w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MUQDISHO
|
Walaac Laga Muujiyay Nabad Galyada
Wadanka Kenya
WQ. cabdi xasan cali
Muqidsho
Waxaa
isa soo taraysa hadal haynta ah in wadanka kenya si sahlan laguu khaarajin karo
haddii aad isqabataan cid aan naxariis iyo diin lahayn,laguuna adeegsanayo dad
reer kenyaan ah iyadoo la siinayo dhagarqabayaal(Gangs)lacag lagu qiyaasay
300kun shilin kenyana una dhiganta 4000$,kuwaasoo si sahlan kuu daba galaya
dabadeedna intay ogaadaan meelaad joogto ku khaarajinayaya ayagoo inaba
hayaraatee cabsi ka qabin booliska waayo waxaa la cadeeyay in booliska
ragaadisay musuqmaasuq xad dhaaf oo xitaa iyaga qudhoodu la laalusho.
Dhacdooyinka naxdinta leh oo wali dadka dhagahooda ka guuxaya waxaa ka mid ahaa
dilkii Shiikh Ibraahin Xuubcaaro oo ahaa ganacsade caana kana mid ahaa golaha
Baarlamaanka KMG,isagoo lala dilay labo kale oo midna ganacsade reer kenyana
balse xuubcaaro qaraabo ahaayen iyo darawalkoodii,waxaana baaritaan ay
sameeyeen dad saaxiibo iyo qaraabo la ahaa yaqiinsadeen in mu,aamaro ku saabsan
arrimo ganacsi loo adeegsadey gangska dadka dhiigiisa ku takhasusatay,waxaa
arrintu ahayd in marxuumiinta laga iibshay LC falso ah lacagna looga cunay inay
Sonkor kusoo deji karaan waraaqo aan rasmi ahayn,kadib markii ay la tageen
xafiiskii ay khusaysay waxaa loo sheegay in LCgu falso yahay isla markaana la
weydiiyay ciddii uu samaysay,balse markii ay soo noqdeen oo ragii somaalida
ahaa ee arrinta ka dambeeyeen yiraahdeen wixii falso bay noqden waana nalagu
qabsadey ayaa inta ay ku balamiyeen meel magaalada kabaxsan gangs laga
adeejiyay halkaasna ay ku waayeen naftoodii qaaliga ahayd dadkaas aan waxba
galabsan.
Waxaa haddana arinta sii murgiyay markii shalay ergay ka tirsanaa ergada ku
shiraysa lagu ceejiyay agagaarka madbakha xerada Mbagaathi taasoo dad badani
isku raaceen inay tahay mu,aamaro la qorsheeyay oo isla gangskii loo adeegsadey
marxuumiintii hore ay tanina ku lug leedahay,waxaase wali la ogaan cidda usoo
adeegsatay kharajinta marxuum Axmad Rashiid oo ahaa aqoonyahan ka yimmid dalka
Canada shuqulna ku lahayn arrimo ganacsi, balse ku joogay garabka RRAda
Shaatigaduud.
Haddaba waxaa dad badani is weydiinayaan siduu ku najaxi doono shirka nayroobi
iyadoo muddo ka badan 13bilood jiitamayay wax natiijo ahna lagu hayn haddana ay
ugu darmatay nabadgalyo xumo jiif xumo cuno xumo iyo sii kaldaadsanaan.
cabdi xasan cali Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2003
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
|
|