guji...
Isha warka: Wargeyska GT- Göteborgs Tidning, Radio Sweden, Gothenburg
Post
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
Dumarka Soomaaliyeed: Doorkoodii shalay
iyo maanta
GUJI.....